Shirkada Somtel Oo Qayb Libaaxle
Ka Qaadatay Soo Dha wey ntii Orodyahanka Mo Faarax Iyo Fanaanka Sir
Maxamuud Cumar......
Berbera (TNN)-Shirkadda isgaadhsiinta casriga ah ee
Somtel ayaa si weyn uga qayb
qaadatay so o dhaweyntii Orad-yahanka Maxmed Farax oo maanta ka soo
dagay madaarka Diyaaradaha ee magaalada Berbera ee gobalka
Saaxil.Oradyahanka oo ay booqashadiisa uu Somaliland ku yimid ku
wehelinayeen Xaaskiisa iyo inanyar oo ay dhaleen iyo fanaanka caanka
ah ee Sir Maxameduud Cumar.
waxaa halkaasi si weyn ugu soo dhaweyey saraakiil ka tirsan
shirkadda Somel oo xalay saqdii dh exe u guuro galay Bebera si ay uga
hortagaan Ordayahankaasi.
Dhanka kanala waxaa soo dhaweynta oradyahanka ka qaybqaatay Wasiirka
duulista iyo hawada ee somaliland Maxamuud Xaashi Cabdi,Maayarka
magaalada Berbera Cabdalla Maxamed Carab [ Cabdalla sandheere] ,wasiirka
Ciyaaraha Cabdi Siciid Faahiye iyo masuuliyiin kale oo ka tirsan
Wa saaradda dhalinyarda iyo ciyaaraha.
Badhasaabka gobalka Saaxil Maxamuud Cali Saleebaan [Ramaax] iyo
xubno kale oo ka tirsan maa mulka gobalka Saaxil,Diyaaraddii uu la
socday oradyahanka Maxamed Faarax oo xalay fiidkiika soo duushay
garoonka Diyaaradaha ee hiro waxay 8:45 subaxnimo soo caga dhigatay
dhabaha Diyaa radaha ee magaalada xeevbta ah ee Bebera halkaasi oo ay
si weyb ugu soobixidoonin diiwaanka dhacdooyinka caalamiga ah
islamarkaana uu waxbadan dib ka xasuusan doono noloshiisa inta ka
hadhay “maanta waxay ii noqon doontaa qayb kamida taariikhda
noloshayda oo aanan waliga ila awi doonin ayuu yidhi Maxamed Faarax
oradyahanka caanka ah oo dhawaan kuguuleystaya ora dka 5000 kun ee
Mitir.
dhaweeyeen oradyahanka Shirkadda Somaltel iyo masuuliyiinta
xukuumadda ka socotay iyo qaa rkamida ehelkiisa.Oradyahan Maxamed Faarax oo halkaa ka hadlay waxa uu dareenkiisa
mar laba ad ku celiyey inay maanta u tahay taariikh aan ka
Dhanka kalana waxa uu oradyahanku halkaa si hagar la,aan ah uga
mahad celiyey shirkadda Som atel oo kaalin weyn ka qaadatay sidii
quruxda badnayd ee loogu soo dhaweeyey Barbara illaayo
Hargeysa,Shirkadda Somtel waxay soo dhaweynta oradyahanka Maxamed
Faarax kaga qayb qaa datay raxan ka mida gawaadhiga lagu raaxaysto [TAYOTA
LAND CRUISER] oo ah noocyadii ugu dambeeyey lagu samayeeyey waddanka
Japanka iyo guud ahaana kharashadkii iyo wixii shidaal ku baxay soo
dhaweynta oradyahankaasi.
Ka sakaw inay shirkadda Somtel bixisay gaadiidka aan soo sheegay
waxay indhaha warbaahintu qabanaysay saraakiil farabadan oo ka
tirsan Somtel oo dhabaha ay diyaaraduhu ka soo dagaan kana duulaan
la hoganayey boodhweyn oo lagu xardhays sawirka iyo magaca oradyahan
Maxam ed Faarax taasi oo muujinaysa sida baaxadda leh ee shirkadda
Somatel muruq iyo maalba isugu geysay soo dhaweynta oradyahanka
caanka ah Maxamed Faarax.
Oradyahanka Maxamed Faarax isaga oo ka hadlaya dareenkiisa ku aadan
soo dhaweynta qurux da badan ee ay Shirkadda Somtel u samaysay waxa
uu yidhi “waxaan aad iyo aad ugu mahad celi nayaa shrikadda
isgaadhsiinta Somtel sida qiimaha leh ee ay iigu soo dhaweysay
dalkayga hoo yo”
Dareenka iyo farxadda badani ku dheehantahay ee uu maanta
oradyahan
Maxamed Faarax kala kulmay Shirkadda Somtel,masuuliyiinnta Xukuumadda
Somaliland iyo qaybaha kale ee bulshada reer Somaliland waxaa isna
dareenkiisa ku cabiray Fannaanka caanka ah ee Sir Maxamuud Cumar yare
oo oradyahanka safarkiisa kuwehelinayey waxaanu shee
gay inay taariikhdu dib ka xusi doonto qiimaha iyo soo dhaweynta
shirkadda Somtel iyo guud aha an dadka reer Somaliland ku qaabileen
oradyahan Maxamed Faarax iyo reerkiisa “runtii ma garan ayo waxaan ku
cabiro dareenkayga sida aan la ilaawi karin ee aad noo soo
dhaweyseen shirkad da Somtel iyo wasiirkada iyo maayarka Barbera iyo
guud ahaamba dadka reer Somaliland”
intaasi ka dib ordyahanka waxaa loo soo galbiyey dhinaca magaalada
Hargeysa halkaasi oo ay boqolaal ka mida dadweynaha reer Hargeysa
kaga koryimaadeen kantaroolka Halleeya ee bariga magaalada looga
baxo iyaga oo markii dambana u soo galbiyey dhinaca Hotelka
Maan-soor ee magaalada Hargeysa halkaasi oo qado sharaf loogu
sameeyey isaga iyo dadweyne farabdan oo kamida asxaabtii sida weyn
ugu soo dhaweysay magaalada Hargeysa.
Oradyahanka Maxamed Faarax waxaa qadadii ka dib waxaa loo qaaday
dhinaca Hotelka Safari ee xaafadda Jig jiga yar maadaama meel uu dago
looga waayey Hotelka Maan-soor iyada oo aanay meeli ka banaanayd
qaybaha hurdada Hotelkaasi darteed loogu wareejiyey Hotelka kale ee
Safa ri halkaasi oo lagu wado inuu daganaan doono tan iyo 30ka bisha
marka la gaadho xiligaasi oo la gu wado inuu dib ugu laaban doono
dhinaca dalka UK oo uu dagan yahay Maxamed Faarax.
Saraakiisha Shirkadda Somtel ee maanta sida wayn uga qayb qaatay soo
dhaweyntii Oradyahan ka caanka ah ee Maxamed Faarax waxaa kamid ahaa
madaxa xidhiidhka dadweynaha Naasir Caw ad Muuse iyo Faysal Maxamed
Ibraahin Shiine oo ah madaxa xafiiska warbaahinta ee shirkadda
S omtel kuwaasi oo ordyahanka Maxamed Faarax ku gardaadinayey
gawaadhida raaxada ee Shirka ddaha Somatel iyo Dahabshiil
Axmed Shaqale
|