MEEL
MADHAN MUGGEED

Weli ma aragtay, mase maqashay
ri madaxa la gashay daasad, kildhi ama
dheri? Waxa jirta sheeko soomali tibaaxda in uu jiray reer lahaa wax
xoolo ah ri iyo dheri ay wax ku karsadaan. Maalintii dambe ayaa
ridii madaxa la gashay
dherigii si looga saarana la garan
waayey. Nin aqoon la bidayey baa loo tegay oo ku taliyey in
rida madaxa laga
jaro si dherigu u badbaado.
Markii ridii madaxa la jaray ayaa
madaxii dheriga laga soo saari kari waay ey, kolkaasuu haddana
haddana ku taliyey in dheriga la jebiyo
si madaxa looga soo saaro. TALO XUMO!!
halkaasaa dherigii iyo ridiiba lagu waayey.
Taasi waxa ka darnaa tii aan goob-joogga ka ahaa: waa laba riyaad oo
daa sad qudha madaxa la wada galay, daasad nooca caano boodhaha ah,
kolk aasay midiba jiho u carartay tiiyoo madaxoodii daasaddii ku
jiro. Markii halk aa la marayey ayaa talo loo baahday si loo
badbaadiyo riyaha.
Weydiintu waxay tahay maxaa markii hore riyaha u geeyey inay
daasadda madaxa la galaan iyagoon ka fikirin siday uga soo bixi
lahaayeen?. Ma aqo on darraa?
Ma caqli darraa?
Ma damac iyo doqonniimaa? ma hunguri xumaa illayn waata
soomaalidu tidhaahda hunguri wedkii ma arkee?….Sababtu muhiim maaha
ee waxa meesha yaalla uun badbaadinta riyaha daasadda yeelkeede.
Hadduu qofku dayoobo oo garan waayo jihaduu u socday wuxu wax
weyd iiyaa wixii dad ka soo hor baxa, wuxu fikir badan ku bixiyaa
siduu ku heli la haa jihaduu u socday si uu halis oo dhan uga
nabadgalo. Waxadse ka warr antaa haddii dadkaad wax weydiin
lahaydba wada dayeysanyahay, waxad ka warrantaa dad iyo dal dayoobay
oo jihadii ka luntay, markay sidaa tah ay yaa wax la weydiiyaa,
ma dalka kuugu dhow ee aad jaarka tihiin, ma kuwo durugsan oo aad
saaxiibtinimo iyo nasteex bidayso?
Marka dunida oo dhammi cadow iyo col kuu tahay
maxay noqonaysaa tala da iyo tilmaanta ay ku siiyaan?
Nin Hoggaamiye ah baa socod askareedka gaadda ka ciyaarka ama
gaard iska loo yaqaan ku hor socday dad tiro badan oo daba
gaardiyayey. Qayb kale oo dadka ka mid ahina jidka ayey hareera
tubnaayeen oo way daawa nayeen. Waxa dhacday in jidkii ay ku
gaardiyayeen xagga hore ka soo xidh may oo ku dhaadhacay
Booran halis ah oo laga daadan karo.. Qof ka mid ah dadkii
daawaneyey baa ku dhawaaqay, “Waar jidkan aad ku socotaan wuu
xidhanyahay”. Ninkii hoggaamiyaha ahaa kolkuu maqalay dhawaaqii ayuu
dib u eegay dadkii daba gaardiyayey, kolkuu arkay inay daba socdaan
buu niyadda ka yidhi waan hagaagsanahay, jidkii saxda ahaa baan ku
socdaa waa kuwaa i daba socda dadkii caqliga iyo garaadka badnaa ee
i raacsanaa illayn way iga hadhi lahaayeen haddaan khaldanahaye.
Dadkii daba socdayna iyagoo laftoodu dhawaaqa digniinta ah maqlaya
ayey eegeen hoggaamiyahoodii oo si fiican u hor gaardiyaya, waxay
yidhaahd een “Waannu hagaagsannahay waayo waa kaa hoggaamiyihayagii
caqliga badnaa ee aannu doorannay na hor socda, isagaa wax walba
garanayee illayn wuu ka joogi lahaa dariiqa xidhane”
Maxaa laga fishaa hoggaamiyaha caynkaas
ah iyo dadka jaadkaas ah?, maxaase la gudboon kuwii daawanayey oo
waajib ka saran yahay badbaa dinta walaalahood?
Hoggaamiyayaal badan baa cabbirkoodu had iyo jeer ku salaysan yahay
in mar haddii dad badani daba socdo ay ku taagan yihiin dawgii saxda
ahaa.
Hoggaamiye kasta waxa looga baahanyahay inuu dhugmo iyo fiiro u
yeesho dhawaaqa iyo digniinaha ka soo yeedhaya dadka dariiqa hareera
taagan een iyagu dan gaar ah ka lahayn, aan ahayn badbaado guud.
Dadkuna waa inaanay sax iyo khaladba ku
taageerin madaxdooda sababtoo ah taasi
waa mid aan cidna dani ugu jirin iyaguna ku
halaagsami doonaan.
Haduuse hoggaamiyuhu isku xeero inta
dad ugu shar badan waa mid
masiib ada ka dhalataa cid
walba camimi doonto oo ay iyaguna ku jiraan.
Waxa la yidhi hoggaamiyaha wanaagsan
wuxu Ilaahay siiyaa la taliyayaal iyo wasii
rro wanaagsan.
Xasan C. Madar
|