|
Muuse Biixi Waa Geesi Hantay Taageerada Shacabka So maliland oo
markhaati waxa ka ah guusha Kulmiye

Mujaahid Muuse
Biixi Cabdi
Muuse Biixi waa nin aad u geesi
ah oo dadkiisa iyo dalkiisa u huray naftiisa isaga iyo rag kale oo
fara badan, waa nin waaya aragnimo wanaagsan u leh sida shaqada
maamulka l oo qabto, isaga oo Wasiir hore uga soo noqday dawladihii
hore ee Somaliland, imikana m udo hayay xilka gudoomiye ku
xigeen oo uu ka ahaa xisbiga doorashada ku guulaystay ee Kulmiye.
Isku soo wada duuboo Muuse Bixi wuxu hantay taageerada shicibka
Somaliland, waxaanuu ka mid yahay sababta shicibka Somaliland u
siiyeen taageeradooda xisbiga Kul miye, shicibkaas oo inta badan
kala degan dhamaan Somaliland gaar ahaan deegaanka g obolada
Hargeysa, Saaxil, iyo Awdal. Madaxwaynaha la doortay ee Ahmed
Silanyo iyo M uuse Bixi waxa ka dhexeeya saaxiibtimo gaara oo
qoto dheer, Madaxwayne Ahmed Silan yo wuxu mar walbaa ogaa
taageerada Muuse Biixi ku dhex leeyahay dadkiisa iyo dhama an
shicibka Somaliland, waana sababta uu mar walba ugu faro adaygay
inuu helo taage erada Muuse Biixi, waana sababta loogu igmaday
xilka gudoomiye ku xigeenka.
Xilkaasuna waa mid uu u gutay si
aad iyo aad u qurux badan markii xisbigiisu ku guulayst ay
doorashada madaxwaynaha, guushaa Kulmiye maanta helay waxa ka
shaqeeyay oo m aamulkeeda maalinwa lahaa Muuse Bixi iyo inta xilka
xisbiga Kulmiye la haysay, taageera yaasha Kulmiye, iyo gaar ahaan
shicibka Somaliland ee siisay codkoodii iyo kalsoonidoodi iba.
Markii aan bilaabay inaan akhriyo maqaalka uu qoray
Maxamed Diridhaba ee uu sida qaa
wan ugu weeraray Muuse Biixi, waxan si
xiiso badan u akhriyay maqaalkii si aan u gaadho waxa uu Maxamed og
yahay ee uu ku eedaynayo Muuse Biixi ee keenay inuu maqaalkan ku
weeraro. Wuxu yidhi Maxamed af lagaado aad u fara badan oo
muujinaysa nacaybka uu shakhsiyan u qabo Muuse Biixi. Marka laga
tago caydii iyo aflagaadadii uu u gaystay M uuse Biixi (oo aanan mar
labaa anigu jeclansanin inaan halkan ku soo qoro) Maxamed sa
babta ugu wayn ee uu sheegay inuu ku maagay Muuse Biixi wuxu yidhi
Muuse wuxu aha an jiray Wasiirka Arrimaha Gudaha xiiligii
Madaxwaynihii hore ee Cigaal oo laba goor ayaa xilka Wasiirnimo laga
eryay - ka dibna cay iyo aflagaado aad iyo aad u fool xun ayuu
da ba dhigay. Arrintanu aniga waxay igu noqotay fajac iyo amakaag,
waayo waxan is idhi, waar ninkan wayn ee sawirkiisa meesha ku
dhejiyay, maxaa waxan oo cay ah ka keenay mar hadii aanu waliba
qoraalkiisa ku soo sheegin wax uu Muuse Biixi ku mutaystay
aflag aadadan.
Markii aan soo baadhay Maxamed Diridhaba
iyo waxa ku kelifay caydan iyo aflagaadan. Waxa dadkii la deganaa
magaalada uu joogo ii soo sheegeen in Maxamed
Diridhaba ay d hashay gabadh la dhalatay ninka la yidhaahdo
Cismaan Hindi, oo ay siyaasada
isku haya an Muuse Bixi, Cismaan
Hindina waa ninkii ka masuulka ahaa in Maxamed Diridhiba yimaa
do waddanka Ingiriiska. Markaa waxa meesha ka muuqata in cayda iyo
aflagaadada Max amed Diridhaba ay tahay mid uu ugu hiilanyo
Abtigii Cismaan Hindi oo
ceeb aad iyo aad u wayni
ka raacday doorashadii, oo maantaa xataa xisbigii
UDUB ee uu u dagaalamayay ay isaga ku
sheegeen sababta looga badiyay.
Markii aan intaa ogaaday waxan
jeclaystay inaan maqaalkan soo qoro oo aan ka codsado intiinii soo
daabacday ama akhirday inaan la wadaago maqaalkan oo aan idiin
sheego in Maxamed Diridhaba nacayb
gaara oo uu u qabo Muuse Biixi ku jiray
oo kaliftay caydiisa, o o uu hiilkii Abtigii
Cismaan Hindi waday markii uu soo caytamay, ee aanu wanaag uu
u ha yo Kulmiye iyo Ahmed Silanyo toona aanu meesha ku haynin,
laakiin wali uu jiro xifaaltan kii doorashada.
Maqaalka waxan ku soo gunaanadayaa Muuse Biixi waa madaxda
Somaliland, waa geesi hantay taageerada shicibka Somaliland, waa
hogaamiye keenay inuu xisbigiisu ku guulay sto doorashada, waa
mujaahid naftiisa u soo horay dalkiisa iyo dadkiisaba. Waa ninkaa
shicibka Somaliland siiyeen taaageeradoodii maanta, waa nin haddii
illaahay nafta u daa yo, xilal badan ka qaban doona Somaliland
inta uu nool yahay, ama ha ahaado Wasiir la shaqeeya Ahmed Silanyo
ama ha noqdo Madaxwaynaha soo socda ee mustaqbalkaba ee hogaamin
doona shicibka Somaliland labadaba. Ahmed
Silanyo maanta nasiib wanaag ug ama baahna talo
Cismaan Hindi iyo
inanka uu Abtiga u yahay, ee wuxu talo uga baahan yahay oo uu
marwalba ka raadiyaa Muuse Biixi oo
imika ah gudida Ahmed Silanyo u door tay inay kala soo
taliyaan sidii dawlada cusub loo soo habayn lahaa.
Akhristoow si aad u ogaato xidhiidhka naga dhexeeya aniga iyo Muuse
Biixi, waayo anigu idinka qarin maayo sidii Maxamed Diridhaba-hii
caytamayay ee halkan uga hiilinayay Abti gii. Ee aniga iyo
Muuse Biixi waxa aanu nahay saaxiib, waxa aanu nahay tol, waxa aanu
nahay xidid, waa nin ka mida madaxda iyo mujaahidiinta Somaliland oo
aan u hayo ixtira am, sharaf, iyo maamuus fara badan.
Rashid Garuf
Washington DC
rgaruf@msn.com |
|
|