WAR
SAXAAFADEED
Taariikh: 1
September , 2011
Madaxweynaha JSL, Mudane Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) waxa uu
Xeer Madaxw eyne oo uu Numberkiisu yahay 0169/092011 ku Magacaabay
Wasiirka Wasaarada Arrimaha Gudaha ee JSL .
Madaxaweynuhu:
Markuu Arkay:Qodobka 90aad, Faqradiisa 2aad ee Dastuurka
Jamhuuriyadda Somaliland,
Markuu Tix geliyey: Ahmiyadda wayn ee ay Wasaaradu u leedahay Dalka
iyo Dhismaha Qara nka,
Markuu Arkay: In baahi loo qabo buuxinta jagada Wasiirka Wasaaradda
Arrimaha Gudaha ee JSL,
Markuu Ka Fiirsaday: Kartidiisa, aqoontiisa iyo hufnaantiisa shaqo,
Markuu ku Qancay: In uu hanan karo xilkan loo magacaabay.
Wuxuu go'aansaday In Mudane, Maxamed Nuur Caraale (Duur), laga
bilaabo taariikhda maan ta uu ahaado Wasiirka Wasaaradda Arrimaha
Gudaha ee JSL.
ALLAA MAHAD LEH
Cabdillaahi Maxamed Daahir ( Cukuse )
Af-hayeenka
Madaxtooyada JSL.
|