Muj. Xasan Ciise oo ku Taliyey in Somaliland loo Sameeyo
Ra’iisal-wasaare iyo Madaxweyne-ku-xigeenno Badan

Guddoomiyaha ururka XAQSOOR oo ku baaqay in wax-ka-beddel lagu
sameeyo distoorka Som aliland, shaaciyey inay ku hawlan yihiin sidii
ay xulafo ula samaysan lahaayeen ururrada hadhay
“Maraykanka iyo Faranji kaleba waxba ka weydiin mayno kaalinta
dumarka laga siinayo doorash ooyinka, arrintaasna waxaannu wax ka
weydiinaynaa…”
“Mudaharaadka in sabab la’aan la isu hortaago maaha, laakiin haddii
dawladdu…”
Waraysi khaas ah - Xasan Ciise Jaamac
Hargeysa (TNN)- Madaxweyne-ku-xigeenkii u horreeyey ee dalka
Somaliland, ahna Guddoomiy aha urur-siyaasadeedka XAQSOOR Muj. Xasan
Ciise Jaamac, ayaa ku taliyey in wax-ka-beddel lagu sameeyo
distoorka qaranka si dalku u yeesho ra’iisal-wasaare iyo
madaxweyne-ku-xige enno badan.
Muj. Xasan Ciise Jaamac oo gurigiisa magaalada Hargeysa waraysi
khaas ah Jamhuuriya ku siiy ey shalay, waxa kaloo uu shaaciyey inay
ku hawlan yihiin sidii ay xulafo ula samaysan lahaaye en ururrada
hadhay hadheen si loo xoojiyo cuddudda ay kaga qaybgalayaan
doorashooyinka golayaasha degaanka ee la filayo inay dalka ka
qabsoomaan, isagoo tilmaamay inay xidhiidho iyo wadahadallo u
socdaan ururkiisa XAQSOOR iyo madaxda ururrada hadhay, aqoonyahanno
kaloo madaxbannaan oo reer Somaliland ah iyo siyaasiyiin ka tirsan
saddexda xisbi ee UDUB, KU LMIYE iyo UCID.
Guddoomiyaha urur-siyaasadeedka XAQSOOR waxa uu sheegay in
tabashooyinka kala duwan ee ka jira dalka oo uu shaaca waddanka ka
taagan lagu xallin karo wax-ka-beddel lagu sameeyo dastuurka
Somaliland.
Waraysiga Xasan Ciise Jaamac oo aad u dheer, isla markaana kaga
hadlay qodobo badan oo xiis o leh waxa uu u dhacay sidan:
Jamhuuriya: XAQSOOR waxa uu ka mid yahay lixda urur-siyaasadeed ee
ka gudbay qiimayntii hore, bal ka waran dareenkiina ku wajahan inaad
ka qaybgashaan tartanka golayaasha degaanka iyo hawlaha ururkiina?
Xasan Ciise: Sidaad sheegtay ururka XAQSOOR wuxuu ka mid yahay lixda
urur ee soo baxay, qorshaha iyo mabaa’dii’da guud ee ururkuna waa
mid cad oo magaciisa ayaaba ka turjumaya. Waa urur u taagan
midnimada Somaliland, nabadgelyadeeda iyo in caddaalad lagu dhaqo
wadan ka, inuu arrintaas ka shaqeeyo ama ku dedaalana waa waajib
saaran. Waxaannu ku dedaalay naa in aannu horumar ku shaqayno si
dalka looga saaro duruufaha ku taagan oo caddaalad loo gu maamulo.
Jamhuuriya: Mar haddii ururkiinu soo baxay qorshaha ma idiinku
jirtaa inaad martiqaadaan mas uuliyiinta iyo madaxda ururrada hadhay
si ay XAQSOOR ula midoobaan, maadaama aad adigu sh aqsiyan hore
dedaal ugu gashay midaynya ururrada cusub ee siyaasadda?
Xasan Ciise: Arrimahaas aad sheegtay waa qaar jira oo damiirka iyo
caqligaaga ayaaba ku siin aya in lala xidhiidho ururrada hadhay oo
qudhoodu tabashooyin qaba, hawshana laga qayb ge liyo. In la isu
yimaad oo cuddudaada la xoojiyo waxa ku jira midnimada ummadda.
