Maxaad
Ka Taqaanaa Jaamacadda UTHM ee Dalka M alysia,
War-bixin Kooban oo Laga Diyaariyey

Jaamacada UTHM oo loogu magac daray Ra'iisul wasaarihii sedexaad ee
dalka Ma laysia Hussein Onn ayaa waxaa la furay sanadkii 1993
iyadoo wixii intaa ka horee yay ay ahayd college lagu barto
cilmiga teknikaalka. 2006-dii ayay wasaarada waxbarashada siisay
aqoonsi jaamacadeedka iyadoo laga badalay college-jaama cadeed.
Jaamacada waxay ku taala gobolka wayn ee Johore, kaas oo daris la ah
dalka Singapore. Waxay bixisaa kuliyado ay ka mid yihiin handasada (injineerin)
elect ariga, handasada soo saarka, handasada bay'ada, handasada
mekaanikada, hand asada dhismaha. iyo kuwa la mid ah. Waxay sidoo
kale jaamacada bixisaa kuliyado ay ka mid yihiin teknoolajiyada,
aqoonta teknikaalka, maamulka teknoolajiyada, macluumaadka iyo
multimediyaha.
Jaamacada waxay leedahay guryaha ay ardayda dagaan iyo dhamaan
agabka loogu tala-galay waxbarashada iyadoo takhasuska uu yahay
handsada, teknool ajiyada iyo teknikaalka. In ku dhow 8, 000 ayaa
arday ka ah jaamacadda. Qaadas hada jaamacada waa mid ku xiran
wasaarada waxbarashada dalka Malaysia, taa si semesterka hore ee
dhamaado bisha afaraad ee April halka qaadashada labaad ee
semesterka labaad uu dhamaado bisha November. isla jaamacadda iyadoo
ruu xii doonayo jaamacadda uu waraaqihiisa gaysan karo xafiiska
waxbarashada ee jaamacadda.
Jaamacadaan ayaa waxay jaamacadaha kale ee ka jira dalka Malaysia
kaga duw an tahay .Badanaa maadooyinka ay bixiso oo dhan ayaa
waxay u badan yihiin dhanka Injineerinka.
Jaamacadda labaad ee soo raacdana waa Jaamacadda la-yiraahdo
University Technology Malaysia (UTM.
Qiimaha jaamacada ayaa ah mid aad u jaban, Arday walbana waa qiimo
uu ku qa nci karo, sidoo kale Jaamacadda waxay lee-dahay ama
ay awoodaa Arday walbo oo ay aqbasho iney guri ay leedahay dejiso.
Xasan Cabdi Xersi (Xasan
Cadde).
Email: Kedis114@hotmail.com
Kuala Lumpur
Malaysia
|