Wasiirkii Hore ee Warshadaha oo Shaaciyey in Xukuum adda Rayaale Been ku Maaweeliso Dalka
 


Beentii aan dadka u sheegay inaan Wershad Sibidh ah dhisayno waxay ka mid ahayd beentii 21 kii sannadood ee tagay dadweynaha reer Somaliland loo sheegayay

Maxamed Saleebaan-weyne



Bristol (Timacade News)- Wasiirkii hore ee Warshadaha Somaliland Md. Maxamed  Sale ebaan Maxamed (Ina Saleebaan Weyne), ayaa daboolka ka qaaday in xukuumadda madaxweyne Rayaale ee uu ka tirsanaan jiray aanay dalka waxba u qaban oo ay been ku maaweeliso.


Md. Maxamed Saleeebaan Weyne waxa uu sidaa kaga dhawaaqay munaasibad xisbiga mucaaridka ah ee UCID habeen hore ku qabtay magaalada Bristol ee dalka Ingiriiska, isagoo daboolka ka qaaday in aanay waxba ka jirin warshadihii isaga iyo madaxweyne Rayaale dhagaxdhigeen ee la sheegay in laga dhisayo magaalada Berbera, arrintaas oo ku macneeyey inay ka mid ahayd beenta xukuumadda madaxweyne Rayaale dalka ku maaweeliso.


Wasiirkii hore ee warshaddaha oo xafladdaa kaga dhawaaqay inuu si rasmi ah ugu  bii ray xisbiga mucaaridka ah ee UCID, waxa uu xusay in been ahaayeen wixii ay  ummad da u sheegi jireen muddadii uu wasiirka ahaa, “Beentii aan dadka u sheegay inaan  we rshad sibidh ah dhisayno waxay ka mid ahayd beentii 21 kii sannadood ee tagay dadw eynaha reer Somaliland loo sheegayay…. xisbiga UCID ee aan hada ku biirayna waa xisbiga qudha ee daacadda u ah dadkiisa, runtana u sheega,” ayuu yidhi Md. Maxamed Saleebaan Maxamed.


Waxa kaloo uu xukuumadda madaxweyne Rayaale ku eedeeyey inay dalka ku  maawe eliso been iyo wax aan jirin, isaga oo tilmaamay in dhagax-dhiggii warshadda sibidhku ahayd been oo aanay waxba ka jirin.


Dhinaca kale, waxa uu ammaan ballaadhan dusha ka huwiyey guddoomiyaha xisbiga mucaaridka ah ee UCID Eng. Faysal Cali-waraabe, waxaannu yidhi; “Waxaad ka war-haysaan in Mudane Faysal Cali Waraabe inuu yahay hoggaamiyaha kaliya ee aan  mar naba fadhiisan ee qaarad ilaa qaarad u kala socda, waxana uu habeen iyo maalinba booqdaa ciidammada qaranka ee xuduudadaha dalka, goobaha caafimaadka iyo  isku ullada isaga oo waxtar iyo dhiirrigalin u fidiya, halka aanay labada hoggaamiye ee kale meelna tagin,” ayuu yidhi Maxamed Saleebaan Weyn




Source:Jamhuuriya Online