Max’ed Kaahin oo si ba’an u weeraray Rayaale iyo Komishinka Doorashooyinka

 

Hargeysa (Longlivesomaliland News) - Mujaahid Max’ed Kaahin oo ka mid ah masuuliyiinta sar sare ee xisbiga  muca a ridka ah ee kulmiye ayaa si wayn u naqdiyay marxalada waqtigan uu  wad anku marayo. Waxa uu max’ed kaahin ku macneeyay xaalka wadanku uu mar ayo mid maalinba maalinta ka danbeeya sii xummaanaya isaga oo eeda  arink aana dusha ka saaray xukuumada M/wayne Rayaale.


Dhinaca kale waxa uu mujaahid Max’ed Kaahin uu weeraray masuuliyiinta komishanka doorashooyinka Somaliland oo uu ku tilmaamay in ay yihiin niman qayrul masuul ah.


Waxa kale oo uu ka hadlay,Go’aanka ay xukumada Somaliland ku soo rogtay agaasimaha Enter Peace Samora iyo go’aankii ay soo saareen. Waraysigan waxa mujaahidka la yeeshay, Ibraahin Abdirahman Qaasim, oo ka tirsan wariyayaasha shabakada wararka ee WARYATV. Waxana u


Ugu horayna waxa uu weydiiyey bal sida uu Max’ed Kaahin ahaan u arko baaqi ay soo saareen haaya’ada enter Peace? Waxaanu ku jaawabay


J. Baaqan ay soo saareen deeq bixiyayaashu waxay daba socotay go’aankii ay wada jirka u qaateen gudoomiyaha xisbiga UDUB ahna murashaxa xisbigaas Md Daahir Rayaale iyo komishanku ay wada jira u qaateen, baaqaasi oo ahaa baaq qarsoodi ah, baqaas oo ahaa mid sharci daro ah, baqaas oo ah komishankii oo ka mid noqday xisbiga UDUB isla markaana eedaynaayey haaya’ada caalamiga ah iyo kuwa deeq bixiyayaasha ah. Sida ayna ka la socono waxay ku sheegeen in mashruucii diwaangelintu uu fashilmay, anigu xisbi ahaan taas ma qabno waana arin gaf ah oo lagu samaynaayo dadkii deeq bixiyayaasha ahaa ee arintan inaga caawinayaayey”


“Waxaynu ka war haynaa war-saxaafadeedkii deeq bixiyayaasha oo aanu hada hayno, waxay samaysteen wax ay ula baxeen guddiga dimuquraadiyada jamhuuriyada Somaliland oo ka kooban Ingiriiska, Maraykanka, Sweden, EU, Norway, Denmark iyo Swaziland oo dhamaantood inaga caawinayey arrimaha doorashooyinka iyada oo ay hawshani tahay tii komishanka in kastoo ay ku fashilmeen komishan ahaan. War-saxaafadeedkani waxa uu xanbaarsan yahay waa laba shay, kaw Somaliland oo laga hor keenaayo oo cadaawad la dhex dhigaayo iyaga iyo beesha caalamka gaar ahaan international community-ga ama dalalka qaadhaan bixiyayaasha ah oo mudooyinkii ugu danbeeyey inaga iyo dalkii somaliya ina kala saaray oo guddi gooniya inoo kala sameeyey.

Waxaa uu intaas ku daray Max’ed Kaahin in doorashooyinka ay hor kacaayeen nabada iyo hanaanka dimuquraadiyada Somaliland ay ku talaabsatay mudadii koobnay ee ay jirtay, isaga oo arintaas ka hadlayna waxaa uu yidhi

