Guddoomiye Axmed
Siilaanyo oo la kulmay Mudane Don ald Payne iyo madax sare oo ka
tirsan Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Maraykanka

Washington DC (Timacade News) - Guddoomiyha Xisbiga KULMIYE, Mudane
Axmed Max amed Maxamud Silaanyo, oo uu weheliyo Xoghayaha
Arrimaha Dibadda ee KULMIYE, Dr. Maxamed Cabdillahi Cumar, oo hadda
booqosho rasmi ah ku jooga dalka Maraykan ka ayaa maanta
kulammo la yeeshay Guddoomyaha Guddiga Afrika ee Baarlamaanka
Maraykanka, Mudane Donald Payne iyo masuuliyiin sare oo ka tirsan
Wasaaradda Arri maha Dibadda ee Maraykanka.
Kulanka Congressman Donald Payne, oo ah mudane awood wayn ku leh
siyaasad dibad deedka Afrika ee maamulka madaxwayne Obaama,
ayaa wuxuu ka dhacay xarunta Ba arlamaanka Marakanka ee loo
yaqaano Capitol Hill ee magaalda Washington, halka kul anka
masuuliyiinta Wasaaradda Arrimaha Dibaddu iyo waftiga KULMIYE uu ka
dhacay xarunta Wasaaradda Arrimaha Dibadda.
Arrimaha ay ka wada hadleen waftiga Guddoomiyaha KULMIYE iyo
masuuliyiinta Maray kanku waxay ahayeen kuwa ka turjumaya
xidhiidhka iyo danaha aasaasiga ee labad g eesood iyo
barnaamijyada iskaashi ee ay Somaliland iyo Maraykanku kawada
shaqeey aan.
Qodobadii shirka lagu soo qaaday
waxaa ugu waawaynaa dhawr arrimood. Waxaa ka mid ah arrimaha
doorashooyinka madaxtooyada Somaliland oo ay labada geesood
tilm aameen in loo baahan yahay in doorashada aanay mar denbe dib u
dhicin, dhamaan qa ybaha siyaasadda ee Somalilandna ay kawada
shaqeeyaan sidii ay doorasho xor ah oo xalaali uga dhici lahayd
Somaliland. Waxay kaloo werwer ka muujiyeen degenaansho d
arada ku soo korodhay Golaha Guurtida ee Somaliland oo loo arkay
inay keeni karto in uu heshiiskii seddexda xisbi ee ku
jahaysnaa doorashu burburo, taasi u horseedi karta dalka khalkhal
siyaasadeed oo cusub.
Waxay kaloo kawada hadleen khataraha xagga nabadgalyada ee ku soo
kordhaya ma ndaqada Geeska Afrika. Wuxuu Guddoomiye Axmed
Silaanyo tilmaamay in shacabka So maliland ay hawl adag iyo
tacab badan u soo galeen nabadgalyada ka jirta Somaliland, loona
baahan yahay in dawladda Maraykanku ay gacan wayn ka gaysato
difaacidda iyo sugidda amaanka Somaliland. Waxayna
masuuliyiinta Maraykanku sheegeen in ay Somaliland ka taageerayaan
kor u qaadidda tayada garsoorka iyo kobcinta fursadaha waxbarashada
iyo dhaqaalaha dalka, laakiin loo baahan yahay in Somaliland la
timaado maamul dawladeed hufan.
Waxaa iyana ka mid ahaa arrimaha
ay labada geesood lafagureen kaalmada xagga hu rumarka ee
dawladda Maraykanku siiso Somaliland. Wuxuu Guddoomiyaha xisbiga
KUL MIYE, Mudane Axmed Siilaanyo, ka codsaday dalka Maraykanku inuu
kordhiyo gargaar ka hurumarineed ee ay u fidayaan Somaliland
si wax looga qabto adeegyada aasaasiga ee dalka sida waxbarashada,
caafimaadka iyo biyaha. Waxaa kaloo Axmed Siilaanyo uu waydiistay
dawladda Maraykanka inay ka caawiso Somaliland sidii dalku u yeelan
lahaa wadooyin isku xidha magaalooyinka waawayn ee dalka.
Ugu denbayntii waxay dawladda Maraykanku u diyaarisay shir wayn oo
Guddoomiye Axmed Silanyo iyo Dr. Maxamed Cabdillahi oo kaga
xogwarami doona xaaladda Somalil and soona bandhigi doonaan
barnaamijka siyaasadeed ee xisbiga KULMIYE uu ku hoga amin
doono dalka haddii ay talada dalka ku guulaystaan, oo dhici doona
maalinta kham iista ah. Waxaan ka soo qayb geli doona shirka
masuulyiin ka socda qaybaha kala ged disan ee dawladda
Maraykanka sida Wasarradda Arrimaha Dibadda, Wasaaradda Mu
caawinada Dibadda, Wasaaradda Difaaca hay'adaha fidinta
dimuqraadiyada ee Maray kanka , warfidiyeeno iyo shaciyaqaano
caalami ah. Waxa shirkaas isugu iman doona dad tiradoodu aad u badan
tahay.
Washington DC, USA
KULMIYE
|