|
War saxaafadeed Xisbiga Kumiye ee Minnesota

Minnesota (Timacade News)-Munaasabad
xogwaran iyo soo dhoweyn ah ayaa lagu q abtay Hilton Hotel
Minneapolis habeenimadii Axadii ee taariikhdu ahayd 01/17/2010 munaasibada as oo ahayd soo dhoweyn iyo xogwaran ayaa waxaa lagu soo
dhoweeyey waftigii uu hogaa minayey Gudoomiyaha Xisbiga Kulmiye
Mudane Axmed Maxamed Max amuod Siilaanyo iyo marwadiisa Amina
Weris oo ay weheliyeen Xogyahayaha arimaha Dibeda ee Xisbiga Dr.
Max amed Cabdilaahi Cumar, Gudoomiyaha North America Injineer Xuseen
Cabdi Ducaale.
Munaasibadan oo ay ka soo qayb galeen State Sanetors iyo legislators
iyo madax badan oo ka mid ah Stateka Minnesota iyo boqolaal
dadweynaha jaaliyada Minnesota oo ay hormuud u yihiin taageerayaasha
xisbiga Kulmiye ayaa waxay ahayd munaasibadii ugu horaysey ee
nooceeda ah ee lagu qaybto Stateka Minnesota.
Waxaa munaasabadan ka soo jeediyey khubado iyo xog waran Madaxda
Xisbiga waxa ana warbixin qiimo badan ka soo jeediyey Xoghaya
Arimaha Debeda oo aad uga xog w aramay siyaasada arimaha
dibeda ee xisbiga Kulmiye kuna soo bandhigay siyaasada xi
sbiga ee ari maha debeda iyo xidhiidhada caalamiga ah ee Xisbiga
wuxuuna ku soo dho weeyey Gudoo miyaha Xisbiga mudane Siilaanyo
Gudoomiyaha xisbiga ayaa lagu soo dhoweeyey Xamaasad iyo sacab
iyadoo dadweyni hii u sarakacay iyakoo ku dhawaaqaya ereyo ay
ka mid ahaayeen soo dhowoow mujaa hid korna u taagaya calanka
iyo astaanka Xisbiga , waxaa muddo socday sacabka iyo ruxida calanka
Kulmiye.
Gudoomiyaha ayaa aad ugu mahadnaqay soo dhoweynta qiimaha leh ee loo
sameeyey wax aana hadalkiisii ka mid ahaa, Jaaliyada Minnesota aad
iyo aad ayaan idiinku mahad naqayaa waxaanan aad ugu faraxsanay isku
duubnida Jaaliyada iyo midnimada aad mu u jiseen , wax aan aad ugu
mahadnaqayaa masuuliyiinta hawshan isku soo dubariday.
Gudoomiyuhu wuxuu ka waramay xaalada siyaasadeed , nololeed iyo
dhamaan duruufa ha wakhtigan xaadirka ah ka jira S/land,
Gudoomiyuhu isagoo ka waramaya arimaha si yaasa da iyo
Dimoqradidaya , doorashooyinka dib u dhacay wuxuu yidhi ,
dimoqradiyad u waa wixii loo soo halgamay ee aynu naf iyo maalba u
soo horay ee halgankii aynu og ayn aynu soo g alay sidaa
aawadeed marna ma yeelayaan shacabka S/land inay mar danbe ku
noqdaan ma amul kali talisnimo shacabkuna iyaka ayaa ilaashanaya
dalkooda oo aan marna ogolayn in la afduubo masiirkooda oo cidi
maroorsato awooda iyo talada dalka, waxaa maamulka hadda jiraa
sharci darro ku joogay sadex sano oo dhowdhow ka dib markii ay
dhamaaday mudadii sharciga ahayd , waxaanu u soo jeediyey
maamul ka fadhiidka ah ee dalka la fadhiistay in uu dhamaaday
dulqaadkii shacabku sidaa aaw adeed aan marna laga yeeli
doonin kordhin danbe iyo doorashada oo dib uga dhacda wakhtiga ugu
suurta galsan ee aynu sugayno inay ku dhawaaqaan Komishanka
Qaran ku waxaanu ka digay farogelinta xukuumadu ku hayso golaha
guurtida oo uu ku tilmaa may khalkhal iyo qas la doonayo in
lagu xagal daaciyo doorashooyinka aynu sugayno.
Munaasibadaas waxaa kale oo hadalo ka soo jeediyey waayeel iyo wax
garad badan oo ka mid ah Jaaliyada Minnesota oo ay ka mid yihiin
Xasan Giir oo hadal qiimo leh oo taar iikhiya ka soo jeedshey
munaasibada, waxaa kale oo ka hadlay Maxemed Sayid oo aad uga hadlay
halgankii SNM iyo la soo noqashada madax banaanida S/land iyo
Maxamed Kaahin oo si weyn ugu soo dhoweeyey Minnesota Gudoomiyaha
iyo waftigiisa.
Guul iyo Gobanimo
Saeed Suleiman
Minnesota
|
|