Maxjarka Berbera National Quarantine (Maxjarka Shirkada
Indhadeero) Muxu Ku Soo Kordhinayaa Somaliland (Daawo
Sawirada)
Berbera (TNN)-Maxjarka Berbera National Quarantine oo ay hirgalisay
shirkada indhadeero kuna yaa la caasimada g obolka
saxil ee Berbera waxa dhawaan fasaxay Madaxweynaha
Somaliland Mudane Axmed Maxame d Maxamuud
Siilaanyo 21 august 2010, taas oo ka dambaysay Socdaal
kormeer iyo qiimeyn isugu jir a oo ay ku tageen
gudi wasiiro ah oo uu horkacayey wasirka xanaanada
xoolaha kana mid ahaayeen wasiirada maaliyada, awqaafta,
iyo chief of cabinetka madaxtooyada oo ay max jarkaas ku
tageen 15 aug 2010 gudigaasi oo socdaalkoodu salka ku
hayey xog ku filan xukuumada inay ka siiyeen Maxj
arka Berbera Nationa Quarantine oo ah maxjarkii labaad
ee laga hirgaliyo mag aalada Berbera.
Maxjarkan ayaa shaqadiisa bilaabaya dhawaan isla markaa
la keeno shahaadada Caalamiga ah ee X oolaha Nool
lagu caafimaadiyo taas oo uu Madaxweynuhu uga dhigay
shuruud furitaankiisa, Hadaba Bulshada reer Somaliland
waxay isweydiinaysaa Muxu Dalka kusoo kordhin karaa
Maxjarkani? Waxaan jecelahay inaan qormadan bal ku eego
armo saabsan qodobkaasi.
Maxjarkan waxa uu noqonayaa mid kamid ah maxjarada
dunida ugu qaadka weyn dhinaca xoolaha iyo balaca waxa
uu leeyahay LAP (goobta Sheybaadhka Xoolaha) oo siweyn u
qalabaysan isla mark aana ay yaalaan qalab lagu
qiyaasay Malaayiin Dollar Khabiir ka hawlgala maxjarka
labkiisa ayaa tib aaxay inuu leeyihiin MAxjarkani
lab casri ah oo aan hore loo isticmaalin oo cusub isla
markaana leey ahay goobta lagu gubo xoolaha
bakhtiya goobaha lagu maydho goobaha lagu sheybaadho iyo
waliba xeryo waasac ah oo qalabkooda biyaha iyo cawskuba
u dhameystiranyahay Taas oo maalintii ay weftigu
yimaadeen siweyn ula yaabeen sidas uu u qalabeysan yahay
maxjarkani.
Somaliland oo dal kamid ah dalalka dunida isla markaana
ganacsigu xoryahay sidii ay balan qaadeen maamulkan
cusub ee talada dalka la wareegay xornimada ganacsiga
xoolaha oo mudo sanado badan ah u xidhnaa Ganacsade
Aljaabiri Maxjarkiisa oo kaliya oo ay ka dhoofi jireen
isla markaana lasii mar in jiray tas oo ay
ganacsatada Somaliland siweyn uga biyo diideen ilaa
maantana ka cowdaan dhibta ka haysata maxjarkaasi hadaba
waxa kaliya ee uu soo kordhinaya waxay tahay inay
Somaliland ka dhoofaan xoolo caafimaadsan oo lagu
tartamayo caafimaadin tooda iyo tayeynta daawooyinka loo
isticmaalayo shaybaadhka taas oo keenaysa inay
Somaliland ka dhoofaan xoolo ay caafimaadkoodu
suganyahay oo aan dhici doonin in maalin walba xoolo
muwaadiniin leeyihiin si dhib yar loo soo celiyo.
Hadaba Somaliland Ma qaadi kartaa labo Maxjar dabcan
Somaliland way qadi kartaa labo maxjar ma adaama
ay Marsada dekeda berbera tahay halka ay ka dhoofaan
xoolaha soomaalida guud ahaan isla maraakana ay tahay
marin badeed can ah oo sucuudiga in badan loo soo
marinayay xoolaha no ol ee soomaalida, marka aynu
eegno ganacsiga ku tartankiisa ee dalkan ka hirgalay
waxa Somaliland ka jira sedex warshadood oo biyaha
safeeya, labo warshadood oo soo saara Saabuunta budada
ah, warshado soo saara sharaabka iyo kuwo kale oo badan
kuwaasi oo aan midna mid ka kale dhibato la taaban karo
ku haynin balse dukaan waliba ama warshad kastaaba
iibinayso tayada waxa ay soo saarayso sida looga
baahanyahay labadan maxjar ee ay Somaliland kusoo
kordhinayaana waa taas (TARTAN TAYO IYO XOOLO
CAAFIMAADSAN OO SOMALILAND KA DHOOFA)
Waxa kale oo meesha ka baxaysa ganacsatadii muwaadniinta
ahayd ee sugi jirtay isla markaana ku yuuga u geli
jiray maxjarka qudha inay ikhtiyaar yeeshaan oo ay ka
Labada Maxjar hadba kii uu qan ciyo adeegiisu
xoolahooda geystaan waa labo dukaan oo tayo lagu kala
xulanayo.
Ganacsiga xoolaha nool ee Somaliland iyo dhoofintooda
shirkada indhadeero waxay ku lahayd walig eed door
lixaad leh marka laga hadlayo dhoofinta xoolaha nool ee
somaliland waxaana mudooyinkii u danbeeyey ku hawlanayd
dhoofinta sanadkii in ku dhow hal milyan oo neef taas oo
suurtogal uga dh igaysay inay isticmaali karto maxjar
lagu caafimaadiyo xoolaha nool ee dalkeena waana kii u
horeey ey ee ganacsato muwaadiniin ahi fuliyaan
dhismihisa dalka somaliland, sidoo kalena SHirkada
Indha deero waxay door muhiim ah shirkadani ku leedahay
soo dejinta badeecooyinka kala duwan ee dalka yimaada
sida raashinka iyo bagaashka waxay kaalin mugleh kaga
jirta dhaqdhaqaaqa ganacsi ee So maliland waxaan
door dhaqaale oo la taaban karo ku leedahay miisaaniyada
maadaama sanadkii kee nto in ka boqolaal maraakiib
ah oo sida raashinka noocyadiisa kala duwan iyo kuwa
xambaara xoola ha nool ee ay nu geyno suuqyada
sucuudiga iyo wadamada khaliijka.
Lasoco Qeybta labaad…
Waxaad Halkan ka daawato War kusaabsan Kormeerkii
Wasiirada ee Maxjarka
Waxa Qoray,
Abdikarim Said Salah.
Journalist For Horn Cable TV
Sahil Region Area Based
Geeska Afrika Journal,In Sahil Region