XAFLAD SOO DHAWEYN IYO SAGOOTIN OO SI HEER SARE AH LOO SOO AGAASIMAY
OO LOOGU QABTAY MAGAALADA BIRMINGHAM 23 07 2015
GUDOOMIYAHA DEGMADDA TOG-WAJAALE DAAWO SAWIRO

Birmingham (TNN) :-, Xaflad si heer sare ah loo soo agaasimay oo lagu
soo dhaweynayey , isla-markaa na lagu sagootinaayey Gudoomiyaha
Degmadda Tog-Wajaale Md. Aadan Muuse Cilmi (Shiine) , ayaa waxa ay
ka dhacday Magaalada Birmingham , waxaana ka soo qayb-galay dadweyne
aad u fara-badan , oo isuga jiray Aqoon-yahano, Wax- garad, Odayaal
iyo Masuuliyiin kala duwan iyo sidoo kale qaybaha kala duwan ee
Bulsho-Weynta reer Somaliland ee ku dhaqan Magaalooyinka ka midda ah
wadankan UK, Sida Birmingham, Coventry, Wolverhampton iyo meelo
kale, kuwaasi oo dhamaantood iskugu yimid Mah ad-naqa , soo dhaweynta
, Xog-Wareysiga, Dardaaranka iyo Sii -Sagootinta.Gudoomiyaha
Degmadda Wajaale Eng, Adan Shiine. iyadoo aad moodaysey inay isugu
timi labeentii reer Somaliland , xafladaas oo runtii qiimaheedu aad u
sareeyeey.
Munaasibada ayaa waxa furay Oday Xaashi Cali Yuusuf oo si diiran u
soo dhaweeyey Gudoomiyaha iyo dadwaynihii sharafta lahaa ee
munaasibada ka soo qaybgalay,waxaana uu sheegay in Gudoomiyaha Tog-Wajaale
Md. Aadan Muuse Cilmi (Shiine) , oo yahay runtii ah shaqsi aad ugu
qaaliya Bulshada reer Somaliland , isla-markaana booqasho gaaban ku
soo gaadhay wadankan, isla-markaana Furitaanka ka bacdi , waxaa lagu
soo dhaweeyey xubin ka midda ahayd , Gudidii qaban-qaabada xafladda,
Md, Max,ed Diiriye Nuur(Fariid).
Mr, Fariid ayaa xusay in ay Bulshada Birmingham , ay caan ku tahay
in ay si wadajira ay u soo dhawee yaan ama xusaan masuul kasta Qaran
, isla- markaana Gudoomiyahan kaga duwan yahay kuwii hore , inuu
ahaa xubin ka tirsanayd Bulshada Jaaliyada Birmingham, waxaa uu
mahadnaqday intii xafladda la soo qabanqaabisay iyo dadweynaha naga
ajiibay martiqaadka aanu u sameynay Gudoomiyaha Degma da Tog-Wajaale
Eng, Adan Shiine ,ugu danbeyna, Wuu u ducayeey in ilaahay ku asturo,
xilkaasi culus ee loo cumaaday.
Gudoomiyaha jaaliyadda Magaalada Birmingham Md, Cumar Cabdilahi
Yassin., ayaa lagu soo dhaweeyey , isagoo u mahad-naqay jaaliyadda
B,ham , ka-dibna waxuu ku soo dhaweeyey Gudoomiyaha Degmada Wajaale
magaaladisii , isagoo sheegay in xafladu tahay Mahadnaq , Hambalyo ,
Soo- dhaweyn iyo welib a Sii-Sagootin, uuna halkaasi uu ka jeediyey
Gudoomiye Cumar hadal cilmiyeysan , waxaan odhan karaa ayuu yidhi ,
aniga laftaydu nin dhaqaale yahan ah ayaan ahay, oo ka shaqeeyay
Bangiyada caalamiga ah.
