“Waxaan doonayey inaan Xamar tago oo aan soo iibsado hantidaydii oo la iigu soo qaylinayey”

 



Maxamuud Siciid Maxamed oo maanta Shir Jaraa’id ku qabtay Hargeysa ayaa sheegay inuu ka hor safarkiisa

Hargeysa (NN) - Wasiirkii hore ee Wasaarada dhalinyarada iyo ciyaaraha ee xukuumaddii hore Maxamuud Siciid Maxamed oo shalay isaga iyo Cabdiraxmaan Cabdiqaadir ay hay’add aha amaanku ka baajiyeen safar ay ugu baxayeen Xamar ayaa sheegay in Madaxtooyadu la socotay safarkiisa, waxaanu dalbaday in la baadho cida ka dambaysay masuuliyadiisa.

Maxamuud Siciid Maxamed oo maanta Shir Jaraa’id ku qabtay Hargeysa ayaa sheegay inuu ka hor safarkiisa uu warqad ogeysiin ah u qoray Madaxwayne Siilaanyo iyo Wasiirka Madax tooyada, sidaana uu u sameeyay inaanu ahayn siyaasi dhuumanaya, balse uu Xamar u tag ayey si uu u soo iibiyo guryo iyo beer uu halkaasi ku lahaa.


Masuulkan oo arimahaa ka hadlayana waxa uu yidhi “Aniga oo ah Maxamed Siciid Muxume d, Wasiirkii hore ee Wasaarada dhalinyarada iyo ciyaaraha Somaliland, waxaan doonayey inaan taggo Xamar, doonayeyna inaan soo iibsado hantidaydii halkaasi taalay oo baryaha nba la iigu soo qaylinayey, haddana si aanu safarkaygaasi shaki u galin, waxaan warqad u qortay Madaxwaynaha Somaliland iyo Wasiirka Madaxtooyadda Somaliland, warqadaasi oo aan ku sheegay sidan:-

“Mudane Madaxwayne koonfurta Somaliya waxa taala hanti badan oo ay leeyihiin reer So maliland, aniguna kuwaasi ayaan ka mid ahay, waxaanan halkaasi ku leeyahay guryo iyo beer, waxaan isku dayey inaan iibiyo aniga oo Hargeysa jooga, laakiin lagama maarmaan bay noqotay inaan halkaa ugu taggo si iibku u fududaado, maadaama oo la waayay dhuku mantiga lahaanshiyaha hantidaasi, waxaan safar ku tagayaa Muqdisho oo aan muddo kaga soo noqonayo ee sidaa ula socda”


Maxamuud Siciid Muxumed, waxa kale oo uu tilmaamay “Warqadaasi waxaan u qoranayey waxaan doonayey in aanay igu dhicin ta shalay igu dhacday oo kale, markaa aniga oo ahaa agaasimihii ugu horeeyay baanka Somaliland, joogay Somaliland ilaa maalintii dastuurka la ansixinayey, sagaal sanadoodna ahaa Wasiirka Ciyaaraha, in aniga oo warqadaasi ogeysii nta ah u sameeyay maamuus in madaarka la igu xagxagto waxaan doonayaa in Madaxway n aha iyo Wasiirka Madaxtooyaddu baadhaan, cidii masuuliyadaa yeelatana tallaabo sharci ah laga qaado”ayuu yidhi.

 

 


Timacade News Desk
Hargeysa , Somaliland