(MAXAAN KU MUTEYSTEY
HEYB-SOOCA ?)DOOD FURAN ,QEYBTII LABAAD
WALALAYAA WAA QEYBTII LABAAD EE
DOODA AHEYD (MAXAAN KU MUTEYSTEY HEYB-SOOCA ,)WAXAAN QEYBTII HORE
DOODEYDAN KU SOO BANDHIGEY GUUD AHAN QUURSIGA & DULMIGA HEYB-SOOCA
EE LAGU TAKOORAYO UMAD DHAAN OO ISLAMA OO IDINLA MIDA ,QEYBTAN LABAD
WAXAAN KU EEGIDOONA ,ALLEH ,ST.& DIINTEENA ISLAAMKU WAXEY KA QABTO
QUURSIGA DULMIGA & DHALANTEEDKA NASABNIMO,
INTAAN UGUDA GALIN ARINTAAS WAXAAN DOONAYA INEYNU BAL WADA OGAANO
HALKA UU KA YIMID & CIDII BILOWDEY QUURSIGA & NASAB KU FAANKA
DHALANTEEDKA AH ,HADABA SU AASHU WAXEY TAHEY ,
S=YAA BILAABEY QUURSIGA ?MUXUUSE MUTEYSTEY ?
J= JAWABTU WAXEY TAHEY ,ALLAH ,ST. MARKII UU ABUUREY ,NABIYUNA AADAN
,CS, AABIHII AADAMIGA ,INUU KU AMREY MALAA IGTIISU INEY U SUJUUDAAN
,NABI AADAN ,CS, WAXAA AMARKAAS ALLAH ST, JABIYYEY , WAXUU AHAA , (IBLEYS)
NACALI KORKIISA HA AHATEE , WAAKII IBLEYS,DIIDEY AMARKA ALLAH KUNA
FAANEY INUU KA DHALASHO WANAGSANYAHEY ,YIRINA ( MA ANIGOOD ,NAAR IGA
ABUURTEY ,HALKAASNA UU IBLEYS,UGA JEEDEY MA ANIGOOD NUUUR IGA
ABUURTAA U SU JUUDA ,AADAN ,OOD KA ABUURTEY DHOOBO ,)TAASI WAXEY KU
TUSEYSAA INUU IBLEYS QUURSI & ISLA WEYNAAN AAN MEEL JIRIN & NASAB
DHEERIDBA SHEEGTEY , WAXAANU KU MUTEYSTEY KIBIRKA & QABKA SAREYNTA
UU SHEEGTEY INUU ,ALLAH ST,UGU BUSHAAREEYEY ,IBLEYS, NAARTA JAHANABO
,ISAGA IYO INTA RACDABA , SUBXAANALAAH RABI INAGAMA DHIGEE AAMIIIIIN,
HADABA WALALAYAL MA SHAKI BAA KU JIRA QUURSIGA & DULMIGA UU ,ALLAH
ST, XAARAAN TIMEEYEY INEY YIHIIN ,HADIMADII & KIBIRKII UU IBLEYS KU
HALAAGMEY KUWA KU DEYDA EE JIDKIISA MARAANA EE AAMINSAN INEY ,
ADOOMADA ILAAHEY KA SAREEYAAN KANA DHALSHO NASAB WANAGSANYIHIIN EE
CAADEYSTEY DHAQANO & CAADOOYIN DHALANTEEDA EE UMAD ISLAAMA YASAYA
KUNA TILMAAMAYA DAD KA LIITA ,SOW IBLEYS MEY WAHESHAN DARISNA LAMEY
NOQON ,CADAABNA MU TEYSANMAAYAN ,
KUWA XAQA DABOOLEY EE DIINTA YAQAANA EE ,CULI MAA UDIINKUNA SOW
MAAHAN KUWA XAQA ALLAH,ST,& AAYADIHIISA INDHAHA KA QARSADEY EE U
NIXI WAAYEY DADKA CAAMAHA AH AMA JAAHILIINTA AH ,SOW KUMA QARIYEY
MAAHAN AYAADII ,ALLAH ST.
INA AKRAMAKUM CID DALLAAH ATQAAKUM?
