Murashaxii (Kulmiye)ee loo codeyey oo u codeeyey
Murashaxii (UDUB)

Maalinba siyaasiyiintu tay
keenaan tii kale ka daran. Sida la wada ogyaha waxaa ismaandhaaf
badani ka dhashay oo dad badani isu seegay, mararka qaarkoodna dhiig
ku daatay muddo ko rdhin iyo doorasho shin dhaafta. Af iyo
qalinba muddo ayay hadheeyeen warbaahinta, dadka ku muransan muddo
kordhintii Madaxweyne Riyaale oo tiraba laba goor shin dhaaftay.
Muddo kordhintaa labada goor ahayd sharciga iyo distoorka Somaliland
ayaa la waafajiyey oo waxay dadweynihii ku qanceen go'aankii Golaha
Guurtida ee distooriga ah, ay ka soo saareen arrinta. Xidhigii
qaloocnaa waxay dadweynuhu ku xamileen markii sharciga iyo distoorka
lagu qotami yey.
Haddaba maanta waxaa timid muddo kordhin aan laba sano ahayn ee laba
casho oo keliya ah. Way kala baaxad weyn yihiin tiro ahaan iyo
cadadka saacadaha. Waxase ay ku kala duwan yi hiin mid waa
xamil la qaadi koro oo Golayaal iyo shacbi ka taliyeen. Midna waa
xadhig qaloocan oo laba shakhsi ku heshiiyeen. Ka loo kordhiye iyo
ka u kordhiyey labaduba distoorkii iyo shar cigii way
baalmareen, waxay daadufeeyeen wixii la isku ogaa, waxay gaashaanka
ku dhufteen go'aankii guddida komishanka ee baalka dahaba loogu
tolay habkay wax u maamuleen, waxay baalmareen go'aankii ku
dhawaaqista natiijadii codbixinta ee Waaxda garsoorka ee qaranka.
Labada casho wixii lagu kala iibsadey weli mahayno ee bal aan ka
wardhawro.
Mushykiladu ma ah saacadaha muddo kordhinta ee dhibaatada ay
leedahay wixii aan sharciga waafaqsanayni xagayga balaayo ayuu ka
qoran yahay.
|