Guddoomiyaha Xisbiga Kulmiye iyo wafti uu hogaaminayo oo Dalka dib ugu soo laabtay Degmada Wajaalena si weyn loogu soo dhaweeyaay

 


Hargeysa(TNN)-Guddoomiyaha Xisbiga Muxaafidka ah ee Kulmiye Muuse Biixi Cabdi iyo Masuuliyiin ka tirsan Xisbigaasi oo uu hogaaminayo ayaa dalka dib ugu soo laabtay, ka dib markii ay muddo Cisho ah safar ugu maqnaayeen Dalka Ethiopia.Waftigan oo maanta gelinkii hore ka soo kicitimay dhinaca Magaalada Jig-jiga ee Xarunta Ismaamul Goboleedka Somalida Ethiopia Maamulk, ka dib markii halkaasi ay keentay Diyaaradii ay ka soo raaceen Addis-ababa, waxa si weyn ugu soo dhaweeyay Degmada Wajaale, Guddoomiye ku-xig eenka koowaad ee Xisbiga Kulmiye, Badhasaabada Gobolada Hargeysa iyo Gabiley, Xildhibaano ka tirsan Golaha Wakiilada, Maayirada Degmooyinka Gabiley iyo Wajaale, Agaasimaha guud ee Kaluumaysiga iyo bo qolaal dadweyne ah oo ka kala yimi Magaalooyinka Hargeysa, Gabiley iyo Wajaale.

Muuse Biixi Cabdi oo markii uu soo gaadhay Xuduuda Somaliland iyo Ethiopia u dhexeysa ee Magaalada Wa jaale, ayay halkaasi ku qabileen Dadkii soo dhawaynayay, waxa uu goob Fagaare ah kala hadlay Dadweyn aha Reer Wajaale, kuwaasoo uga warbixiyay ujeedad Socdaalkan ay kaga soo laabteen Itoobiya iyo waxy aabihii uga soo qabsoomay, waxaanu hadalkiis ku bilaabay:-

“walaalayaal socdaal todoba cisho ah ayaanu ethiopia ugu maqnayn, socdaalkaasi ujeedadiisu waxay aha yd oo uu sii kaabayay kuwii ka horeeyay ee madaxweynaha Somaliland, ee ay Xukuumadiisu hore uga ha wl gashay sidii dawlada jaarka ah horumar iyo iskaashi loo wada gaadhi lahaa, Somalilandna Ictiraaf loogu heli lahaa,kuwii ayuunbaanu sii xoojinaynay, waxaana nagu Casuumay Xisbiga EPDRF, kaasoo Hogaamiyihii sa Raysal Wasaare Meles ilaa heer qabalay ay noo soo fadhiisteen, waxaanay nagu ixtiraamayeen xoog iina, karaamadiina iyo codkiina oo aanu huwanayn”.

isaga oo hadalkiisa sii wata waxa uu yidhi Guddoomiyuhu “walaalayaal waxaanu gaadhsiinay Dawlada Ethi opia ilaa xisbiga Xukuma fariintii aad noo dhiibteen ee markii aad codka bixinayseen aynu ku balanay ee ahayd in somaliland loo doono ictiraaf ayaanu horgeynay dawlada Ethiopia, anagoo u aragna dawlada ugu awooda badan siyaasiyan iyo xoogba waxaanu u sheegnay inay dadka Reer Somaliland maanta u baahan yihiin inay karaamo yeeshaan oo ay Golaha Caalamka la mid noqdaan, xaqna u leeyihiin dulmina ay tahay in nin laba gidaar fadhiyaa uu na metelo oo uu yidhaahda waa Somaliya, anagoo idinka idin metelayna dulmi baanu u aragnaa caalamkana waanu u sheegaynaa.

Guddoomiyaha Xisbiga Kulmiye waxa uu kula dardaarmay dadkii fagaraahaasi kala hadlay inay iska kaas h adaan horumarka, isla markaana ka dheeraadaan qabyaalada iyo wixii kala qoqob ku keenaya midnimado oda,waxaanu yidhi “Walaalayaal hore u socon mayno hadii aynu Reer reer iyo qolo-qolo u kala fadhiisano, hore u mari mayno hadii aynaan gacmaha is qabsan, walaalayaal baryo iyo hay’adbaa soo socota ku soc on mayno, halkan fariintii aad naga farteen hadaanu nahay Kulmiye iyo Xukuumadiisa ma ilowsanin, fariin ta ugu weyn ee aad na farteena waxay ahayd Wajaale waa inay Ceel biyo ah oo macaan heshaa, waanu ognahay oo wali Ceelkii maanan qodin, laakiin waanu ku maqanahay, walaalayaal hadaanu la raagno waa tamar daro e Qalbiga ayuu noogu jiraa oo waanu ku maqanahay, ee ha u qaadanina inaan codkii qaadanay oo iska tagnay, waxa kale ee aynu ku balanay waxay ahayd wadada taasina walaalayaal anagoo taag wa yna mooyaane way nagu maqan tahay, waxaanan ilaawi karin maalintii Ololaha la furay maalintii inaad tih iin Magaaladii ugu horaysay ee Calamada meel walba lagu xidhay”.

soo dhawayntan loo sameeyay Guddoomiyaha Xisbiga Kulmiye iyo Waftiga uu hogaaminayo oo ahayd mid aanay u kala hadhin dadweynaha reer Wajaale, waxaan ka dhex muuqan Xukuumadda Talada haysa ee Xi sbiga Kulmiye, taasoo aan haba yaraatee cid uga qayb gashay jirin, marka laga yimaado badhasaabada G obolada iyo Agaasimaha Guud ee Wasaarada Kaluumaysiga iyo Khayraadka badda

Source: Waaheen