Mujaahid Axmed Maxamed Siilaanyo iyo Dr Maxamed Cab dillahi Cumar ,waxay soo nooleeyeen saxan saxadii iyo dabayshii aqoonsiga Somaliland

 


 

Marka hore waxaan salaan kal iyo laab ah u dirayaa dhammaan shacabaka xariirta ah ee  Somalil and , ee karaamada,sharafta iyo qadarinataba mudan,meel kast oo ay joogaanba. Mahadda  dha mmaanteed waxaa iska leh Allaha weyn, subxaanahu watacaalee,waxaanan idiinka baryayaa  dh am maantiin inuu idinka yeello kuwii if iyo aakhiraba liibaana.

Waxaa taa ii xiga oo aan hambalyo aan la soo koobi karayn iyana u dirayaa dhammaan saxaafad da Somaliland,ee hawsha qiimaha leh ee ay dalkooda iyo dadkooda u hayaan,ee habeen iyo maali nbba heeganka ugu jira  inay u soo gubiyaan bulshada Somaliland xaqaaiqa iyo xaaladda dhabta ah ee Dalka iyo Dadkuba ku sugan yihiin.

Aan u soo gondo noqdo xudunta qoraalkaygan, qadarrna aan is dul taago hawsha  qiimaha iyo  q adarinta leh ee ay ku tallaabsadeen Mujaahid Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) iyo  Dr/Pro fessor Maxamed Cabdillahi Cumar,si ay uga midha dhaliyaan himilada,rabitaanka iyo jeelka ay  um maddu u qabaan inay aqoonsi buuxa bulshada Caalamka ka helaan.

Waxaa xaqiiqa ah,biyo kama dhibcaan ah, in maamulka Riyaale ku guul daraystay inuu  qa diyadda Somaliland gaadhsiiyo , kana dhaadhiciyo wadamada Caalamka ,gaar ahaan Dawladaha taladu ka go'do ee u badan reer Galbeedka,sida Maraykanka, Ingiriiska , iwm.

Wuxuu miciin iyo xeelado uu adeegsado ka dhigtay,inuu shacabka ku maaweeliyo ballamo been  a h,war baahinta Qarankana u adeegsado,kuna cel celiyo ."Aqoonsigii wuu imanayaa ,fadhiguu inoo gu imanayaa.".......Ta meesha taallaana waxay tahay, oon meel looga wareegaana aanay jirin,ma ah maahdii  Somaali yeed ee ahayd."Fadhi iyo fuud yicibeed laysla waa,",waxaanad u hawshoonna doobiga looma cusho.

Xisbiga KULMIYE iyo madaxdiisa sareba, iyagoo ka damqanaya hab dhaqanka iyo tamar da rrada Xukuumadda ,waxay go'aan sadeen inay buuxiyaan kaalintii maamulka Riyaale ka g aabiyey,una guntadeen inay qadiyadda Somaliland Caalamka gaadhsiiyaan.

Xisbiga KULMIYE, isagoo oofinaya ballan qaadakaasi,waxay wafddi ballaadhan oo uu hoga  aminay o Mujaahid Axmed Siilaanyo,  ugu anab baxeen Dalka Maraykanka,waxaanay kala kulmeen soo  dh aweyn aan abid loo fidin wefdi Somaliland ka socda,lana kulmeen madax sa re oo ka tirsan  baarla manka iyo guriga odayaashaa ee carriga Maraykanka looga taliyo, u na bandhigeen sida ay uga  go'an tahay in Somaliland xaqeeda hesho , oo aqoonsi hesho, cid kalena u daba fadhiisanayn  Qar animadeeda iyo jiritaankeeda. Halkaasi waxaa kaag so o baxaya guusha iyo libinta ay u soo  hooy een gayigeenna Somaliland.

Waxaa iyana xusid mudan,oon marnaba la hal maami karin,sidii layaabka lahayd ee Jaaliya daha  S omaliland ee Maraykanka ku dhaqani,u soo dhaweeyeen,isu garab taageen,ugu han weynaayeen, inay la kulmaan madaxda Xisbiga KULMIYE,kana xog wareystaan xaaladda Dalkii ku sigan  yahay, madaxda ay la kulmeen,barnaamijka siyaasada ee Xisbiga iyo guud ahaan xaaladda dalku ku  sug an yahay.

