Xaflad lagu soo dhaweynayey Muj, Ibrahim Dhega-weyne & Muj, Maxamed Ciise (Musbaar) oo ka dhacday Birmingham. (Sawirada xaflada hoos ka (daawo)
 


Birmingham, June 10,2011(TNN)- Waxa shalay lagu qabtay Xaflad si weyn loo agaasimay magaalada Bir mingham ee caasimada 2aad cariga Ingiriiska taas oo lagu soo dhaweynayey Muj. Ibrahim Dhegaweyne iyo Muj, Maxamed Ciise, (Musbaar) halkaas oo dadweynaha reer Somaliland ee Birmingham iyo nawaaxig eeda ku dhaqani isugu yimaadeen.


Xafladaa balaadhan ayaa si weyn loo soo agaasimay ayna ka soo qayb galeen dad aad u fara badan oo isagu jira qaybaha kala duwan bulshada ay koobantahay Jaaliyada Somaliland gaar ahaan ee ku dhaqan magaalada Birmingham ee cariga Ingiriiska ,waxaana la qabtey abaaro 4Galabnimo ee maalintii Sabtidii ,kuna beegnayd 11.06.11 Xaafada Small-heath ee koonfur-Bari ee magaalada Birmingham.


Xafladan ayaa ku aadaneyd soo dhaweyn balaadhan oo loo sameeyey Muj,Ibraahim Cabdilaahi Xuseen (Dhega-weyne) iyo Muj, Maxamed Ciise, (Musbaar) oo maalmahan socdaal ku joogay wadanka UK, qaba nqaabada xafladan soo dhaweynta ah, ayaa waxa si weyn maalmihii tagey looga dareemayey magaala da Birmingham ayaa waxaa ka soo qayb galey dadweyne aad u fara badan, kuwaasi oo badankoodu ka soo jeedaan deegaanada Somaliland.



Waxaa ugu horayntiiba Cumar cabdilaahi Yaasiin oo isagu xafladaa soo dhaweynta ah xidhiidhinaayey ku soo dhaweeyey Sh, Maxamed Ibraahim oo sidii caadada ahayd ka akhriyey aayado qur’aan ah oo dadka qushuuc ku beeray iyo darsi diini ah oo xafladaasi uu ka soo jeediyey.

intaa ka dibna waxaa la guda galay faahfaahinta iyo ujeedada xaflada waxaana ugu horeyn hadal qiimo badan oo isagu jiray nuxurka xaflada iyo ujeedada ka dambeysa halkaasi ka soo jeediyey Maxamed Ism aciil Muse oo ka mid ah odayaasha Somaliland ee Birmingham waxaana uu ka warbixiyey ujeedada xafla da , isagoo tibaaxay in ay ugu talagaleen xafladan soo dhaweynta , Mujaahidiinta Mudane, Ibraahim Cab dilahi Xuseen(Dhega-weyne) iyo Muj, maxamed Ciise (Musbaar ) isagoo sheegay in ay tani tahay talaa bo ay ku ogyihiin mujaahidiintoodii dalka u soo halgantay iyo weliba shakhsiyada mudane Ibraahim dheg aweyne, waxaanu mahadbalaadhan u soo jeediyey dadkii xafladan qiimaha ka soo shaqeeyey.



Mudane Yuusuf Tarabi Weyd oo ka midda odayaasha iyo qabanqaabiyaashii xaflada ,ayaa wuxuu ku nuu xnuuxsadey in labada mujaahid ay yihiin masuuliyiin wax weyn u qabtey dadka reer Somaliland gaar aha an halgankii wadanka lagu xoreeyey , runtiina waxaa dhaba ayuu yidhi in ay ka mid ahayeen halyeyadii aan helnay, waxaana uu sheegay mudane, Tarabi in ay aad ugu faraxsan yihiin inay ku soo dhaweeyaan magaalada Birmingham , isla-markaana weydiiyey dadka xaflada joogay in loo baahanyahay inaan ilaali no markasta mujaahiinteena iyo ubadkooda.