Ururrada aan ka mid noqon lixda urur ee soo baxay badankoooda waannu
wada xidhiidhnay oo waxa jira kuwo nala soo xidhiidhay iyo qaar
aannu annagu la xidhiidhnay, wadahadalkuna weli soo noo socda oo
qaarba meel ayey noo maraysaa, iminkana ma doonayo in aan ka sii
hordhaco oo magacyadooda sheego, laakiin mid kasta markaannu
wada-shaqaynta ku heshiinno ama ku heshiinno in aannu kala tagno
ayaannu magacyooda sheegi doonnaa. Iminka hordhac bay noqo naysaa
inaad ka faallooto wixii oo aan bislayn.
Markaa waxaan idiin sheegaa inay jiraan xidhiidho aannu la samaynay
ururradaas iyo shaqsiyaa d kale oo aan ururba ku jirin iyo qaar
saddexdii xisbi ee horeba ku jiray oo nala soo xidhiidhay, hawshuna
meel fiican bay noo maraysaa, waxaanan u aragnaa in arrintaasi ka
mid tahay mida ynta ummadda iyo sidii loogu adeegi lahaa horumarka
iyo wax-wada-qabsiga ummadda iyo dal ka.
Jamhuuriya: Waxa jira cabashooyin ka soo yeedhaya ururrada hadhay,
waxayna ku baaqeen mudaharaadyo ay leeyihiin dastuurka ayaa noo
fasaxaya, xukuumadduna way diiddan tahay, halkaasna khilaaf baa ka
dhashay, urur ahaan siday arrimahaasi idiinku muuqdaan?
Xasan Ciise: Annagu ma nihin maxkamad oo maannu gudo-gelin in aannu
khilaafkaas ka garnaqn o, arrinta haddii aanad ka garnaqina waxa aad
ka tidhaaa waa guud-mar qudha, markaa labada qolo ee ururrada iyo
xukuumadda midna noomuu iman oo namay odhan noo garnaqa oo na kala
saara.
Markaas laba qodob ayuun baan arrintaas ka odhanayaa oo waxaan
maqlayey ama jaraa’idka ku arkay in qaar ka mid ah ururradu
yidhaahdeen maxkamadda ayaannu dacwad u gudbinaynaa.
Haddii arrinta maxkamad la geeyey ama la geynayo ma fiicna in laga
faalloodo oo waddamada caalamka qaar ka mid ah waaba dambi in laga
hadlo kiisas maxkamadaha ku jira, sababtoo ah waxa la doonayaa in
maxkamaddu fursad u hesho inay garsoor fiican ka samayso waxa la
isku hayo si loogu qanco, haddii laakiin kiiska laga sii hadlo
isagoo maxkamad ku jira khalkhal baa imanaya, wixiina waa la
dhooqaynayaa.
Xagga mudaharaadka haddii aan ka hadlo, mudaharaadku haddii lagu
qanacsan yahay inuu mid nabadgelyo ah noqonayo, dadkuna si macquul
ah u dalbadaan mudaharaadka oo dariiqiisa mara an lagama horjoogsan
karo oo xorriyatul-qawlka ayuu la mid yahay, waana shay qofka
muwaa ddinka ah xaq u leeyahay, mudaharaadkana in sabab la’aan la isu
hortaago maaha, laakiin had dii dawladdu sabab macquul ah haysato way
ishortaagi kartaa oo sirdoon baa jira ciidamaa jira oo dawladdu
leedahay, markaa haddii wax cad oo nabadgelyo la’aan sababi kara la
hayo waa la horjoogsan karaa mudaharaadka, waana in dawladdu
qancisaa dadka mudaharaadka wata oo ay sababaysaa waxa keenay inay
diido.
Jamhuuriya: Ururka XAQSOOR waxaan filayaa inuu yahay ururka qudha
lixda urur ee soo baxay ee guddoomiye-ku-xigeenkooda ka dhigay
siyaasi ka soo jeeda Gobolka Sool, degaannada bari ee dalkana
dhibaatooyin baa ka jira, waa maxay mowqifkiina la xidhiidha
xallinta tabashooyinka gobollada bari ee Somaliland?
