Musharaxiintii Oo UCID Ka Cararay Iyo Jamaal Cali Xuseen Oo Muqdisho U Xidh Xidhan Safiirna Loo Ballan Qaaday.
 


Xisbiga UCID Ayaa Jooga Maalmihii Ugu Dambeeyey Ee Noloshiisa Khasaaraha Ah. Sida Laga War Qabo, UCID Waa Xisbi Aan Weli Ku Guuleysan Wax Doorasho Ah, Sida Ay Uu Muuqata na Guul Darro Ayuu Jiritaankiisu Ku Soo Af-Jarmayaa.

Waxaa Imika Soo If Baxaaya Calaamado Muujinayaa In Guul Darro Kuwii Hore Ka Weyni Ay Ku Soo Socoto Xisbiga UCID, Waayo Maalin Walba Waxaa Ka Baxa Ururka UCID, Musharaxiin Hor Leh. Inta Aan Ka War Hayo, Usbuucii Ina Soo Dhaafey 5 Musharax Oo Ka Sharaxnaa De gmada Burco Ayaa Mar Qudha UCID Ka Cararay, Halka Laba Musharax Oo Reer Gabiley Ahi Ay Iyaguna Musharaxnimadaoodii Ka Tanaasuleen. Wararka Hargeysa Ka Imanayaana Wa xay Sheegayaan In Ugu Yaraan Dhawr musharax Oo Ay Iyaguna Loolanka Doorashada Ka Hadheen, Halka Saddex Kalena Aanay Iyaguna Cago Buuran Ku Joogin Oo La Sugayo Goor ta Ay Iyaguna Meesha Ka Baxayaan.

Maalintii Salaasadii Ayuu Faysal Cali Waraabe Fagaaraha Khayriyada La Soo Joogsaday Ere yo Isugu Jirey Calaacal, Cay Iyo Doorashadani Waa Mid Soomaaliyeed, Somalilandna Waa Dhulkii Soomaalida, Oo Jabuuti Ayaa Codaynaysa, Dadkii Soomaaliya Ka Yimi Ee Soo Bara kacay Ayaa Codaynaaya, Kuwii Ethiopia Ka Yimi Ee Af-Soomaaliga Bartay Ayaa Codayna aya, Dad Islaax Ah Ayaa Ururada Ku Jira Oo Kooxaha Xamar Xidhiidh La Leh. Faysal Oo Ay Niyad Jab Weyni Ka Muuqato Ayaa Hadallo Isku Dhex Yaacsan Oo Aan Loo Meel Deyin Iyo Weedho Badan Oo Kuwaa La Mid Ahi Ay Ku Jiraan Ayaa Meesha La Yimid, Halka Jamaal Cali Xuseen La Waayey Meel Uu Jaan Iyo Raad Dhigay.

Warar Hargeisa la isla Dhexmaraayo Ayaa Tibaaxaya Inuu Jamaal Xaggaa Iyo Muqdishu U Xidh Xidhan Yahay, Oo Uu Sugaayo Oo Keliya Ku Dhawaaqida Natiijada Doorashada Goleyaa sha Deegaan, Si Uu Somaliland Uga Diga Rogto Xaggaa Iyo Somaliyana Ugu Haajiro. Jamaal Cali Xussen Ayaad Moodaa In Usbuucii Hore Uu Qiil U Sii Sameysanaayey Kadib Markii Uu Yidhi Cadaalad Darro Ayaa Dadkii Muqdishu Geysey.

Jamaal Ayaa La Filayaa In Uu Jago Safiir Ah Weydiisto Marwo Fowzia Oo Xidhiidh Wanaagsa ni Ka Dhaxeeyo. Jamaal Ayaa Mar Uu Xidhiidh La Sameeyey Fowzia Xaaji Aadan Ku Qanciy ey In Ay Sugto Ku Dhawaaqida Magacaabista Safiirada Cusub Ee Soomaaliya Ilaa Iyo Inta Laga Helaayo Natiijada Doorashada Goleyaasha Deegaanka Ee Somaliland, Si Haddii Uu Ha dho, Uu Uga Mid Noqdo Musharax U Taagan Jago Ka Mid Ah Jagooyinkaas Safiirada.

Si Kastaba Ha Ahaatee, Dadweynaha Reer Somaliland Waxaa Aad Uga Yaabiyey Ninkli Jam aal Oo Mar Walba Safaaxadda Aan Ka Dhammaan Jirin Oo Imika Aragiisii Iyo Hadal Hayntiisii Gebi Ahaanba La Waayey Oo Ay Meesha Ka Baxday, Macaa HCTV, Oo Afka Jamaal Ku Hada sha Ayaan Wax Muqaal Ah Oo Jamaal Leeyahay Soo Deyn Muddo Tobaneeyo Cisho Laga Joogo.

Waxaana Imika Ummadda Somaliland U Cadaatay In UCID Ay Si Toos Ah Uga Tanasushay D oorashada Fooda Inagu Soo Haysa. Markaa Waxaan Farayaa Dadweynaha Inaanay Codkoo da Ku Khasaarin Xisbi Saaxadda Siyaasadda Ka Sii Socda Ee Ay Codkooda Siiyaan Mushara xiinta Mustaqbalka Somaliland Ku Sii Jiraaya.
 


Maxamud Siciid

maxamud.siciid@yahoo.ca