Mudane
Cawil : Fadlan Jooji Durbaanka Fidnada
ee aad Garaacayso
Tan
iyo intii ay dhacday dawladii uu hormuudka ka ahaa Madaxweyne Daahir
Rayaale Kaahin oo ay ka soo wareegtay muddo Saddex bilood ku siman
ayaa waxa isa soo tarayay xubno ka tirsa naa xukuumadii hore
oo geed dheer iyo mid gaabanba u fuulay sidii ay u fashilin
lahaayeen una dibandaabyayn lahaayeen xukuumadan uu hormuudka ka
yahay Mudane Axmed Maxamed Max muud Siilaanyo oo ay dadweynaha
reer Somaliland cod aad u balaadhan ku doorteen 26kii bishii June ee
sanadkan 2010. Xukuumadan cusub ee Somaliland oo ka dhaxashay
dhibaatooyin aad u balaadhan xukuumadii ka horreysay, isla markaasna
xoogga saartay mudada kooban ee ay jirt ay sidii ay wax uga
qaban lahayd dhibaatadaas ayaa waxaa lagu bilaabay jilaafooyin culus
oo lagu ragaadinayo xukuumada cusub si ay u fashilinto oo aanay u
noqon dawlad taabo gal ah.
Xubnaha sida weyn ugu hawl galay inay Dawlada cusubi ay siqiirto
waxaa ka mid ahaa Wasiirkii hore ee Maaliyada mudane
Xuseen Cali Ducaale “Cawil” oo
ay ka fashilantay dhaartii uu hore
u gu maray in inta uu nool yahay Cawil
ahaan aanuu marnaba Madaxweyne ka noqon
Somaliland Mudane Axmed Siilaanyo,
dhaartaas oo ay fashiliyeen dadweynaha reer Somaliland oo
codkoo da duhur dharaareed si weyn u siiyay Madaxweyne Siilaanyo
kana door biday labadii murashax ee kale ee la tartamayay oo kala
ahaa Mudane Daahir Rayaale Kaahin iyo Mudane Faysal Cali Waraabe.
Hadaba Wasiirkii hore ee maaliyada mudane Cawil oo dalka galiyay
Mussalaf Qaran (National Ba nkruptcy)
isla markaasna masuul ka ahaa in shaqaalaha dawlada iyo ciidamada
kala duwan ee qaranku ay mushahaaradooda waayaan muddo dheer, isla
markaasna mudada uu xilka qaran h ayay isku dayay inuu dalka ka rido
fidnooyin qabali ah iyo kuwo siyaasadeed oo aynu ka xusi ka
rno isaga oo fagaarayaal kala duwan ka sheegay in beeshiisu aanay
iloobi doonin dhibtii gaad hay dagaalkii nasiib darrada ahaa
ee ka dhacay Somaliland sanadkii 1994kii, sidoo kalana waxa uu
xiligaas Mudane Cawil ku kacay fidno culus ka dib markii uu ku
eedeeyay Madaxweynaha So maliland markii uu ahaa Gudoomiyaha
Xisbiga Kulmiye in uu ku lug lahaa dilka labadii Geesi ee M
arxuum Cabilqaadir Koosaar iyo Marxuum
Aadan Shiine, Allah ha u naxariistee,
iyada oo ujeeda da Cawil ahayd inuu dhaliyo
fidno qaran oo dhib culus dalkeena u
geysan lahayd hadii uu been abuurkiisa uu ku guulaysan lahaa.
Waxa la filayay in Mudane Cawil uu soo afjari doono dhibaatadii uu
ummada Somaliland ku hayay kol haddii ay xukuumadii uu ka tirsanaa
ay dhacday, ayaa nasiib darro waxaa muuqata in Cawil uu sii wado
fidno abuur uu doonayo inuu dhibaato ku kala dhex dhigo ummada
walaalaha ah ee reer Somaliland, iyada oo durba uu Cawil kubad
siyaasadeed ka dhigtay dilka naxdinta leh ee la gula kacay
marxuumkii ilaalinayay oo la tilmaamay inuu u geystay nin askari
ahaa oo muran lac ageed uu dhex maray. Iyada oo baadhistii
socoto ayaa Mudane Cawil waxa uu si cad u sheegay in isaga loo dan
lahaa oo la doonayay in la dilo, taasina waa mid uu Cawil uu isku
dayayo inuu ku kiciyo beelaha Somaliland qaarkood isaga oo u
eekaysiinaya in xukuumadan cusubi ay weerar ku tahay qabiilkooda,
taasi oo ah mid aan waxba ka jirin, kol hadii aanay jirin wax
caddaymo ah oo uu ummada u soo bandhigay.
Siday doontaba ha ahaatee waxaan ugu baaqayaa mudane Cawil inuu ka
waantoobo fidnada uu hurinayo, isla markaasna dhibtii uu qaranka
hore ugu geystay aanuu dhib kale ugu darin, waxaa kale oo haboon in
Mudane Cawil uu ogaado in dadweynaha reer Somaliland ay yihiin qaar
garaa dkoodu uu ka sarreeyo inay u sacabo tumaan fidmo walayaasha,
iyada oo ay dadweynaha reer Somaliland ogsoon yihiin in dantoodu ay
ku jirto inay garab istaagaan dawladooda cusub ee ay doorteen,
dawladaasoo mudada kooban ee ay xilka haysay horumar la taaban karo
ka samays ay dhinacyada dhaqaalaha, siyaasada debada, yaranta
musuqmaasuqa iyo hanashada kalsoon ida dawladaha deeqda bixiya,
talaabooyinkaas oo soo nooleeyay yididiiladii dadweynaha korna u
qaaday kalsoonidii reer Somaliland ee gudo iyo debedba.
Ugu danbayn waxaan ugu baaqayaa dadweynaha reer Somaliland inay
ilaashadaan Nabad gely adooda iyo Wadajirkooda, kana hor
tagaan fidnowalayaasha raba inay Qarankeena burburiya an,
waxaana ku waajib ah muwaadin kasta inuu garabsiiyo xukuumada
Somaliland marka ay ku socoto wadada saxda ah, sidoo kalana ay ka
hor yimaadaan marka ay xukuumadu khalad ku ka cdo. Waxaa kale
oo aan ugu baaqayaa Xukuumada Somaliland ee uu hormuudka ka yahay
Muda ne Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo inaanay ka habrran cidna ee
ay u gutaan masuuliyada saaran si kalsooni leh.
Kaysar Cabdilaahi Maxamed
Xoghayihii hore ee
Warfaafinta UCID
ahna tafatirka Somali Voice
Bristol.UK
www.thesomalivoice.co.uk
|
|