Mujaahid Ibraahin Dhagawayne Oo Madaxwaynaha Cusub Ugu Duceeyey In
Ilaahay Ku Asturo Xilka Loo Igmaday

Hargeysa, July, 5, 2010 (TNN) -
Mujaahid Ibraahin C/laaahi Xuseen (Dhegaweyne) oo ka m id ahaa
saraakiishii sar sare ee ururkii xaq u dirirka ahaa ee SNM, hadana
ah madaxda Uru r-siyaasadeed UDHIS, ayaa si weyn u
hambalyeeyey Madaxweynaha la doortay ee Somalil and Md. Axmed
Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) iyo ku-xigeenkiisa Md. Cabdiraxmaan
Cabd illaahi Ismaaciil (Saylici).
Muhaajid Ibraahim Dhega-weyne, ayaa sidan ku sheegay mar uu shalay u
waramayey war geyska Haatuf, isaga oo Mujaahidku hadalo waano
iyo duco iskugu jira waxa ka mid ahaa hadaladiisii “Marka hore
waxaan hambalyo iyo bogaadin aad u ballaadhan u dirayaa guud ahaan
shacabka, Komishanka Doorashooyinka Qaranka iyo cid kasta oo gacan
ka geysatay doorashadii taariikhiga ahayd ee 26 June 2010 ka
qabsoontay dalka Jamhuuriyadda Soma liland.
Marka xiga waxaan hambalyo kal iyo laab ah u dirayaa Madaxweynaha la
doortay ee Som aliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo)
iyo ku-xigeenkiisa Md. Cabdiraxmaan Ca bdillaahi Ismaaciil (Saylici)
iyo weliba Madaxweynaha laga guulaystay Md. Daahir Rayaale Kaahin
iyo ku-xigeenkiisa Md. Axmed Yuusuf Yaasiin ee aqbalay natiijadii
quruxda badnayd ee Komishanka Doorashooyinku ka soo saareen
codbixintii doorashada Madaxtooyada.
Intaa waxa ii dheer doorashadii mucjisada ahayd ee 26kii June 2010
ee lagu doortay Mada xweynaha iyo Madaxweyne-ku-xigeenka cusub
waxay dib ii xusuusisay oo ay ku beegan ta hay sannad-guuradii
26-aad ee ka soo wareegtay markii aannu Madaxweyne Axmed-Siila anyo
u caleemo-saarnay sannadkii 1984 guddoomiyenimada ururkii SNM ee
horseedka ka ahaa xorriyadda iyo madaxbannaanida qaranka Somaliland
ee maanta hoggaamintiisa loo doortay, annagoo u arkaynay waqtigaas
inuu ahaa nin ka saari karayey xaalado adag oo xilligaas ururka ku
gedaanaa, runtiina taas wuu ku guulaystay.
Sidaa awgeed, maanta oo ay waqtigaas ka soo wareegtay 26 sannadoodna
waxaan mark ale leeyahay Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo)
waa siyaasi ruug-caddaa ah oo Jamhuuriyadda Somaliland ka saari kara
tiirada ugu dambaysa, isla markaana aqoontiisa iyo
waayo-aragnimadiisa ugaga faa’iidayn kara helitaanka aqoonsi caalami
ah, adkaynta wadajirka ummadda iyo horumar lagu badhaadho oo
Somaliland gaadho.
Ugu dambayn, Madaxweynaha cusub iyo ku-xigeenkiisa waxaan Ilaahay
uga baryayaa inuu u fududeeyo, kuna soo asturo masuuliyadda culus ee
shacabka Somaliland u xambaariyeen."
Source:Haatuf
|