Ka-dib waxa uu ka jeediyey hadalo dhiiri galin ah :- isagoo wax ka
taa-taabtay , in marka hore Magaala da Wajaale ay ku taalo xuduuda
Somaliland iyo Itoobiya u dhaxaysa, ayna tahay magaalo Ganacsi oo ay
yaalaan inta badan Badeecadaha kala duwan sida :- Dharka , Raashinka
iyo Dhinaca Beerahaba . Waa magaalo ayuu yidhi ,ku caan baxday
isdhex-galka Ganacsiga iyo Dhaqamada kala duwan ( Integra tion &
Multicultural ) siiba dadka Somaliland iyo Itoobiya., Arintaas iyada
ah , waa tan soo jiidatay dad baddan oo ka kala yimid Geeska Afrika.
Waxaan aan jaaliyada kula talin-lahaa, ayuu yidhi gudoomiyaha
Jaaliyaddu inay ka qayb-galaan hawlah a Tog-wajaale oo ah , meel
ujeedooyin badan oo wax laga qaban-karo siiba dhinaca Ganacsiga
iyadoo xuduud leh wadan weyn oo aan dekad lahayn ,
Ugu danbeyn: Md, Omar Abdillahi Yassin , waxa uu kula dardaarmay
Gudoomiyaha Degmada wajaale in xooga uu saaro dhinaca amniga ,
madaama meel istaaraajiya oo ku taalla Degmaddu oo kulmisa xuduu da
S/land iyo Itoobiya , isla-markaana leh dhinacyo badan oo ka
faa,ideysigeeda iyo feejignaanteedda leh. Ugu danbeyn Gudoomiyaha
ayaa waxa uu usoo jeediyey weedh waano ah, wuxuna kila taliyey inuu
samir yeesho dadkuna inay u sinaadaan.
Munaasibadan oo si qurux badan u dhacaday , ayaa waxa ka hadlay
Gudoomiyaha Tog-Wajaale Md. Aa dan Muuse Cilmi (Shiine), waxuu u
mahadnaqay jaaliyada Somaliland iyo dadweynaha ku sharfay xafla dan
qiimaha badan leh , intaa ka dib :-
Waxa uu aad ugu sheekeeyey Magaalada Tog-wajaale oo ka socdaan ayuu
yidhi hawlo iyo dhaqdhaqa aqyo , aan inta badan ka socon magalooyinka
kale ee dalka, madaama ay tahay Xarunta Ganacsiga dal ka oo dhan laga
maamulo, taasina ay sahashay . iyada in ay ganacsato badani keensato
ama ku qaybiy aan alaabadooda , kuna caan baxday in ganacsigaasu u
kala gooshiyo Gobolada dalka iyo waliba dalka Itoobiya, waxa uu inta
badan noqday ganacsigaasi , mid si wayn looga macaasho
Gudoomiyaha Tog-Wajaale Eng, Adan Shiine, waxa uu ka sheegay , waxii
u qabsoomay muddadii yareyd ee uu xilka hayey , oo aan ka badnayn
muddo 2bilood ah, ugu horeyn ayuu yidhi , waxaa noo hirgelay Afar
(4) mashruuc oo aad ugu muhiimsanaa Magaalada:- Sida,
1. Dhakhtarkii Magaalada .
2. Kawaanka Hilibka Degmadda
3. Garoonka Siilaanyo Stadion
4. Sariibaddii Magaalada oo aan Hirgelinay.
5. Toggii Wajaale ayaan gebi-haanba Nadiifinay.
Waxaa kaloo ilaahay mahaddii , oo noo hir-galay muddadii yarayd ee
Mashariic kale sida:-
1. Saldhigii Booliska oo aanu dibu-habeyn weyn ku sameynay.
2. Barta Kontrol ciidanka JsL ee xuduuda , oo aanu wax ka bedelnay
iyo weliba Hoy wanaagsan oo aanu ciidanka u sameynay.
3. Qaabka Qashinka magaalada looga uruuriyo, ayaanu iyadana
hirgeliney oo aanu dhibaatadii ay magaalada ku haysay wax ka qabanay,
4. Koormeer joogto ayaanu ku sameynaa, markasta maamulada (Tuulooyinka)
degmada hoos yimaada , kaas oo aanu uga dan-leenahay , ka war-heynta
xaalada dadka iyo baahiyaha kala duwan si aanu u kuurgalno.
