WAR SAXAAFADEED

 

 

Hargeysa (TNN)-Guddoomiyaha Xisbiga Talada dalka haya ee Kulmiye Mudane Muusa Biixi Cabdi wux uu isagoo ku hadl aya magaca Hogaanka, Guddiga Fulinta, kan Golaha Dhexe ee Xisbiga iyo kiisaba h ambalyo iyo salaa n u dirayaa Madaxweynaha Jamhuuriyada Djibouti Mudane Ismaacill Cumar Geele doorashada loo d oortay marka saddexaad Madaxtinimada (Madaxwaynenimada) dalka Djbouti ee ka dhacday Djibou ti maalintii Jimcaha ee bishan April 8, sannadka 2011, isagoo ku guulaystay aqla biyad aad u sarey sa.

Guddoomiyaha Xisbiga Kulmiye Mudane Muusa Biixi Cabdi wuxuu sheegey in guusha uu Mudane Ism aaciil Cumar Geelle ka helay shacabka reer Djibouti ay tusaale u tahay sida niyad-samida ah ee reer Djibouti ugu kalsoon yihiin Madaxweynahooda.

Mudane Ismaciil Cumar Geele wuxuu muddadii uu Madxweynaha ka ahaa dalka Djibouti uu gaadhsiiy ey dalka horumar dhinaca walba ah, gaar ahaan dhinaca adeega bulshada, wuxuuna ku xidhay Djib outi wadamo badan oo ka tirsan qaaradaha adduunka. Mudane Ismaaciil Cumar Geelle waxa kale mu dadii uu xilka hayey aad u wanaajiyey xidhiidhka uu la leeyahay wadamada ay deriska yihiin sida So maliland, Ethiopia, Kenya iyo Yemen.

wuxuu u rajeeyey Madxweyne Ismaaciil Cumar Geelle Caafimaad, dalka iyo dadka reer Djiboutina horumar