"Sidii Dawladani u timi Gabiley may nasane dadkeedu shir ha isugu yi maaddo,"Wasiiru Dawlihii hore ee Hawlaha Guud iyo Guriyeynta ,mudane Adan Ruush.

 



Hargeysa (TNN)-Wasiiru Dawlihii hore ee Wasaaradda Hawlaha Guud iyo Guriyeynta,mudane Aadan Maxamed Diiriye (Adan Ruush),ayaa wax garadka Gabiley ugu baaqay inay isugu yomaadaan shir uu sheegay inay kaga aeeinsanayaan fidnno uu sheegay in lagu abuuray Gobolokaas.

Musane Aadan Ruush , oo u warramay Wargeyska Saxafi,auaa eedeyn kulul u soo jeedieyey xubnno uu shee gay inay ka tirsan yihiin Goleyaasha Dawladda oo uu ku eedeeyey inay fidnno ka abuureen Gobolka Gabiley,is agoo arruntaas ka hadlayana waxa uu yidhi."Xubnno ka tirsan Goleyaasha Dawladda , ayaa baryahanba Gob olka Gabiley oo iska deganaa kula dhex-wareegayey fisnno.Arrintaasi waxa ay keentay in degaankii oo dham mi ka shaqysan kari waayo,in dad cuqaal iyo ehel ahi ay dhacaan.

Fidnadaas waxa loo baahan yahay in si deg deg ah Xukuumaddu wax uga qabato." sidaas ayuu yidghi Aadan Ruush,waxaanu intaas ku daray oo uu dhaliilo ba'an ugu soo ku daray oo uu dhaliilo ba'an u soo jeediyey Wa saaradda Arrimaha Gudaha oo uu ku eedeeyey inay xaalad arga gixiso ag la abuurtay Gobolka Gabiley,islla ma rkaana aanay sifo sharciga waafaqsanayn u faro galisay nidaamkii Golaha Degaanak,isagoo arrintaas ka hadl ayana waxa uu yishi."Wasaaradda Arrimaha Guduhu ma laha sharciyan inay soo jeediyaan in Maayarka maa muuska laga xayuubiyo ,waxa ay leeyihiin oo qudha shir ha la qabto.

Weliba waxa dheeraad ah, oo ay sameeyeen Ciidammo inta la kaxaystay ayaa la yidhi immika shir qabsada oo la cabudhiyey mudanayaasha Golaha degaanka.Xukuumaddu xoog dadka kuma maamuli karto arrintaa shaca bka lagu kiciyey haddii wax ka yimaadaan waxaa keenay Wasaaradda Daakhiliga iyo Xubnno kale oo Golayaa sha ka tirsan ,wixii ka yimaadana iyagaa masuul ka noqon doona."



Gaba gabadii waxa uu sheegay Mudane Aadan Ruush,Wassiru Dawlihii hore ee Wasaaradda Hawlaha Guud iy o Guriyeyntu,in aanay nasan dadk ku nool Gobolka Gabiley illaa waqtigii la soo doortay Xukuumadda Madaxw eyne Siilaanyo, isagoo arrintaas ka hadlayana wuxuu yidhi,"Gaba gabadii sidii Dawladdan Cusubi u timid,may nasan Gabiley,markaa waxaan leeyahay wax garadka Gabiley oo aan ugu baaqayaa inay shir isugu yimaad aan ,malah meesha waxa kale ayaa socdee."



Source: Wargeyska Saxafi