Madaxweyne Ku Xigeenka Oo Shacbiga Saaxil Ugu Baaqay Inay u Dareeraan Diwan Gelinta Codbixiyeyasha

 

Madaxweyne Ku Xigeenka Somaliland, Md Axmed Yuusuf Yaasiin, ayaa dadweynaha gobolka Saaxil, ugu baaqay inay si balaadhan uga qeyb qaataan hawsha diwaan gelinta codbixiyeyaasha, oo 14-ka bishan oo ku beegan Maalinta salaasada ka bilaabmaysa Gobolkaasi.
Madaxweyne ku xigeenku shir jaraa'id oo uu ku qabtay Guriga Martida ee Magaalo xeebeeda Berbera, waxa uu dadweynaha ugu baaqay inay gutaan wax uu ku tilmaamay hawsha qaran ee maalmaha fooda inagu soo haysa muwaadiniinta codbixyeyaasha ah lagu diiwaan gelinayo.

"Waxaan dadweynaha Gobolka Saaxil iyo Guud ahaan Somaliland oo dhan ugu baaqayaa inay is diiwaan geliyaan, si ay u helaan muwaadiniintu kaadhka aqoonsiga jinsiyada [Dhalashada] iyo kaadhka codbixinta, waana in dadweynuhu ay fahmaan in muwaadinka aan is diiwaan gelini aanu coddeyn doonin doorashooyinka fooda inagu soo haya,"ayuu yidhi Madaxweyne ku xigeenka Somaliland.

Madaxweyne ku xigeenku waxa uu si kulul u beeniyay waraar sheegayay in dadka faro laga qaadayo marka la diiwaan gelinayo, oo ay walaac ka muujiyeen dhalinyaradu oo tilmaamay in farahooda loo gudbinayo midowga yurub, oo hawsha diiwaan gelinta gacan ka siiyay Komishinka Doorashooyinka, waxaanu wararkaasi ku tilmaamay dacaayad raqiis ah oo ay fidinayaan cadowga Somaliland.

Hawsha diiwaan gelinta oo kolba gobol laga bilaabayo waxa ugu horeynaya gobolka Saaxil ee uu Madaxweyne Ku xigeenku ka soo jeedo oo ay ka bilaabmayso 14-ka bishan, ka dibna gobolka Awdal, Hargeysa, Tog-dheer, Sool iyo Sanaag.

 


SN