Munaasibad loogu ducaynayo Abwaan Gaariye


 




Sida laga war qabo Abwaan Gaariye wuxu xanuun u jiifa magaaladda oslo ee dalka Norway mu ddo billo ah. Ka dib markii uu dalka Norway u taggay innuu ka dhiggo Jamaacad ku taala magaa lada Oslo luqada Af-Soomaaliga, waxa si kadis ah u haleelay xanuun.

Hadaba waxay ururada kala ah Somaliland Societies in Europe (SSE), Kayd iyo Red Sea Online qaban qaabinayaan munaasibad Abwaanka loogu ducaynayo maalinta Axadda ee September 1-deeda. Munaasibadu waxay ka dhici doonta xarunta Oxford House ee ku taala Derbyshire street, E2 6HG, London.



Abwaanku wuxu hore inoogu gabyay:


Ha laguu ilmeeyee Horta dhimo af maahee!

Eeggoo la noolyiyo Ifkaan kaaga baahnahay

wax yar oo aqoonsi ah Oon aad u buurnayn

Oo weliba eegay Igu sii amaahoo

Ictiraafka buuxee Aakhiro markaan tago

Iilka igu sugayiyo Ayaantaan xabaal galo

Oohintaan mutaystiyo Akawnkeyga laga jaro



Abwaanku wuxu af iyo addin-ba kagasoo qayb qaatay xorayntii dalka Somaliland iyo geedigii dheera ee dhidibada loogu taagay xasilooninada iyo qaranimada Somaliland.



Sidaa daraadeed waxaanu ummadda reer Somaliland iyo guud ahaan inta jacel hal-abuurkiisa ugu baaqaynaa in munaasibadan ducadaa si baaxad leh loogasoo qayb gallo isla markaana ifka ku gar-gaarno Abwaanka. Munaasibada waxa la keeni doonaa buugaag ka kooban hal-abuurkiisii oo luqqado kalena (English) lagu turjumay.



Wixi faahfaahin ah fadlan kalasoo xidhiidh 07903712949 amma 07870515334.