Mujaahid Dhuxul iyo Dhamacdii Uu Shiday, Qaybtii-3aad: Dhamaad
 

 



Qaybtii 2-aad ee sheekada Muj, Dhuxul waxay inoogu dabranayd; '' Hawshan waxa qaban jiray caadi ahaan Police-ka iyo waaxo ka tirsan wasaarada arimaha gudaha, ha yeeshee dagaaladii 1977-kii ee u dhaxeeyay Itoobiya iyo Soomaaliya dartood ayaa loo xidhay xarumihii Police-ka ee xadadka ku yaalay. Maamulkii Dhuxul ee jabhadii Afraad halkaa wax wayn ayuu ka taray dadkuna aad ayuu ugu riyaaqay baahidaa ay dabooleen''.

Qaybtii 3-aad iyo gabogabdii; Muj, Dhuxul Iyo Dhamacdii Uu Shiday.

.... Dhibaatadii baaxada wayn lahayd ee degaamada Gabiley dul hoganaysay beryahaasi ee dilka, dhaca iwm lahayd ee ay samaynayeen jabhadihii laajiga ahaa iyo askartii dawladii Soomaaliya, waxa ay abuurtay oo ay dib u soo noolaysay is-ahaantii iyo tolfiiqdii dadka gayigaasi ku dhaqnaa ee cid kastaba lehaa, waxa taasi ka dhashay heelani iyo huris aan hagar lahayn oo nafta kol ay ku tahay wax kastaba la quudhayo. Muj, Dhuxul isaga oo yuhuuntaa aloosan ee jirta miciinsanaya waxa uu dardar galiyay oo isaga iyo gudidii degaankuba ay u guntadeen; In qaadhaamada, muquunada iyo deeqaha kale ee mood iyo noolba leh ee Jabhada Afraad ay dadkeeda ka helaysay aanu sarseeran ku iman. Taasi waxay keentay inaanay wiilasha dhalinyarada ah ee Jabhadu marnaba daruurigooda ka warwarin, ku darso oo waliba ay dhacdhacyo kalena ka helaan dadkooda. Bedelkeeda taasi Afraadna waxa ay si ragonima leh u gudatay oo ay ka salabaysay dadkii doolaalada dhulka ku yimid ee dhibta waday! Hogaamintii miiganayd ee muj, Dhuxul door wayn ayay halkaana ka ciyaartay.

Ma hagardaamo iyo shirqoolo la'ayn oo goor kastaba dabinka iyo suuryada qoob la-boodka ah ee maleegani wado-yaal ayay ahaayeen lagu malgayo Afraad, oo markii ay ka bariiqatay ee ay ka badbaaday faro-galintii tooska ahayd ee dawladii Siyaad Bare ku haysay ee ay Afraad xadkaba uga talawday, lagagama hadhin sidaa, ee waxa la soo adeegsaday gacmo dadban oo sasabe iyo balanqaadyo shaqo wada, waxana ay arimahani soo xoogaysteen oo ay aad u soo shaac baxeen markii lagu dhawaaqay ururkii xaq u dirirka ahaa ee SNM. Xiligaas oo Wafdiyo ka socda dawladii Soomaaliyeed oo heerar kale duwn lehi ay gaalaa baxeen degmada Geedbalaadh si ay u soo xerogaliyaan jabhada Afraad oo markaa iyadu ku sugan xadka dushiisa oo ah dhinaca Ethiopia, waxa wafdiyadaa ka mid ahaa, wafdi uu hogaaminayay madaxweyne ku xigeen, mudane Axmed Maxamuud Faarx (Ina-laxwas) Ilaahay ha u naxariistee. Mawqifkii afraad ee ahaa inaanay u soo gacan galin dawladii Siyaad bare wax habayaraatee nuuxsimaad ahi kuma iman, waxa aad ka garan kartaa halkaa go'aan qaadashadii adkayd ee guud ahaan jabhada Afraad gaar ahaana maamulkii mujaahid Dhuxul.