“Doorashooyinkeenu waxay horseed u ahaayeen, nabad galyadeenuna waxay horseed u ahayd inay Somaliland noqoto dal ka tirsan bulshada caalamka oo waliba ka mid noqotay goloyaasha aduun weynaha looga taliyo, sida jimciyada quruumaha ka dhaxaysa, sida jaamacada Africa, sida urur goboleedka mandaqada geeska Africa ee IGAD iyo sida ururka jaamacada carabta, waxaas oodhan dariiqa aynu u maraynay waxay ahayd dariiqa dawlada wanaaga iyo maamul hufnaanta ee la yidhaahdo (Good Governance) oo hada soo gabaabisayaaya oo ay dawladu gowracayso mudana aanu gacmaha ka haynay balse aad imika moodo inay kolba nagala muruxsanayaan”

Geesta kale waxaa uu Max’ed Kaahin si mug balaadhan leh uga hadlay go’aankii ay xukumadu ka qaatay sarkaalka haaya’ada Enter Peace, waxaanu hadalkiisa ka mid ahaa

“Arinkan kale ee uu maanta madaxweynuhu ku amray ee ay daraato ku shireen (Komishanka iyo Madaxweynahu) waa arrin duminaaysa nidaamkii geedi socodka iyo dimuquraadiyadii Somaliland, waana arrin si buuxa Somaliland uga gadoominaaysa bulsho weynta caalamka.


Saaka xubintii ka joogtay haaya’ada Enter Peace boolis ayaa ku gadaaman iyada oo uu madaxweynu amaray in dalka laga mustaafiriyo, wasaarada arrimaha guduhuna amartay waana arin ayaan daro ah, waxaanay saaka komishan ku sheegu soo saareen baaq aanay u dhamayn xubnaha komishanku waxaana si wada jira u soo saaray xubnii gacan saarka la lahaa xisbiga UDUB, ilaa iyo xalay xisbiga UDUB iyo madaxtooyada xubnihii kale ee komishanka guryahooda ayaa lagu weeraraayey si ay uga hadlaan arrintani oo ah tii curfiga nabad sugida iyo curfigii hanti wadaaga kacaanka somaliyeed waa wixii 20-ka sano ay somaliya ku burburtay ee ay gaaladuna ugu yeedho (legacy) hanaan dhaqameed ama dhaxal-tooyo.


Waxaanay komishanku ku sheegeen war-qadooda qodob ay ka mid yihiin

waxa uu mar walba ku hawlahan yahay (Samora) in uu qas iyo qalaase ka abuuro dalka.

Xisbiyada mucaaridkana ugu sheego mar walba warar aan jirin oo been ah.



wuxuu diiday amarkii gudoomiyaha komishanka iyo xubnaha kale ee ahaa in aanu qaybiyo liis macmal ah


Waxa kale oo uu intaas raaciyey Max’ed Kaahin in gabi ahaanba ay been abuur iyo khiyamo yihiin siyaasada iyo fikirka gudoomiyaha koomishanku, waxa kale oo uu xusay in xisbigooda ay xukumada ku sheegto mid ay ku jiraan Al-qaacida iyo Al-shabaab, sidoo kale waxaa uu sheegay Max’ed Kaahin in aanu sarkaalka Enter Peace labada xisbi si gooniya ula shirin, waxaana uu yidhi


“hada siyaasada iyo fikirka gudoomiyaha komishanka jaamac Sweden ayaa waxa ay wada yihiin been abuur, khaa’inimo, Macamal, musuq maasuuq, sidaas daraadeed anaga fariimo macmala nalooma keenin liis aan suuro gal ahayna nalooma keenin.


Samora meel uu xisbiyada kula shiray ma jirto, xisbiyada Kulmiye iyo Ucidna meel uu kal shiray ma jirto, ma lihin anagu xisbiga UDUB masuuliyiintiisa hab dhaqankooda madaxweyne Daahir Riyaale iyo wasiirada hab dhaqameedkii nabad sugida oo kale ah eek u hawlan in ay dawladaha geeskan afrika iyo kuwa yurubiyaanka ku yidhaahda xisbiga Kulmiye waxaa ka tirsan Unugyadii Al-Qaacida, Xisbiga Kulmiye waxaa jooga Al-Shabaab sidaas ayay dawladaha oo dhan ku yidhaahdaan, Siilaanyo ah oo Gaboose ayaa ka mida balse anagu ma tihin dadkii hore ugu caan baxay ee dal weynihii somaliya lasku odhan jiray ee qaranka basaasay, anagu kuwaas ma nihin.


