Cajiib: Maxaad Ka Ogtihiin Mansabyada
Qarribmay Qarnigan!
Waxaa lagama maarmaan ah in qofka
beni’aadam ahi ahaado mid dhaadan saamaynta ay lee yihiin is-gedgdisa
hab-nololeedka bulsho ee uu ku dhex nool yahay. Maxaa yeelay seban
kasta oo ku soo maraa waxa uu leeyahay waayahiisa u gaarka ah, ee la
fal-gelaya qaab-nololeedka iyo koritaanka kala duwan ee dadku
samaynayaan.
Waxa imika la muquurtay wakhti ka duwan xilliyadii hore ee la soo
maray, waa qarnigii 21-aad, waxa uu la kawsaday calaamooyin iyo
muqaalo si weyn loo dareemayo. Meeshu waa deegaan lahaan jiray
hab-nololeedyo fac leh oo ay ku dheehan yihiin dhaqan, dhaqasho,
dhacadi iyo dhawrsoonaan xadkeeda leh. Waxaa la kala lahaa
mustaweyaal, maraaxil iyo mansabyo nololeed oo mid kastaaba
mudnaantiisa leeyahay. Waxaa jirtay badweyn-nolole ed oo ku
gaashaaman garasho, gacalnimo, gobnimo, ka gilgilasho, garawshiyo,
kala damba yn iyo karaamayn. Waxaa caaganayd is-dhex yaac,
is-burin, is-xumayn, is-ku-tumasho, is-ceebayn aan sabab lahayn, is-dilid
aan macne ku fadhidhin iyo is-fadeexadayn aan mabaa di’ adag
ku ku salaysnayn.
Intaas, haddii aynu ka nimaadno qaddarkaas guud-marka ah ee hummaaga
ka bixinayey q ormadan hal-ku-dhigeedu yahay “Cajiib: Maxaad
ka ogtihiin Mansabyada qarribmay qarni gan.” Waxa aynu toos u
dhex muquuranaynaa dulucda iyo falanqaynta nuxurka ay xamba
arsan tahay qormadani.
Ugu horayn qormadani waxa ay daaha ka rogaysaa waxyaabo karaamo,
sharaf iyo qiime wax-ku-ool ah bulshada ku-dhex-lahaa, hasayeeshee
imika uu karaamo-dhac iyo jiritaan-guur aad iyo aad u xumi uu la soo
dersay, kuwaas oo ah mansabyo dadka Soomaalida ahi si gaar ah u
xushmayn jirtay, iyada oo qofka meel kaga dhacaana uu kasban jiray
tallaaboo yin ad-adag oo noloshiisha laga qaado.
Marka laga hadlaayo Mansabyada Qarribmay Qarnigan, waxaa ay cid
waliba dareemaysaa in laga xog-waramayo waxyaabo karaamo iyo qiime
ku dhex lahaa bulshada oo hadda asal-guur sharafeed ku habsaday,
kuwaas oo ay sabab u yihiin qarribnaantooda hab-dhaqanka iyo
hab-nololeedka ay ku sugan yihiin dadka sebanka nooli.
Haddii aynu mid mid u soo qaadano Mansabyadaas qarribmay, waxaynu u
kala dhigaynaa qaybahan hoos kus xusan:-
1- Qiimihii Saldaladda oo saqiirtay: Haybadii iyo karaamadii
saldaladu waxa ay ku saqiirtay guud ahaan deegaannada ay Soomaalidu
degto gaar ahaan Somaliland, sababtoo ah waxaa soo shaac-baxday
ficillo la yaabkooda leh, kuwaas oo si xun u wiiqay haybadii iyo
sharaftii ay lahayd Saldladdu, oo runtii ah wax ay bulshadu ka wada
dheregsan tahay. Waxaa la ya ab iyo amakaag noqtay markii ay
soo if baxeen hal qabiil oo leh laba suldaan oo walaalo ah, kuwaas
oo ku yimi is-ku-xumayn iyo is-u-tanaasul la’aan ka dhex aloosantay
beesha ay ka soo jeedaan, oo ku heshiin waayay labada nin ee
walaalaha ah ka Suldaannimada loo calee mo-saarayo.
Waxaa sidoo kale soo ifbaxday inay saldaladii noqotay mid lagu
raadiyo dhaqaale iyo magac aan macne-weyn ugu fadhiyin bulshada,
taas oo sababtay in qof kastaaba ku hamiyo inuu Suldaan, garaad,
caaqil ama boqorimo loo caleemo-saaro.
Qarniyadii hore ee laga soo gudbay Salaadiintu waxa ay ahayeen kuwo
lagu soo hirto oo b ulshada ku dhex lahaa sharaf iyo sumcad
aan la qiyaasi karin, isla markaana doorkoodu ah aa mid si
weyn looga dareemayay bulshada dhexdeeda, iyaga oo kaalin-mug leh ka
qaadan jiray isku dubba-ridka iyo habaynta hawlaha qabiilka sida:
Nadabaynta, khilaaf-xallinta, isk u-xidhka bulshada dhexdeeda iyo
metelida magaca-guud ee beelaha ay ka soo kala jeedaan.
2- Qiimihii Waddaadnimada oo la sadqeeyey!
Waddaadadu waxa ay ka mid ahaayeen dadka loogu qaddarinta badan
yahay bulshada dh ex deeda. Waayo? Waxa ay ku qalabaysnaayeen
Kitaabka ilaahay iyo Sunnaha nebiga [NN KH], iyaga oo
muhiimada ugu weyn siin jiray inay dadka ku baraarujiyaan ku
camal-falka iyo ku dhaqanka awaamiirta diinteena suuban, isla mar
ahaantana be’ri ka ahaa loolanka siyaa sada ee
xukun-ku-dirirka ah iyo dagaalka macne la’aanta ah. Waddadasii
sidaas ahaan jir ay, ayaa maanta waxa ay safka hore kaga
jiraan xisaad aan xaalkeeda la qiyaasi karin, iya ga oo u
xusul-duuban inay mar uun gacanta ku dhigaan mansabyo siyaasadeed.
Waxaana arrintaa markhaati cad ka ah mushkilada foosha xun ee ka
taagan Koomfurta Somaliya, ta as oo in badan oo bulsho-weynta
muslimiinta ah ee caalamka ku nool ku reebtay fajac iyo amakaag, ka
dib markii ay soo if-baxeen Wadadaas xudun-ku-dirarayaasha ah, ee
xalaash aday inay dhiigooda daadiyaan, si ay u gaadhaan danahooda
siyaasadeed. Arrintanina wa xa ay horseeday milgihii,
meeqaamkii iyo miisaankii ay Wadaadu lahaan jireen in ay halkaas ku
baaba’do. Waxaana hal-haystu tahay “Qiimihii Waddaadnimadu waxa ay
ku sadqowday Koonfurta Somaliya.”
Mansabyada kale ee qiimahoodii qarribmay, isla markaana fool-xumo
aan la soo koobi karini ay dul hoganayso, waxaa ka mid ah: Qimihii
Abwaannimada oo sii dhuun-yeedhinaya, Qimihii Fannaanimada oo la
silciyey, Qimihii Saxafinimada oo soofdaran-habawbay, Qiimihii
siyaasada oo macnabeeshay; Qiimihii sport-ga oo ku-daayay iyo qaar
kale oo badan.
Prepared by: C/shakuur Xaaji Muxumed Muuse [Heersare]
Cabdiheersare01@hotmail.com
A Member of SIPSA GROUP [Somaliland
Independent Political and Socio-economic Analyzers]
Hargeisa/Somaliland
|