Hawshaa baaxaddaa leh ee Muj Siilaanyo iyo Dr Maxamed Cabdillahi ku soo guuleysteen,waxay  s oo noolaysay ididiiladii,rajadii iyo quluubtii shacabka e u oomanaa inay arkaan  mad ax karti iyo aq oon leh oo caalamka la gor gortami kara,kana dhaadhicin kara Qadiyadda S omaliland.

Haddaba waxaa is weydiin mudan, sidee bay u arkeen, ugana jawaabeen maamulka Riyaa le iyo G olihiisa Wasiiradu ?

Akhriste jawaabta suaashan waxaan filayaa inaanad meel fog ka doonayn,haddii aad la s ocoto saxaafadda Xorta ah ee Somaliland,waxaanse anigu ra'yi gayga ii gaar ka ah ku soo koobayaa hal hays uu ka tagay Cabdi Malaw,ee ahaa:

"Sidii Waraabihii Biriijka Hargeysa ka dhacay,baraarugay goor la soo baxay, Ilaahay  ballankii bar qaan kacay."


Guushaa Xisbiga Kulmiye soo hooyey,waxay duufaanno dabaylo xoogan wata ka dhex  kicisay ma amulkii Riyaale , oo waqtigaa ku suganaa Hurdadii Asxaabul Kaafka oo kale ,meel adduun  maray ana ka baraad la'aa..Habqankii iyo kala codlayntii Golaha Wasiirada ka soo yeedheyna,waxaa ka mid ahaa "Muj a ahid Siilaanyo waa inuu Riyaale Cafis soo weydiistaa ,haddii kale Dalka kuma soo noqon karo."..............  Yaabaye ma yaabteen  ....   Ma Mujaahdikii Dalkan naftiisii, aqoontiisi , xoo giisii iyo maalkiisiiba u soo huray ,ayaa maanta kuwii uu ka xorreeyey naxligaasi ku  hadaa qayaa n,sidii ilma af barad ah....Waar maana waalan mise cadan baa laga heesayaa !.

Taladase waxaanay kuba darsan,in shacabka Xariirta ah ee soo halgamay ,ee nabadda je celi,inay ka talo baxeen Riyaale iyo Xulafadiisa ,hadalkooduna waxa miisaan iyo saameyn ah ku lahayn,Ri geeskeedna aanu jabin karin ....Wagar waar nimanku war la'aa.

Mujaahid Axmed Siilaanyo iyo wefdigiisii guushii ay la soo guryo noqdeen,waxaa  caleemo qoyan ku soo dhaweeyey shacabakiisii,lagana soo bilaabo Egal International AirPort illaa Gurigii  Mujaahi dkana , umaddii oo aad mawjado mooddo is tubeen dariiqa hareerihiisa.

Maamulka Riyaale dakharkii maalintaa soo gaadhay,waata maanta shacabkii Somaliland sidii  Tusb ax furtay ugu soo qul qulayaan Xisbiga KULMIYE. Ahristaw,yaan qalinku ila fogaani ne ,bal aan  ka lmad sagootin iyo dar daaran ah aan siiyo Guddomiyahaha Xisbiga UDUB:

"Riyaalaw Galbataye,Toobaddu yey ku seegin."


Waxaan ku soo gunaanadayaa maqaalkaygan, Mujaahid Axmed Maxamed Siilaanyo iyo Dr/Profe ssor , Maxamed Cabdillahi Cumar , waxay soo nooleeyeen saxan saxadii iyo dabayshii aqoonsiga Somaliland.




Allahayaw Dalkayaga ka yeel , kii Nabad iyo Caano lagu wada nagaado,Aamiin,Aamiin,Aamiin


 

 



Eng. Mohamed Ali Muse
Civil Engineer
Senior Certified  Computer Network Specialist
| CNA | CCNA | MCP | A+|

June 26 , 2010