Mayorkii hore ee degmada Tog-wajaale,Mujaahid Adan Shiine,oo dhanbaal tacsiya u diray ehelkii  marxuum, Dr. Cabdi Aw Daahir Cali

 

 

Hargeysa (TNN) : - Mayorkii hore ee degmada Tog-wajaale,Mujaahid Adan Shiine,aya a dhanbaal tacsiya u diray ehelkii,qaraabadii,asxaabtii iyo shacabka Somaliland ee uu ka baxay,maruum, Dr. Cabdi Aw Daahir Cali,oo aas Qaran maanta loogu sameeyey m agaalo madaxda Gobolka Tog-dheer,ee Burco.

Mujaahid Adan Shiine,ayaa  marxuuka ku sifeeyey,"Geesi dalkiisa iyo dadkiisaba jecla a, wax badana u soo qabtay,tacab badanna ku bixiyey ,baal dahabana kaga qoran s ooyaalka halgankii lagu xoreeyey dalkeena hooyo ee Somaliland.

wuxuu Ilaahay uga baryey inuu marxuumka,Dr. Cabdi Aw Daahir Cali, janno fardwsa ka waraabiyo,Qabriga u nuuro, u waasiciyo,danbi dhaafna u fidiyo, dhammaanteena samir iyo iimaan ka siiyo,aamiin.

 

 إِنَّا للهِ وَإِنَّـا إِلَيْهِ رَاجِعونَ

 




Timacade News Desk
Hargeysa,Somaliland