Muj. Dhagaweyna oo sheegay in Xukuumadda Siilaanyo ay Dalk a ku wado dhabadii Qaranimada Somaliland ku burburi lahayd

 



Ibraahim Dhagaweyne waxa kale oo uu sheegay in dalka laga wado dhaqaale boob iyo siyaasad xumo, taas......


Hargeysa (TNN) - Gudoomiyaha urur siyaasadeedka Udhis Mujaahid Ibraahim Cabdillaahi Xuseen (Dh agaweyne) ayaa sheegay in xaalada dalku ay marayso meeshii ugu xumayd, waxaanu tilmaamay in xukuumada Madaxweyne Siilaanyo ay dalka ku wado halkii Qaranimada Somaliland ay ku burburin lahayd.


Ibraahim Dhagaweyne waxa kale oo uu sheegay in dalka laga wado dhaqaale boob iyo siyaasad xu mo, taas darteedna uu soo jeediyay in ummada iyo Axsaabtu ay ka tashato xaalada qalafsan ee da lku marayo. Sidoo kale Mujaahid Ibraahim Dhagaweyne waxa uu sheegay in cid ka baxsan Madaxw eyne Siilaanyo ay dalka ka taliso. Waxaanu intaa ku daray in xubnaha golaha wasiiradu ay u kala qaybsan yihiin xubno xogogaal u ah geedi socodka siyaasada dalka oo wax og iyo xubno aan waxba ka ogayn siyaasada xukuumadu ku socoto.


Gudoomiyaha Udhis waxa uu sidaasi ku sheegay xogwaraysi khaasa oo Wargeyska Haatuf kula yees hay magaalada Hargeysa, kaas oo uu sidoo kale kaga hadlay aragtidiisa la xidhiidha gudoomiyaha g olaha guurtida mawqifkiisa siyaasadeed, go’aankii shirgudoonka golaha wakiiladu ay doraad ku erye en afarta xildhibaan, doorashooyinka golayaasha deegaanka iyo mustaqbalka ururkooda udhis halka uu u digo rogan doono


Mujaahid Ibraahim Dhago-weyne oo ugu horayn ka hadlaya xaalada guud ee dalku marayo, ayaa waxa uu yidhi “Xaalada dalku meel aanay waligeed gaadhin ayay maraysaa meeshii ugu xumayd ayaanay maraysaa, waad aragtaa inay dafirayaan Xamar baa hoos loo tagay oo heshiisyo aan la garanayn baa lala galayaa, oo waxay rumaysanayaan kolba dhawaaqyada ka soo baxa maamulada Somalia loo sameeyo, laakiin waynu arki doonaa cidda tidhaa meel baan wax gaynayaa waxaan ummadani ku jirin ayay kolba ku dhawaaqayaan, Alshabaab, Al-islaax siyaasaad qaladan ninka meeshiisii ka cararaya ee u cararaya meel aan shacbigani la masiir ahayn, waxaan u arkaa in xukuumadani meeshii ay albaabada qarankan ugu xidhayeen ay ku wadaan. Waxaan leeyahay ummadu ha ka tashato xaalada xun ee taagan, doorashadan ay leeyihiin waanu qabanaynaana waa beentooda oo dadkiina ay qabyaalad u kala saareen, ururadiina ay u kala qaybiyeen reero iyo qabaa’il. Hantida ummada ee la boobayo waynu aragnaa iyo dhaqaale boobka socda, qolooyinkan ururaduna dhinac ha iskugu baxaan oo ha ka tashadaan waxan socda oo go’aan ha ka gaadhaan dhaqaale boobkan iyo qaran baabiintan socota”


Mujaahid Ibraahim Dhago-wayne oo aanu waydiinay hadalada xubnaha Golaha Wasiirada ee isbur inaya sida uu u arko, waxa uu yidhi In baa gaar wax u og xubnaha golaha Wasiirada oo gaar wax loogu sheegay inta kalena way iska socotaa, waanay muuqataa oo sidaa ay u kala hadlayaan bay u kala duwan yihiin. ”

Ibraahim Dhago-weyne oo aanu waydiinay sida uu u arko hogaaminta Madaxweyne Axmed Siilaan yo, maadaama ay muddo dheerna halgankii ururkii SNM ee dalka xoreeyay ay ku soo wada jireen, waxa uu yidhi “Anigu waxaan u arkaa in cid kale ay xukunto maamulkanm in badan baa lagu cel celin ayay oo la lahaa Siilaanyo waxba ma xukumee ninkan Dhakhtarka hala mariyo, anigu waxaan u ark aa inuu Madaxweyne Siilaanyo caafimaadkiisu ka sii darayo, shalay golaha wakiilada waxa ka dhacay waa la arkayaa oo xildhibaano ayaanu iska erinay bay yidhaahdeen oo gole weynuhuna aanu u foo taynin, haddii uu waxaasi kula socdo waa in maamuus ka xayuubin lagu qaado oo talo dhaba laga ga adho”

Mujaahidka oo aanu waydiinay sida uu u arko gudoomiyaha golaha guurtida Saleebaan Maxamuud Aadan oo muddo dheer ay soo wada ahaayeen saaxiibo mucaarid ah oo ka soo wada tirsanaa ur urkii Asad, waxa uu yidhi “Saleebaan waa muxaafid dhab ah, waxyaalahan foosha xun ee dalka ka dhacayana indhihiisu ma arkaan”

Mar aanu waydiinay Ibraahim Dhagaweyne mustaqbalka ururkoodii Udhis ee lagu reebay qiimayntii ururada iyo waxyaalaha uga qorshaysan in ururka Xaqsoor ay ku biiri doonaan, waxa uu yidhi “Ururkayaga Udhis sidii buu u taagan yahay waana urur mucaarid ah, anaguna ururada mucaaridka ah waanu taageeraynaa, wixii isbadal siyaasadeed rabana waanu taageeraynaa, wixii aanu ka yeel ayno xaalada dalku uu marayana wada tashi baanu ka yeelanaynaa go’aan cadna waanu ka qaada naynaynaa”


 

SourceLWargeyska Haatuf