Mudane, Maxamed Jamac Xujaale(Aabi) , oo ka mid ahaa oadayadii xafladaasi ka hadley ayaa ka dib soo dhaweynta Mujaahidiinta ,wuxuu si weyn uga hadley halgankii dalka oo uu aad ugu amaanay mujaahidii nta, isagoo xusey inay aad ugu faraxsan yihiin inay ku soo dhaweeyaan wadanka UK .

Dhanka haweenka waxaa xafladaasi hadal ka jeedisay Marwo, Daina Dirie , oo u dhalatay England ,asal ahaana ka soo jeeda Somaliland, ayaa xustey sida ay aad ugu faraxsan tahay soo dhaweynta mujaahi diinta oo ku tilmaamtay in ay u hayaan xushmo aad u weyn oo ku aadan halgankoodii , iyadoo warbixin kooban ka jeedisay goobtaa oo ku saabsan halgankii SNM

Intaa ka dibna Marwo, Diana iyo saygeeda Md, Axmed Cabdilahi Diiriye,iyo weliba Md,Foosi Axmed Ibraa him , ayaa halkaa ku gudoonsiiyey laba bilad sharafeed oo Dahab ah (hero's honour) oo ay magacyadoo duna ku xardhan yihiin Muj, Ibraahim Cabdilahi Xuseen(Dhega-weyne) iyo Muj, Axmed Mire Maxamed oo ahaa labadii taliye ee kala hogaaminaayey ciidamadii SNM Burco Iyo Hargeysa, waxaana ka gudoomay Muj, Ibraahim dhegaweyne oo kana wakiil ah mujaahid Ahmed oon goobtaas isagu ku sugnayn.

Isla markaana waxaa codbaahiyaha si toosa loogu soo dhaweeyey md, Ibraahim Macalin Qaasim , waxuu ku soo dhaweeyey mujaahidiinta magaalada Birmingham ,isagoo si gaara u xusay in ay muj, ibraahim dhe gweyne ay meel ku soo koreen, isla markaana waan ku faraxsanahay ayuu yidhi inaan la kulano , waxaa na loo baahanyahay in mujaahidiinta si xushmad leh aan u xusno waqti kasta,oo aynu ilaashano kuwa n ool,kuwii geeriyoodayna had iyo goor u ducayno.

Intaa kadibna waxa halkaa lagu soo dhaweeyey Muj. Max,ed Ciise,(Musbaar) , waxaan marka hore idiin ku mahad celinayaa ayuu yidhi sida sharafta iyo hagarla,aanta ah ee maanta halkan noogu soo dhawey seen , sidoo kale waxaan halkaa mahadcelin khaas ah uga gudbinayaa, xubnihii waqtigooda qaaliga ah u huray, xafladan soo dhaweynta ah.

Isagoo ku booriyey dadkii halkaa isugu yimi iney bartaan habka maamul-wanaagga iyo dhaqanka socdaal (immigration Law), Waxaa loo baahanyahay ayuu yidhi in midhihii halgankeena inaan ilaalishano, isla mar kaana sheegay in ay dhici doonto in reer Nabi Adam ay isugu iman doonaan dalkeenna Somaliland khay raadka iyo nimcada taala awgeed,mustaqbalka dhow.

Ugu danbaytii Mudane, Cumar Cabdilahi Yasiin oo ahaa xidhiidhiyihii xafladaasi , ayaa halkaasi ka jeediyey warbixin hordhaca ,isla-markaana dhinacyo badan taabanaysay kana hadley soo dhaweynta Mujaahidii nta iyo waliba aqoonta uu u leeyahay, muj,Ibrahim Dhegaweyne , isagoo ka sheekeeyey taariikhdiisii oo kooban siiba waxbarashadiisii, isla-markaana sheegay in ay mudan yihiin in sidan iyo si ka sii badan loo soo dhaweeyo, waxaana xaqiiqdiiya ayuu yidhi, inay lama huraantahay , in markasta madaxdii SNM oo ah raggii dalkan Somaliland u soo halgamay la xusuusnaado, isla markaa waa waajib ina saaran markasta inaan soo dhowayno.