Waxaa noo socda ayuu yidhi Mashruucii ugu weynaa ee Biyo-Gelinta
Magaalada oo aad u balaadhan , gacanta lagu hayo iyo Bilicdii
magaalada oo aanu ka shaqaynayno,sida hawlo balaadhan oo dhinaca
dhireynta quruxda magaalada ka qayb-qaadanaysa.
Gudoomiyahu Waxuu aad ugu dheeraday waxqabadka:- inshalaah ayuu
yidhi , dhawaan ayaan ilaahay ka rajeynayaa inay noo dhamaadaan
mashariicda inta dhiman ee noo socota , isla-markaana aanu xad higa
ka jari-doono, waxaas oo dhan oo mashruucyo ah , waxaan ugu
mahadnaqaa xukuumada talada haysa ee hogaaminaayo Madaxweyne Axmed
Maxamed (Siilaanyo) , isla markaana waan u Hambalyeyn ayaa
Madaxweynaha , Madaxweyne-ku-xigeenka , iyo Wasiirka Maaliyada oo
hawshan nalagala shaqe eyey.
Waxaanu ku booriyey Jaaliyadda Birmingham inay gacmaha is qabsadaan
, isagoo ugu dardaarmay wad a tashi iyo wada-shaqayn , waxaa ii
muuqda inaad isku-duuban-tihiin. waxaan idinka ka codsaday in
ja aliyad ahaan igala shaqeysaan horumarka degmadda , madaama aan
sito magaciina. Oo waxii aan qab to, aad amaanteedda leedihiin ,
waxaan idinku waaniyey wax wada qabsi , wuxuuna ku tilmaamay, in wax
kasta la qaban karo, haddii waxqabadka laga midoobo.
Waxii talo iyo tusaale inuu diyaar-yahay , taas u horumarinta qeybka
ka ah degmada … waan soo dha weynayaa waxkastaa sidii aan u horumarin
lahaa degmadda Tog-Wajaale ayaa iga go,an., waxaana ma rkasta
fulinayaa ayuu yidhi balanqaadkii qudbadeydii ugu horeysay ee ahayd
in cidkasta aan soo dhaw eynayo , dhamaan qaybaha kale gedisan ee ay
bulshaddu ka kooban-tahay, albaabkayguna u furany ahay.
Waxaa iyaguna halkaa ka hadlay Odayaal badan oo ka midda Jaaliyadda
Birminham Sida Prof Siciid Fisi gis, Oday Adan Saalax, Aqoonyahan
Ahmed Xirsi(Bidaar), Oday Cawil Cabdi , Suldaan Kabadhe, Suldaan
Axmed Gamaame, Oday Maxamud X.Xasan Geelle, Maxamed Aw-Daahir, Cali
Madar,waxaanay qireen in uu Gudoomiyuhu Bulshada reer Somaliland (gaar
ahaana Jaaliyadda Birmingham) meel weyn kaga yaall o, ayna mudan
tahay , ayey yidhaahdeen, soo dhaweyntan iyo mid kaleba in loo
sameeyo, maadaamay Bulshadu qirtay inuu yahay masuul , wax badan ka
qabtay Tog-wajaale.
Dhamaanba dadkaasi waxay hoosta ka xariiqeen inuu qalmo ,
Gudoomiyuhu in lagu qaabilo maqaamkaa iyo mid ka sareeyaba, Ugu
danbeyn waxay yidhaahdeen , waxbadan ayaad qabatay, wanaan ku
amaan antay , duco ayaanu ku huwinay, lakiin waxaa loo baahan-yahay
inaan kula dar-daarano , oo aad cid kasta oo aqoon u leh , hawlaha
aad qabanayso , marwaba la tashato, isku soo wad duuboo waxay
xafl adaasi ku dhamaatay jawi ah farxad iyo rayn rayn.
Gabagabadii Munaasibada waxa lagu soo gagabeeyey, su’aalo la
weydiiyey Gudoomiyaha oo guud aha an ku saabsanaa qorshaha
horumarineed ee Degmadda iyo xil-gudashada waajibaadada kala duwan.
Kuwaasi oo uu dhamaantood Gudoomiyuhu uga jawaabay si faahfaahsan.
Wabilaahi Towfiiq
Adan Yusuf Elmi
B,ham/UK
|