SOW AAYADII ALLAH ST, EE QEEXEYSEY MAHAN ,UMADEYDA CID CID KA
SAREYSAA MA JIRTO WAXEY KUKALA SAREEYANA MA JIRTO ,WAXEYSE KU KALA
FADLI BADANYIHIIN UMADEYDU , WAA ALLAH ,ST. KA CABSIGA & CIBADADA
ALLAH ST, SOW MEY AHEYN ,YAA QARIYEY , YAA LA BAKHEYLEY AAYAADKA
ILAAHEY ,SOW CULIMAA UDIINKA MAHAN , WAXAAD ARKEYSA ,WALALAYAL ,BOQOLAAL
CAJALADOOD OO AY DUUBEEN ,KUWA UGU WAAWEYNAA ,CULIMAA U DIINKA
SOOMAALIYEED OO XADIIS & MUKHAADARABA AH ,HAL CAJALAD OO UU MIDKOOD
KAGA HADLAYO ,QUURSIGAN UMADOODU AY KU HEYSO UMAD ISLAAMA OO
WALALADOONA KUMA JIRTO ,ISKA DAAA CAJALAD AY U DUUBAANE ,
MASAAJIDADA KAGAMA HADLAAN XAQA ALLAH ,
WAXAA LAGA YAABA ,CULIMAA UDIINKA ,KUWA GEYSANAA QUURSIGA & DULMIGA
LAGU HAYO UMADAN BEESHA GABOYE ,KUWA U GEYSTAA INEY YIHIIN KUWAY
WADAADU DHALEEN , KUWA AY WALALO YIHIIN , KUWA WAALID AY U YIHIIN
AMABA IYAG U WALIDA ,SOW XAQU MUU AHEYN INEY UMADA U SOO BANDHIGAAN
DIINTA ISLAAMKA & AAYADAHA ALLAH EE XARAAN TIMEYNAYA DULMIGA &
QUURSIGA ,
WAXAA UU RASUULKEENII MUXAMAED AHA ,CST. UU XADIIS KU YIRI ,QOF
ISLAAMA WAXA DANBI UGU FILAN INUU DULMO ,QOF ISLAAMA OOWALALKIIYA ,SUBXAANALAAH
YAAQARIYEY XAQA ALLAH , BAL WALALAYAL EEGA AAYADKAN ALLAH ST &
XADIISTA QAAR KA MIDA RASUULKEENII MUXAMAED,CST,EE INOO SHEEGAYA
HALKA UU ALLAH KA ABUUREY AADAMIGIISA & INAANEY JIRIN WAX KALA
SAREYNI SOW KUWA INAGA QARIYEY EE AAN XAQA ALAH ST, INDHAHA KA
QARSADEY MAAHAN ,CULIMA U DIINKAN , QEYB WEYNA SOW KAMEY QAADAN
QUURSIGA & DULMIGA ALLAH UU XAARAAN TIIMEYEY CULIMAA UDIINKU ,
Marka qofkii Ilaah isku taaga wuxuu Allaah milicsiiyaa meeshuu ka
yimid sida aayadaha Qur’aanka ugu horreeyaba xuseen:
أَوَلَمْ يَرَ الْإِنسَانُ أَنَّا خَلَقْنَاهُ مِن نُّطْفَةٍ فَإِذَا
هُوَ خَصِيمٌ مُّبِينٌ
Ilaahay wuxuu leeyahay miyuuna qofku arag oo u dhabbogelin inaan ka
abuurnay biyo waana isagooba ah doodbadane cad.
Bal Xaddiiskani oo Abuu Daa’uud soo saaray hanoo bayaansho meeshaan
ka nimid
قال رسول الله صلى الله عليه وسلم إن الله عز وجل قد أذهب عنكم
عبية الجاهلية وفخرها بالآباء مؤمن تقي وفاجر شقي أنتم بنو آدم
وآدم من تراب ليدعن رجال فخرهم بأقوام إنما هم فحم من فحم جهنم
أو ليكونن أهون على الله من الجعلان التي تدفع بأنفها النتن
Rasuulku (SCW) wuxuu yiri: ALLAAH CAZA WAJALLA wuxuu idin ka
tagsiiyey sheegsheega iyo isugu faanka jaahiliyadda aabbayaasha (qabiilka);
waxaa jira mu’min taqi ah iyo faajir hoogay; kulligiin ilmo Aadam
baad tihiin, Aadamna ciid baa laga abuuray; wey ka tagayaan niman ku
faanka qolo noqotay dhuxushii Jahannamo (mushrikiintii dhimmatay)
ama waxay Ilaahay agtiisa ka ahaanayaan kuwa ka liita xaar-walwaalka/doorshaanka.
Sidoo kale qofkii Ilaah ka baqa isaga laftiisa waxaa la milicsiiyaa
halkaan ka nimid oo ah aabbaheen Aadan iyo hooyadeen Xawaa laakiin
waxaa lagu sheegay inuu yahay kan dadka ugu sharaf badan. Bal
aayaddan cajiibka ahna aan ku darno:
يَا أَيّهَا النَّاس إِنَّا خَلَقْنَاكُمْ مِنْ ذَكَر وَأُنْثَى
وَجَعَلْنَاكُمْ شُعُوبًا وَقَبَائِل لِتَعَارَفُوا إِنَّ أَكْرَمكُمْ
عِنْد اللَّه أَتْقَاكُمْ إِنَّ اللَّه عَلِيم خَبِير
Aayaddu waxay leedahay: dadoow waxaan idin ka abuurnay nin iyo
haweeney waxaanna idin ka dhignay shucuub iyo qabaa’illo si aad
isugu garataan; qofka idiin ku sharaf badan Ilaahay agtiis waa
kiinna ugu taqisan.