Ugu dambeyntii waxa uu ku soo dhaweeyey Muj, Ibraahim Cabdilahi Xuseen (Dhegaweyne), waxaana ugu horeyn uu mahadcelin aad u balaaran oo aan la soo koobi karin uu u jeediyey qabqanqaabiyayaasha xaflada lagu soo dhaweynayey sidoo kalena wuxuu mahadcelin u soo jeediyey dadweynihii boqolaalka ka badnaa ee xaflada ka soo qayb galey.

Intaasi ka dib wuxuu Muj, Ibrahim dhegaweyne uga warbixiyey ka soo qayb galayaashii xaflada ,isla-mar kaana si qoto dheer ugu waramay halgankii SNM iyo maanta halka uu dalku maraayo oo looga baahan y ahay ,ayuu yidhi iney qurba joogo qaybtooda si dhaba uga qaybqataan markasta horumarinta iyo dhism aha dalkooda iyagoo ka faa’iideysanaya waaya argnimada iyo khibradda ay ka korodhseen wadamada reer galbeedka gaar ahaan dalkan Ingiriiska aad ku dhaqan tihiin.

Loogana baahanyahay markasta laga qaybqaato arimaha dhaqaalaha iyo a bulshada gaar ahaan wuxuu si weyn carabka ugu adkeeyey ka qayb-qaadashada Horumarka wadanka, waxaana uu ka codsadey dha maan ka soo qayb galayaashii xaflada inay u guntadaan markasta sidii ay dadka walaalahooda ee dalka ku dhaqan ugu gurman lahaayeen oo ay uga taageeri lahaayeen dhinaca arimaha Bulshada.

Waxaana aad ugu dardarmaay In markasta la ilaaliyo Midnimada iyo wadajirka , isla markaana laga foga ado waxii khilaafa ee kala dhantaali kara midnimadiina

Muj Ibraahin C/laahi Xuseen (Dhegawayne) ayaa ka mid ahaa saraakiisha ugu magaca wayn leh saraaki ishii ururkii SNM,ahaa taliyihii watay ciidankii hargeisa soo galay, iyadoo ay tahay markiisii labaad ee uu u baxo safar dalka debediisa ah mudo badan, lakiin iminka waxa uu nasiibkiisu ku beegay inuu dadwaynaha reer somaliland ee UK kala qayb qaato Maalinta Qaranka ee 18 May 2011, waxaana la odhan karaa mar ka loo eego meeqaabka loo sameeyay & soo dhawaynta diiran ee uu kala kulmay dadweynaha UK jooga ee reer somaliland , oo ah dad aad u jecel Mujaahidiintooda & wadankoodaba.

Ugu danbayntii Jaaliyadaha Somaliland ee Birmingham iyo nawaaxigeeda ayaan u kala hadhin soo dhawe yntaa Mujaahidiinta Ibraahim Dhegaweyne iyo Muj, Max,ed Ciise (Musbaar) oo si gaara uga dhex muuq da sooyaalkii taarikheed S,land waxay kaloo mudada ay joogaan shirar la qaadan doonaan jaaliyadaha kale reer Somaliland ee wadanka UK.

Waxaa halkaa looga mahadceliyey intii soo qabanqaabisay iyo intii ka soo qayb-gashayba xafladan shara fta leh.



Sawir qaade: Axmed Mire (Birmingham)

Diyaariye :- Shucayb Maxamed Gurux

Halka qoraalkana uu Diyaariyey

Adan Yusuf Elmi , B, ham (UK)