Hada arrinka laysku hayaa muxuu yahay?,



J. Arrinka laysku hayaa waxa uu yahay, gudoomiyaha komishanka oo Daahir Riyaale wakiil u ah iyo Riyaale ayaa wax ay leeyihiin liiskan jamhuuriyada Somaliland ka soo baxayaa waa in la qubaa oo waa in laga soo saaraa tiro u dhaxaysaa ilaa lix boqol oo kun iyo ilaa todoba boqol oo kun, ilaa hada ma garanayno anagu nin umadiisa iyo dalkiisii ku mitida la’a oo ku dagaalami la tiradii codbixiyayaasha iyo wixii aynu aduunyada la hortagi lahayn ee ahaa milyanka iyo googo’a, halkii aynu laabta ka garaacan lahayn ayaa waxa la leeyahay guud ahaan ilaa laba boqol oo kun ha laga soo reebo.



Qodobka labaad haaya’adana iyo komishanku waxay isku maan dhaafsan yihiin lacagihii musuq maasuqa ku baxay ee qaadhaan bixiyayaasha oo la laayahay shan boqol oo kun oo dollar xisaab celinteedii ilaa hadana ay rabaan xukumada iyo komishanku shan boqol oo kun oo dayn ah oo ay jeebada ku shubtaan (Komishanka iyo Xukumadu)



Max’ed Kaahin oo ka hadlaayey musuq musaaqa halka uu ka taagan yahay xisbigoodu ayaa sheegay aanay xisbi ahaan Enter Peace la lahayn wada shqayn, intaas waxa uu raaciyey in aanay kulmiye ahaan basaasin ahaan jirin sida uu ku eedeeyey Xukumada, waxaana ka mid ahaa hadalkiisii



“Anagu gacan saar lama lihin, sidoodana basaasiin maanu soo ahaan jirin, qaran kayagana ka sinaysan mayno kana been sheegi mayno, sidaas daraadeed waxaanu leenahay goorma ayuu Samora Tuug noqday? Goorma ayey Enter Peace noqoday haaya’ad inagu xad gudbaysa? In badan ayay Somara iyo Jery iyaga oo komishanka la socda ay hor fadhiisteen madaxweyne Daahir Riyaale.



Hadaba markaas tuug may ahayn, oo markaas qarankeena may duminaynee, oo markaas inamay baabinaynee goorta ay ina baabinayaan waa goorma? Waa markii ay soo saareen liiskii codbixiyayaasha, Eter Peace waxay leedahay “the donors recognize that the production of the voters list as positively evaluated by the independent U.S Company, provides credible basis for holding a free affair election” . Taasi oo noqonay teeq bixiyayaashu waxay aqoon sanyihiin liis codad ah oo uu soo saaray kambani madax banaan oo maraykan ahi, isla markaana cadayna u ah doorasho in la galo.



Mar uu Max’ed Kaahin is bar bar dhigayaayey deeq bixiyayaasha iyo xukumada ayaa waxa uu sheegay in deeq bixiyayaashu ay ugu lexo jeclo badan yihiin madaxweyne Daahir Riyaale dalka Somaliland, wuxuuna intaas ku daray in aanay komishanka iyo Madaxweyne Daahir Riyaale aanay boobi Karin xisbigooda, waxaanu uu yidhi:-



“Intaas kadib anagu waxaanu u aragnaa in ay deeq bixiyayaashu ay dalka uga dhaqaale iyo lexo jecelo badan yihiin madaxweyne Daahir Riyaale, sababtoo ah haa’ayahani waxay dalka ku caawiyeen seddexdii sano ee ugu danbaysay 170 milyan oo yuuro oo u dhiganta in ka badan 200 oo Milyan oo dollar, halka madaxweyne Daahir Riyaale cashuur bixiyayaasha lacagtooda uu dalka miisaaniyada uga dhigay shan sanadood 160 milyan oo sanadkiina noqonaysaa dhawr iyo sodon doolar lacagta inteeda kalena ay iyagu jeeb kooda ku shubtaan, markaad arinkan dhan walba ka eegto waxa weeyaan in la duminayaao qaranimadi Somaliland.