Xasan Ciise: Arrintaas mowqif cad baannu ka taaganay, waxana jira in
dawladihii Somaliland ee kala dambeeyey oo dhan ay baylihiyeen
degaannada bariga shishe ee dalka. Arrintaas in aannu wax ka qabanno
ayaannu doonaynaa oo qorshaha noogu jirta, taasna macnaheedu ma aha
de gaannada galbeed ee dalka ama degmooyinka kalee badhtanka ayaannu
sii daynaynaa, laakiin waxaannu qabnaa in la dhanmeeyo tabashooyinka
dalka ka jira oo dhan, waxaanan aaminsan ahay in la beddelo dastuurka
Somaliland u yaal oo waddanku markuu ugu yaryahay laba ama saddex
madaxweyne-ku-xigeen iyo ra’iisal-wasaare yeesho, dastuurka inoo
yaallaana maaha aayado qur’aana oo Illaahay soo dejiyey, balse waxa
weeyeshuruudo dadku samaysteen oo ay doorbideen inay ku dhaqmaan,
iskuna maamulaan.
Marka baahiyo kale yimaaddaan waajib ayey kugu tahay inaad beddesho
dastuurka aad sama ysatay si loogu xalliyo baahiyaha soo baxay inta
aanay kugu noqon carqalad dhibaato keenta oo danahaagu u burburin,
markaa iyadoo dariiqa sharciga ah loo marayo waxaannu aaminsanahay
in wax-ka-beddel lagu sameeyo dastuurka si ummaddu murraayadda
hoggaanka sare ee dalka isaga wada aragto.
Guddoomiye-ku-xigeennada ururka XAQSOOR ee aannu badinay waxaannu
uga dan leenahay in madaxweyne-ku-xigeennada la badiyo oo
ra’iisal-wasaare la sameeyo oo bariga iyo galbeedka dalkaba
siyaasadda laga qaybgeliyo si aynu ugu gaadhno ictiraafka aynu u
baahannahay ee innagu raagay.
Jamhuuriya: Guddoomiye; xukuumaddii hore ee Rayaale waxay samayn
jireen ballaanqaadyo la xidhiidha sidii wax looga qaban lahaa
dhibaatooyinka degaannada bariga dalka, laakiin waxba kamay fuli
jirin. Xisbiga KULMIYE ololihii wuxuu ku galay wax baannu ka
qabanaynaa tabashooy inka bariga oo ilaa ra’iisal-wasaaraha aad
sheegayso waxay sheegeen inay samaynayaan, haddana weli wax tallaabo
ah lama qaadin, maxaa intaas dhaafsiisan ood idinku haysaan?
Xasan Ciise: Horta annagu tallaabooyin ka duwan kuwaa aad sheegtay
badh waannu ku dhaq aaqnay oo guddoomiye-ku-xigeenka ururka XAQSOOR
waxaannu ka dhignay nin ka soo jeeda degaannada bariga, arrintaasina
waa tallaabo aannu samaynay oo aannu dheernahay kuwa kale oo dhan.
Waxa kale oo aannu ku dhawaaqnay in aannu taageernay gogosha nabadda
ee bariga loo fidi yey, waana mid waajib ah, laakiin waxaannu
xukuumadda ku dhalliilnay in aanay raacin wejigii lagu iman lahaa
gogosha nabadda, qaabka gogosha nabadda lagu imanaya waannu sheegnay
oo kumaanan bakhaylin oo qolooyinka Faranjiga (reer galbeedka)
ayaaba yidhaa gogosha nabadda waa inaad raacisaa wixii dhibaatada
lagu xallin lahaa oo aad raacdaa dariiqii loo mari lahaa gogosha
nabadda, arrintaasna waxa ka mid ah in laga kaco meelaha biyaha ah
ee laga fadhiistay dadweynaha bariga, waana hab aannu kaga duwanahay
xukuumadda talada haysa iyo kuwii horeba, taasina waxay keenaysaa
kalsoonida oo waxay muujinaynsaa inaad gogosha nabadda daacad ka
tahay, markaa waa in gogosha nabadda la raaciyaa wixii dadku ku iman
lahaayeen, iyadoo loo muujinayo in la xallinayo wixii ay tabanayaan
oo dhan.
