M.Diridhaba Ma Yaqaanaa “Plagarism”wuxu yahay Mise Beent Ayay Ugu baxdaa?

 

 


1. Hordhac

Qoraalkan runtii maan jeclayn inaan qoro lakiin waxa igu kalifay laba arrimood:

1. Diridhaba oo qadarrin waayay waxgaradka iyo waayeelka umadeena isagoo geed dheer iyo ku gaaban ba u fuulay sidii uu u ceebayn lahaa, waxgardkaa iyaga ah, waxaana ka mid ah Gudoomiyaha Kulmiye Muuse Biixi Cabdi iyo Chief-of –Cabinet Xirsi Cali Xaaji Xasan iyo  Ma daxweynaha Jabuuti Ismail Cumar Geele.


2. Diridhaba oo ugu talagalay qoraaladiisa inuu caamada ku jahwareeriyo isagoo  adeegsana ya run badhxan iyo been cad labadaba.

Soomaalidu waxay ku maahmaahdaa kaadi badane waa loo gogol badiyaa, siiba haduu yahay nin aad is xigtiin oo waliba run ahaantii aan iska wada xigno mas’uuliyiinta kor ku xusan  abti rsiin ahaan se dameerahayagu is gayin garasho ahaan waa sida dadka qaar hadalka u  dig ee. Wax waliba dulqaadkeeda ayuu leeyahay dadkana mar iyo lababa waa loo dulqaataa  sii ba haduu dadka cafis ka dalbado. Isla sababtaa awgeed ayaan u arkaa in Haatuf laftigeeda la aqbalo cafiska ay ka dalbatay muwaadiniintii ka xumaaday qoraalkeeda oo ahaa  meel ka dhac aan kala hanwaynaa nin mujaahid ahaa oo si dulmiya isaga dawladii hore u xidhay. Dawladana ma lihi yaan la dhaleecayn ee lakiin wax waliba hab ku haboon ayuu leeyahay oo aan sharafta ku seejinayn. Runina waa rag kama rays oo ninkii gafaba waa in tubta saxda ah lagu ridaa, sidaa awgeed qoraalkan waxaan ku lafa gurri doonaa meel ka dhacaa Maxam ed Cabdi Xasan oo Diridhaba loo yaqaan gaystay.

2. Xatooyo Qoraal (Plagiarism):

Akhristiyaal xatooyo qoraal waa inaad sheegatid qoraal uu qof kale qoray adigoon cadayn meeshaad ka soo min-guurisay. Tusaale ahaan “Plagirism” macnaheeda hadaan afka qalaad idiinku sheego anoo waliba soo min-guurinaya isticmaalayana habka saxda ah wax weeyaan:

“the wrongful appropriation, close imitation, or purloining and publication, of another  auth or’s language, thoughts, ideas, or expressions, and the representation of them as one’s own original work” [1]

Marka lasoo gaabiyo waa sheegashada fikradaha iyo qoraalada qof kale leeyahay adigoo ku andacoonaya amaba dadka tusaya inaad garshadaad ka keentay.

Hadaba marka qof kale qoraalkiisa la sheeganayo sidaad tusaalaha aad ku aragteen ayaa “quotes” lagaliyaa oo meesheey ka timidna la xusaa, Lamabar [1] ayaa kuu sheegaya qoraal kaa xagaan ka keenay oo ah mareegta loo yaqaa Wikipedia.

Qoraal af ingriis ku qoran oo uu Diridhaba 15kii Ogast (August) soo galiyay mareegta Hadw anaagnews ayaan akhriyey, qoraalka ujeedadiisu iska dulmar bay ahayd “generic” waxaan an dareemay markiiba ina aanu ahayn qoraal wakhti la galiyey oo meel muuqata abbaaraya. Ardayda aan anigu wax u dhigo ayaan tanoo kale ka gartaa “reports-ka” ay soo diyaariyaan waana wax si fudud loo fahmi karo.

3. Caddayntii Xatooyada Qoraal

Qoraalka Diridhaba qoray cinwaankiisu wuxu ahaa The Cure Of the corruption In Somaliland.

Qoraalkan gabi ahaan wuxu ka soo min-guuriyey mareegta Wikipedia isagoo iska dhigaya inuu isagu qoray oo uu garashadiisa ka keenay. Qoraalkaa isag ah xagan ayaad ka daalacan kartaa :

http://www.hadhwanaag.com/detail.asp?id=17924

Xatooyadaa qoraal dhowr tusaale ayaynu ka soo qaadan doonnaa:

“Corruption undermines economic development by generating considerable distortions and inefficiency. In the private sector, corruption increases the cost of business through the price of illicit payments themselves, the management cost of negotiating with officials, and the risk of breached agreements or detection. Although some claim corruption reduces costs by cutting red tape, the availability of bribes can also induce officials to contrive new rules and delays. Openly removing costly and lengthy regulations are better than covertly allowing them to be bypassed by using bribes. Where corruption inflates the cost of business, it also distorts the playing field, shielding firms with connections from competition and thereby sustaining inefficient firms.

