Guddoomiyaha Xisbiag Kulmiye,Muj. Muse Biixi Cabdi iyo wefti uu hogaaminayey oo Dalka dib ugu soo laabtay, si weyna loogu soo dhaweeyey magaalada Tog-wajaale
Tog-wajaale (TNN)- Guddoomiyaha Xisbiga Kulmiye,Muj.Muse Biixi Cabdi iyo wefti ballaadhan oo u u hogaaminayey,kana soo laabtay safar shaqo oo ah ugu maqnaayeen Dalka Shiinaha ,ayaa Dal ka dib ugu soo laabtay,si weynna loogu soo dhaweeyey xarunta Ganacsiga Somaliland ee magaal ada Tog-wajaale. Muj. Muse Biixi,wuxuu halkaa earyo mahad celina u jeediyey dadweynihii faraha badnaa sida kal gacalka leh u soo dhaweeyey,waxaanu sheegay in dadka reer Tog-wajaale , mar walbba si diiran iyo gacmo furan u soo dhaweeyaan.
Guddomiyaha Xisbiga Kulmiye ,waxaa kale oo uu uga waramay dadweynaha reer Tog-wajaale,sa farkii ay isaga iyo weftigiisu ugu maqnaayeen Dalka Shiinaha,waxaanu sheegay inay wax badan u soo qabsoomeen. Waxaa wefigaa ku wehelinayey ,af hayeenka Xisbiga Kulmiye,Muj. Maxamed Ka ahin.
|