Waxaa taas loo samaynayaa in qolmado, suuq madaw iyo meel aynaan waxba isla ogolayn doorashada lagu galo, anagu arinka aanu ka hadlaynaa ee aanu ka qaylinaynaa maaha Daahiri Riyaale isaga oo jaamac Sweden iyo xubno kale oo ka mid komishanka ayey idin boobi karaan oo ay idin fara maroojin karaan taas awood uma laha, xubno kale oo uu ka mid yahay taliyaha booliska, badhasaabo iyo wasiiro way jiraan balse anaguna awoodii aanu is kaga hortaagnay ayaanu leenahay”



Xog waraysigan oo uu Max’ed Kaahin kaga hadlayo arrimo badan ayaa mar uu la hadlaayey bulshada Somaliland waxa uu ugu baaqay in seddex qodob ka digtoonaada, iska markaana ay waxyaabo badan isha ku hayaan, waxaana uu yidhi



“Bulshada reer Somaliland waxaanu ugu baqaynaa seddex qodob inay ka foojignaadaan



Waxaa la burburinayaa nidaamdkii geedi socodka Somaliland.
Nidaamkii doorashooyinka Somaliland
Waxaa la burburinayaa wadadii aynu u maraynay ictiraafka Somaliland.


Waxaan filyaa in aad si weyn ula socotaan in shalay (daraad) uu mudanihii kongarayska guddi hoosaadka maraykanka u qaabilsan arrimaha Africa in uu yidhi wasiiru khaarajiyahooda (Somaliland) la kulmi mayno waayo ma matalo masiikra umadooda iyo dantooda kama turjumaayo, halka maanta laysku haysto deeq bixiyayaasha waxaa kale oo la leeyahay burburinta umada ka daaya anaguna ka daaya ayaanu leenahay.



Dad weynaha Somaliland ha u diyaar garoobaan samata bixinta qarankooda, dadweynah dibada jooga ee reer Somaliland waxay u heelan yihiin qaran ay dib ugu soo laabtan oo la aqoon san yahay, horena waan uga hadlay ayaan filayaa Waryatv waxa uu madaxweynu yimaada wadamada yurubta xiliyo uu barafku da’aayo oo caruurta gu’u jirka ah ay la taagin yihin dabaysha iyo barafka waxaanay inta badan ka kala yimaadaan gobolada iyo degmooyinka ka ag dhaw dalka uu booqdo madaxweynu, dadkaas qurba jooga ah abaal gudkoodi waxa uu noqday in la xidh xidho wariyayaasha ka hawl gala idaacada ay leeyihiin qurba joogu, idaacada Horyaal madaxweyne Daahir Riyaale iyo xukumadiisu waxay u yaqaanaan Radio Qudhmis, Radio Qudhmisna waa kii SNM-ta markii uu nabad sugida ahaana sidaas ayuu u yaqaanay, imika oo uu madaxweyne yahayna sidaas ayuu u yaqaanaa, abaal koodii soo dhaweyntuna kaas ayuu noqday”





Ugu danbayntii waxa uu si weyn farta ugu goday Max’ed Kaahin xadhiga had iyo jeer loo gaysto saxaafada madaxa banaan, waxaanu sheegay



“Waxaa kale oo iyana ayaan-daro ah in uu maanta xidhan yahay Television-kii Horn Cable Tv, marka aad aragto saxaafadii oo la xidhaayo, markaad aragto wariyayaashii oo la xidhaayo, markaad aragto deeq bixiyaashii iyo aduunyadii dimuqraadiga ahayd oo Somaliland laga eryaayo”







LongliveSomaliland News Desk
Hargeisa, Somaliland