Munaasabad xalay lagu dhaarinayay Wasiir Cusub oo ka dhacday
Xafiiska Gud,Baarlamaanka Soomaaliya.
Muqdisho, April 26, 2012————–Munaasab xalay lagu dhaarrinayay
wasiirka cusub ee shaqadda Shaqaalaha, Isbortiska iyo dhalinyaradda
Xukuumadda Soomaaliya isla markaana ay ka soo qeyb galleen
mas’uuliyiin ka tirsan dowladda Soomaaliya, iyadoona ay munaasabada
dhaarta ah lagu qabtay Xafiiska Gudoomiyaha Baarlamaanka ee
magaalada Muqdisho.
Munaasabadda ayaa waxaa goob joog ka ahaa Ra’iisul Wasaaraha
Soomaaliya, Dr. Cabdiwali Ma x’ed Cali Gaas, Ra’iisul Wasaare ku
xigeenka ahna Wasiirka Gaashaandhigga Xuseen Carab Ciise, Wasiirka
Garsoorka iyo Cadaaladda, Taliyaha Ciidammada Xoogga dalka, iyo Qaar
ka tirsan xildhib aanadda.
Wasiirka Garsoorka iyo Cadaaladda Xukuumadda Soomaaliya, Axmed Xasan
Gaboobe ayaa dhaariyay Wasiirka Cusub ee Shaqadda Shaqaalaha,
Isbooriska iyo dhalinyaradda Xukuumadda Soomaaliya Maxamuud Jirde
Xuseen.
Dhaaryta kadib ayaa waxaa halkaasi hadal bagoodin ah ka jeediyay
Ra’iisul wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya Dr. Cabdiwali Maxamed Cali
Gaas ayaa ugu hambalyeeyay wasiirka Shaqadda Shaqaalaha, Isboortiska
iyo dhalinyaradda xilka loo magacaabay islamarkaana ummadda
Soomaaliyeed si cadaalad ah.
Ugu dambeyntii Gudoomiyaha Baarlamaanka Somaaliya ahna Ku-simaha
Madaxweynaha Mudane Shariif Xasan Sheekh Aadan ayaa sheegay in
Maxamuud Jirde Xuseen uu yahay shaqsi khibrad leh islamarkaana soo
qabtay xillal kala duwan oo heer wasiiro ah haddana laga rajeynayo
inuu guto waajibaadka loo idmey oo ay shacabka Soomaaliyeed ka
sugayaan.
-DHAMAAD -
———
Abdinor Abdikadir Mohamed (Daacad)
Deputy of Communication Director, office of the PM
Mobile: +252-615 244689
+252-699 070907
Mogadishu, Somalia
|