Iminka ma jiro wax dawladda ka hortaagan inay dastuurka beddesho.
Berrito ayey bilaabi kar taa inay dastuurka beddesho, mana jiro cadaw
shisheeye oo ka hortaagan in dastuurka la bed delo. Waxa qudha oo ka
hortaagani waa garasho la’aanta iyo fahmo la’aanta xukuumadda jirta.
Hadda ayey dawladdu bilaabi kartaa tallaabooyinka dastuurka lagu
beddeli karo.
Jamhuuriya: Ma dastuurka oo dhan baad doonaysaa in la beddelo, mise
qodobo ka mid ah?
Xasan Ciise: Dastuurka oo dhan lama beddelayo, laakiin waxa la
beddelayaa qodobo sharciyeynaya in dalku yeesho
madaxweyne-ku-xigeenno badan iyo ra’iisal-wasaare, arrintaasna wax
xukuumadda ka hortaagan ma jiro.
Annagu waxaannu nahay kuwii ku dhiirran lahaa in dastuurka la
beddelo haddii aannu talada qabano haddii Ilaahay yidhaa.
Jamhuuriya: Waxa jira tabashooyin badan oo dadku ka qabaan
golayaasha degaannada dalka ee ku yimi doorashadii 2002, waxayna dad
badan aaminsan yihiin in aanay goleyaasha hadda shaqeeyaa wax badan
ka qaban adeegyadii bulshada ee magaalooyinka dalka, iminkana waxa
la isu diyaarinayaa doorashadii degaanka. Haddaba, si loo daweeyo
cabashooyinka dadweynaha idinku qaab noocee ah ayaad ku xulaysaan
xildhibaannada murrashaxiinta idiin noqonaya?
Xasan Ciise: Waxaannu ururka farnay in lagu dedaalo sidii
xildhibaannada murrashaxiinta noqon aya tayo loogu soo xuli lahaa, in
lagala tashado madax-dhaqameedyada, culimada iyo waxgara dka degaanka
sidii loo heli lahaa rag tayo leh oo ururka XAQSOOR uga qaybgala
tartanka doorashada degaannada.
Waxaannu doonaynaa oo aaminsan nahay in aannu soo xulno dad ummadda
ugu adeegi kara daacadnimo iyo caddaalad oo la aamini karo, haddii
Ilaahay yidhaana waannu ku dedaali doon naa arrintaas si ummaddu uga
baxdo dhibaatooyinka haysta oo looga gudbo musuqmaasuqa dalka ka
jira ee heer kasta saameeyey.
Jamhuuriya: Weftigii qaadhaan-bixiyeyaasha ee toddobaadkan dalka
yimi waxay sheegeen inay ururrada siyaasadda iyo madaxweynahaba kala
hadleen sidii saami fiican dumarka iyo dadka laga tirada badan
yihiin looga siin lahaa murrashaxiinta doorashooyinka, arrintaas
sideed u aragtaa?
Xasan Ciise: Kaalinta dumarka laga siinayo doorashooyinkal Maraykan
walaa Faranji kale waxba ka weydiin mayno, arrintaasna waxaannu wax
ka weydiinaynaa culimada iyo aqoonyahanka So maliland, dumarka
waddankeenna waxaannu u oggolnahay oo ku dhiirrigelinaynaa wax
kastoo khayr ku jiro oo diinteenna iyo dhaqankeennu siinayaan,
waanuna u oggolnahay arrintaas, laakiin Faranji diin kale haysta oo
dumarkoodiiba qaawiyey waxba u weydiin mayno dumarkagaya.
Qayb kaloo ka mid ah waraysigan oo Xasan Ciise kaga hadlayo mawqifka
urur-siyaasadeedkiisa ee la xidhiidha ka qaybgalka Somaliland ee
shirarka Soomaaliya, shirka Muqdisho uga socda mad ax-dhaqameedyada
oo la sheegay in qaar reer Somaliland ah ku jiraan, sababaha
keliftay inuu mar labaad saaxadda siyaasadda ku suu noqdo, rajada uu
ka qabo in dadweynuhu u doortaan hoggaaminta dalka iyo qodobo kale
oo xiiso badan la soco cadadka Jamhuuriya ee Jimcaha
Source:Jam
|