Corruption also generates economic distortions in the public sector by diverting public investment into capital projects where bribes and kickbacks are more plentiful. Officials may increase the technical complexity of public sector projects to conceal or pave the way for such dealings, thus further distorting investment. Corruption also lowers compliance with construction, environmental, or other regulations, reduces the quality of government services and infrastructure, and increases budgetary pressures on government. “

Qaybtaan aynu ka soo xiganay qoraalkiisa gabi ahaan wuxuu kala soo wareegay safxadaha wikipedia (http://en.wikipedia.org/wiki/Political_corruption) qaybta cinwaakeedu yahay “Economic effects”.

Waxa ugu daran isagoo xitaa dhaafi waayay inuu ku darsado comment gaaban oo uu nin  da lka Sierra leone ee afrika u dhashay uu mareegta BBC–da ku qoray isagoo xitaa iskaga dars ady maahmaah afrikaan ah oo uu ninkaas ku halqabsanayey.

Qoraalkiisu gabi ahaan waa wax la soo xaday in yar oo dhawr line ah oo uu isagu isku dayey inuu qorana waa wax aan u qalmin in la akhriyo waayo micnihii ayaa lumaya qofku hadaanu afka uu isleeyahay ku qor aanu aqoon u laheyn.

Hadaba iska daa nin saxafi sheeganaya ee ardayga lagu qabto danbigan oo kale  coursework-ga amaba Project-ka loo diray waa waxba kama jiraan, module-ka maadadaa uu dhiganayana eberbaa la siiyaa gudi sare oo arintiisa ka arimisana waa loo saaraa.

4. Xilka “Cheif-of-Cabinet”

Diridhaba wuxu sheegay inuu si cilmiyeysan u soo baadhay [2] arrintaa iyada ah, waxaanu ku andacooday in dalka Japan oo qudhii leeyahay Chief of Cabinet.Diridhaba waxa uu xilkan ku macneeyay inuu yahay Horgalaha-Golaha Wasiirada iyo Raysal-Wasaare kuna tilmaamay xil dastuurka ku lidi ah. Muu sheegin meesha uu warkaa kala imid, waxa ku waajib ahaa inuu “reference” bixiyo taana wuu seegay oo waxay muujinasa inuu yasayo garashado akhristiya asha isla markaana isku markhaati furaya garasho yari. Ujeedadiisu runtii waa inuu umada shaki ku dhex tuuro isagoo isku eekaysiinaya qof dal jecel oo daacad ah.

Macnayaasha kale ee uu ka heli lahaa isla mareegta wikipedia oo uu badiba ka soo xado  qor aalada waxa weeyaan “primary aid to an important individual, such as a President” amaba ah kalkaaliyaha ugu muhiimsan ee hoos yimaada qof ahmiyad wayn leh sida Madaxweyne. Waxa kaluu ogaan uga dafiray inuu Mareykanku leeyahay “Chief of Cabinet” kaasoo ah Rah m Emanuel ahna ninkii ugu horeeyay madaxdii uu soo doortay Madaxweynaha mareykanku Barack Obama markuu uu xilka la wareegay. Xilkani wa mid “fluid” ah waana mid is badbadala waxaanu ku xidhanyahy kolba xukuumada joogta, shaqooykiisuna maareeyn iyo la talin lab adaba way leedahay. Xagaa waxa ka cad in dawlada Somaliland aanay ku khaldanayn  Maga caabista Xirsi loo magacaabay jagadaa iyada ah enagoo adeegsana hab maamul  “Presidential System of Governance” oo ka Mareykanka la mid ah. Markaa intaan lagu andacoon hab maamul oo cusub ayaa la yagleelayaa waa inaad wax waliba sida ay yihiin u sheegtid

5. Gunaanad

Guntii iyo gabagabadii walaalkay Diridhaba anigoon ku talax tageeyn dhaafayana wax yaaba kale oo uu been ka sheego waxaan u soo jeedin lahaa inuu munaafaqada iyo jahwareerka umad ka daayo. Waxaan u sheegaya isaga iyo kuwa la midka ahba in dawladan umada Som aliland guud ahaan iyo shacabka reer Hargeysi gaar ahaan ay kaalin wayn ka qaateen  door ashadeedii oo aanay ogalaan doonin deel qaafka iyo beenta aad la dhex wareegsiin, gaadh baa la idinka haynaya manta laga bilaabo ee gaa-gaabsada.


Guul Iyo Gobonimo Somaliland.

 

 

 

Khadar Cali Shabeel.
London



 

 


Xigasho:

[1] http://en.wikipedia.org/wiki/Plagiarism

[2] http://oodweynenews.com/articles/7919-waa-maxay-chief-of-cabinet-cilmiyan-muxuu-masuul-ka-yahay-chief-of-cabinetdastuurku-muxuu-ka-qaba-ma-mansab-siyaasadeedba-mise-waa-mansab-maamul-yaa-isticmaala-chief-of-cabinet-qallinkii-mohamed-2.html