War degdeg ah: Maxakamadda Sarre oo Ku Dhawaaqdey Go'aankii
Khilaafku ka taagnaa ee Xisbiga ucid
Waxana ay Maxkamaddu Sheegtay in Gudoomiyaha SHarciga ah ee Xisbiga
UCID yahay Eng faysal Cali Waraabe................... Daawo Sawiradda
Hargeisa,Sep 11,2011 (TNN)- Maxakamadda Sarre ee Somaliland ayaa maanta
ku dhawaaq dey Go,aankii Kama Danbeysta ahaa ee Xisbiga Ucid, Waxana ay
Maxkamaddu Sheegtay in Gudoomiyaha SHarciga ah ee Xisbiga UCID yahay
Eng faysal Cali Waraabe, waxana ay maxak amadu Cirka Ku Laashay
Dhamaan Wixii Ku meel Gaadh ahaa.
Sidoo kale Waxa ay Maxkamadda Sarre ee Somaliland Go,aamisay In shir
weynihii Xisbiga UCID la qabto Muddo Saddex Bilood ah laga Bilaabo
maanta, Maxkamadu waxay amartay in Gollaha Dhaxe iyo masuulityiinta
Xisbiga Ucid ay Qaban Qabiyaan Shir weynaha Xisbiga Ucid.
Jawiga Maxakamadda Oo ahaa Mid ay Soo Buux dhaafiyeen, Boqolaal Qof
oo isuugu jirra taa geerayaasha Labadda Garab ee Xisbiga Ucid iyo
Qaybaha kala duwan ee Bulashadda ayaa ahaa kuwo Dhamaan udhag
taagaya Go,aanka Maxkamadda
Dhanka kale Waxa Soo Dhaweeyay Go,aanka Maxkamadda Xoghayaha Fulinta
Arimaha Gudd a ha ee Xisbiga Ucid, waxana uu Sheegay in uu Si weyn ugu
Farxsan yahay goaankan maxkamaddal, waxana uu ku tilmaamay mid Si
sharci ah ku hirgalay.
Aadan Mirre Waqaf oo ahaa Gudoomiyihii ku meel gaadhka ah ee Garabka
Ucid ayaa isna dh ankiisa Sheegay in uu tix galinayo Go,aanka
maxkamadda, balse waxa uu intaasi ku daray in aanuu meel la soo
fadhiisanayn Gudoomiye Faysal Cali Waraabe, inkasta oo uu Carabaabay
in uu Furan Doono Xisbi Siyaasadeed Cusub
Cali-Mahdi Cismaan Axmed
Timacade News Desk
Hargeisa somaliland
|