Waa kee qofka noqon kara taqi? Wey dhici kartaa qof fidrada ku
taagan oo fahmay meeshuu ka yimid inuu noqdo qof wanaagsan hadduu
helo culumo fiican laakiin sida qaalibka ah taqwadu waxay rabtaa
cilmi iyo camal. Bal aan fiirinno aayaddii Ilaah ku lahaa:
نَّمَا يَخْشَى اللَّهَ مِنْ عِبَادِهِ الْعُلَمَاءُ إِنَّ اللَّهَ
عَزِيزٌ غَفُورٌ
Waxaa Ilaahay ka baqa adoomadiisa culumada ah.
Yacni waa baqdinta saxda ah maxaa yeelay qofka caalimka ah wuu u
jeedaa wuxuu sameynayo iney sax tahay iyo in kale halka qofka
caamiga ahi uu cid kale ku xiranyahay.
Marka haddaynu xaggii cilmiga ka gaabinnay waa ineynaan hilmaanin
halkeynu ka nimid. Marka qofka caalimka ah ma qabato maahmaahyaha
ah: fiqi tolkiis kama janno tago. Ama: tolkaa iyo kabtaadaba
bartankaa looga jiraa. Caalimkaasi ma aha kitaab-gaab oo sida
walaalo badan soo qoreen dhaha: haddii qabiilkeygu saxanyahayna waa
saxnahay hadduu xumaadana waan la xumaan. Laakiin caalimku wuxuu
maqlaa Ilaah. Waxyaalaha caalimku daliishado waxaa ka mid ah
aayaddan:
لَا تَجِدُ قَوْمًا يُؤْمِنُونَ بِاللَّهِ وَالْيَوْمِ الْآخِرِ
يُوَادُّونَ مَنْ حَادَّ اللَّهَ وَرَسُولَهُ وَلَوْ كَانُوا آبَاءهُمْ
أَوْ أَبْنَاءهُمْ أَوْ إِخْوَانَهُمْ أَوْ عَشِيرَتَهُمْ أُوْلَئِكَ
كَتَبَ فِي قُلُوبِهِمُ الْإِيمَانَ وَأَيَّدَهُم بِرُوحٍ مِّنْهُ
وَيُدْخِلُهُمْ جَنَّاتٍ تَجْرِي مِن تَحْتِهَا الْأَنْهَارُ
خَالِدِينَ فِيهَا رَضِيَ اللَّهُ عَنْهُمْ وَرَضُوا عَنْهُ أُوْلَئِكَ
حِزْبُ اللَّهِ أَلَا إِنَّ حِزْبَ اللَّهِ هُمُ الْمُفْلِحُونَ
Aayaddu waxay leedahay: ma heleysid qolo Ilaahay iyo Aakhiro
rumeysan oo kalgacal u haya dad ka horyimid Ilaahay iyo Rasuulkiisa,
dadkaasi haba ahaadeen aabbayaashood, ilmahooda, walaalahooda iyo
xigaaladooda ilaa dhammaadka aayadda.
Sidoo kale waxay maanka ku hayaan xaddiiskii nabiga (SCW) ee ahaa
qofna laguma adeecayo macsida Abuuraha. Marka duulkaas Ilaah ka baqa
cidna xumaan kuma raacaan haba ahaadeen dadka dad ugu dhow sida
waalid, wiilashooda iyo walaalahoodaba.
HADABA WALALAYAL ,WAXAAN DOODAN U SOO BANDHIGEY INAAD IGALA
QEYBGASHAAN WALALAHEYGA KA XOROOBEY JAHLIGA & AQOONDARIDA EE LEEH
,DAMIIR BINI AADANIMO , DAMIIR DADNIMO ,DAMIIR ISLAANIMO , INAY
ARAGTIDOODA CAAFIMADKA QABTA KA DHIIBTAAN ,WAXAA IMAAN WALEE ,MAALIN
AAN WAX LA QARIIN KARIIN ,XAQU II DILAACI , QOFKASTABA WAX LAGA
WEYDIIN NOLASHIISA ,MAALIINTASOO QABIIL WAX KUU TARYEN , EHEL WAX
KUU TAREY , TOL WAX KUU TAREYN , EE WAXA KALIYA EE QOFKASTA
BADBAADINAYA AY TAHEY ,KU DHAQNKA XAQA ALLH & MACALKA SUUBAN ,EE
WALALAYAL XAQA AYNU ISTUSNO HANA LAGA WAANTOOBO DHALANTEEDKA AAN
MEEL JIRIN ,
WABILAAHI TOWFIIQ
QORE(BARKHAD XAAJI CABDI ,MR GABOYE>
EMAIL:abokoriye1@hotmail.com
ONTARIO CANADA
|