Hadii ay jabhadii Afraad afar sano oo hore (1978-1982) soo dagaalamaysay oo ay degaankeeda caabi iyo gaashaanba u ahayd, oo aanu qoriga degta mujaahidka saarani dhulka u degin, gabogabadiina Ilaahay guusha Afraad raaciyay oo ay si gobanimo leh u soo af-jartay tacadiyadii dadka lagu hayay, haatan waxa curtay oo unkanmay dagaal waji kale leh, waa Jihaadkii waynaa ee ay SNM gadhwadeenka u noqotay oo waa 1981/82-kii! Maamulkii muj, Dhuxul iyo jabhadii Afraad oo iyadu xoog iyo xeeladba dhisnaa oo wax dagaal ahna aan markaa ku jirin, waxa ku timid arin kale oo tijaabo iyo imtixaan adag ah oo ka culus waxii hore oo dhan, oo u baahan ka fiirsasho iyo baaraan deg xoog leh oo mid guud ahaaneed iyo mid gaar ahaaneedba ahayd. Waxa si degdeg ah ugu soo mudh yidhi maamulkii Dhuxul iyo jabhada Afraad-ba su'aalo door ahaa oo werwerkooda iyo walaacoodu badan yahay oo ay ka mid ahayd, maxaan ka yeelnaa SNM, oo ahayd urur cusub oo markaa uun lagu dhawaaqay, oo aan lana saadaalin karin sida uu noqon doono iyo waxa uu ku danbayn doono? maan ku biirnaa SNM oo aan u badheedhnaa dawladaa arxanka daran leh ee milatariga ah? IWM.

Jawaabta arintaasi wax si fudud ku imanaysa ama loo heli karayay ma ay ahayn marka aad si dhab ah arinta u eegto, waayo? Jabhada Afraad waxay ka koobnayd mujaahidiin badan oo kala aragti duwan, kala waayo ah, kala baylah ah, qaar badani xaasas iyo caruuro leeyihiin, qaar kale waalidkoodu saamayn ku lahaa go'aanka ay qaadanayeen, oo intaana waliba ay dheerayd cabsi iyo baqe laga qabay falalka uu ku samayn doono dadkii xigtada u ahaa dhalinyada Jabhada Afraad, maamulkii milatariga ahaa ee ma-naxaanka ahaa hadii ay SNM ku biiraan! Waxba se hadal yaanan kugu daaline, geesi Ilaahay ma xilo ayaa hore loo yidhi, Duhur cad oo la is horjoogo ayaa mujaahid Dhuxul oo hogaaminayaa jabhadii Afraad oo maalintaasi oo kali ah ka koobnayd 158- mujaahid ay si toos ah ugu dhaqaaqeen dalka Ethiopia oo ay gudaha u sii galeen, saldhigna ka samasysteen magaalada DURYA (xeradii ugu horaysay ee ay SNM yeelato), maalmihii ka danbeeyayna waxa ka daba tagay mujaahidiin badan oo kale oo Afraad ka mid ahaa. Isla goobtaa iyo goortaa ayaa ay SNM ku yeelatay ciidankii ugu cudud adkaa, ugu waayo-aragsanaa, ugu mitidsanaa ee abid ka mid noqda. Halkaasaa ay ka bilaabantay jabhadii SNM ee runta ahayd ee xoraysay dalka Somaliland, mujaahid Dhuxul iyo ragiisiina ay mar-labaad faraska u heensaysteen guluf iyo weerar kale oo ay ku beedsanayaan GUUL ama Geeri.

Marxaladaa waxii ka danbeeya iyo halgankii SNM meeqaamka ay ka kasbastay jabhadii Afraad waxba sii gudo gali mayno haatane, halkaa adba ka yara hilaadi kaalinta mudo-karnimada leh ee uu maamulkii mujaahid Dhuxul ku lahaa inay wax sidaa haboon ee ay haatan yihiin u soo dhamaystirmaan. Intaasaan ku soo koobayaa, milicsigii sooyaalkii mujaahidkii waynaa ee mudane Axmed Sh, Faarax Colow (Dhuxul). '' AHUN, Isaga iyo muslimkaba, Aamiin.

Dhamaad: Muj, Dhuxul Iyo Dhamcdii Uu Shiday''.

W/q: Cali Cumar Xasan.

F.G; Miilicsiga Muj Dhuxul iyo Dhamacdii Uu Shiday oo dhamaystiran (qaybtii 1-3aad) halkan hoose guji.
http://waayeelnews.blogspot.co.uk/2012/03/mujaahid-dhuxul-iyo-dhamacdii-uu-shiday.html#more