War Deg Deg Ah: Mudaharaad rabshada Wata oo ka bil aab may Xaafada Idaacada ee Magaalada Hargeysa.
 

 


Dadka Mudaharaadkan dhigayey ayaa la sheegay in ay ka cabanayaan


Hargeysa (TNN)- Mudaharaad rabshado wata ayaa goor dhaweyd ka bilaabmay Xaafada Idaacada ee Magaalada Hargeysa, waxaanay dadka Mudaharaadayey wadooyinka ku gub een Taayiro.

Dadka Mudaharaadkan dhigayey ayaa la sheegay in ay ka cabanayaan Guryahoodii iyo me heradihii ay ku ganacsanayeen oo la bur buriyey, halka dadka qaarna sheegayaan inay ka cabanayaan Xadhiga loo geystay Badhasaabkii hore ee Gobolka Maroodi Jeex Axmed Cum ar X. C/laahi (Xamarji).

Wariye C/raxmaan Muuse oo ku sugan goobta uu muduharaadku ka dhacayo ayaa sheeg ay in dadkan mudaharaadaya oo si ba’an uga cadhaysan xadhiga loo geystay Guddoomiyi hii hore ee Gobolka Maroodi Jeex, waxaanu sheegay in Ciidamada Boolisku Rasaas ku kala dareerinayaan dadkan mudaharaadaya, taasi oo keentay in dadka qaar ku dhaawacmaan oo loola cararo Cusbitaalka.

Ma jiro warar rasmi ah oo ka soo baxay xaalada mudaharaadka iyo khasaaraha ka dhash ay, balse wararka ka soo baxaya goobtaasi ayaa sheegay in Ciidanka Boolisku Xoog u ade egsanayaan sidii ay dadkaasi mudaharaadaya u kala kaxayn lahaayeen.



Sacad M. Cabdi
Timacade News Desk
Hargeysa Somaliland