MAXAAD KA TAQAANAA TAARIIKHDA & XADAARADDA FACA WEYN EE MAGAALO
GANACSIYEEDA SOMALILAND EE TOG-WAJAALE

 


 

Weriyaha Caanka ah, Nimcaan Dheeg Ibraahim

 

"Tog-Wajaalihii baan tagayaa,Taamudka ahaaye, Toolmoonihii Muxumed ,ee aan tabayay ii yeedh, Xasan iyo Tujaar wehelisaan, tagi ag toodiiye, Jinkii Lacagta tuul tuuli jirey, toosi Gegedii,Tarbayow wakaa yidhi ,isagoon cidi tilmaamayn!!!
 

Tog-wajaale (TNN)-Tixdan oo ibo fur u ah warbixintan aan kaga xog waramayno waayihii dureed ee Taariikhda & Xadaaradda faca wey n ,ee Magaalada caanka ah ee Tog-Wajaale , oo ka mid ah Magaalooyin ka Qadiimka ah, ee ay ka soo farcameen kumanaan qof oo caan ka ahaa dalkii hore laysugu odh an jirey Soomaaliya, isla markaana, Abwaanada waaweyn ee Soomaalidu ka alifeen ama u alifeen in ka badan labaatan heesood ama Gabay, oo ay Tog-Wajaale erayadeedaa ku ladhan tahay.

Doobir Caga Bir , Doobir Caga Bir Doobir , ninkii garanayaa wuu garan, ka kalena waxaynu ugu faafahin doonaa boga danbe,hase yees hee aan nuxurka qoraalkan hordhac uga dhigo Guud ahaan cimilo ahaan iyo Juqraafi ahaan.

Magaalada Tog-Wajaale , waxay ku taalaa xuduuda u dhexeysa Somaliland iyo Itoobiya, waxey n a ku taalaa ban iyadoo, Juqraafi aha ana 5000 (Shan kun oo ft) Badda ka sareysa , waxaana h ad iyo jeer wakhtiyada jiilaalkii ka dhaca dhaxan, qabow aad ah , taas oo ay ugu wacan tahey jooga sare ee ay dhacdo oo ay kala mid tahey Magaalooyinka Sheekh iyo Ceerigaabo, waxaana lagu yaqaa naa carro madow,oo  aad ugu fiican dhinaca wax soo saarka Beeraha ,iyadoo xiliga gugii ee uu roobku da'o, aad loo beero Beeraha ku hareerays an deegaanka Tog-Wajaale, oo uu ka mi d yahay dhul beereedka Mashruuca Tog-Wajaale oo sanadihii todobaatanaad kii noqdey meelih ii ugu wax-soo saarka badnaa dalkii hore laysugu odhan jirey Soomaaliya ee dalaga haduudhka ,wax na ka baxa de egaankan xiliga gug ii Hadhuudhka,Galeyda,Heeda, Shumburada,Digirta, Sonkor khaanka, Khudaarta dhul jiifka ah ee ay ka mid yihiin Basasha, Baradhada, X ab xabka iyo dalagyo kale oo tira badan.

Hadaba ,hadeynu intaa ku dhaafno guud marka juqraafi ahaan iyo gaar ahaan biiada deegaanka Tog-Wajaale illaahay dhigay, waxa ka le oo aan hadana faafahin gaar ah ka bixinayaa xiligii ay unkantey bog cad ahaan dhinaca Magaalada iyadoo dhinaca kalena, deegaank a xoola dhaqatada iyo beeraleydu ay waligeed jireen sanadihii 1954kii ,ayaa Talyaanigu dhigay dhagax adag oo raasada ah uu ku sama ynayay jidka uu ku tagayo dalka Itoobiya , meesha hada la yidhaa Garbahaadley , oo dhinaca Galbeed shan kiiloo mitir ka xigta Tog-Waj aale ,taas oo markii dambe u soo farcantey dhinaca hada Magaaladu tahay ee ah labada Magaalo Tog-Wajaale. Dhina ca Itoobiya iyo T og-Wajaale dhinaca Somaliland, oo ay istaraatijiyad muhiima u kala ahaa dawladihii hore ee Soomaaliya iyo Itoobiy a, iyadoo dhinac wal iba Magaaladiisa xoojinayay isla markaana, soo martey waayo kala du duwan oo mid waliba waayihiisa lahaa, w axaana asal ahaan Tog Wajaale caan ku a heyd Afar Magac oo ay hore u soo martey taariikhdeeda Fog kuwaas, oo kala ahaa Garoon, Sabayar, Laanta-Curdin ka iyo magaca hada ay ku caana maashey ee Tog-Wajaale.

Inkastoo aanan qormadan kaga tageyn Odoyaashii,udub dhexaadka u ahaa Magaalanimada Tog-Wajaale ee bud-dhigey , hadana wax aan ku horeyn doonaa inta aan ka soo uruiyay in ka badan labaatan heesood ama Gabey ,oo ay ku jirto midhahooda Tog-Wajaal , anig oo ku bilaabaya .
 


 "Tog-Wajaale Qaadkii ka yimid tacab ku soo miidhney" C/salaan Xaaji Aadan, 1974kii

  "Dhulka lagu badhaadhee ,lagu beero Bederkiyo Beeraha Wajaale" Abwaan Hadraawi,1980kii.

  "Meeshiyo Wajaaliyo ilaa Woobliyo Surad" Abwaan Gaariye,1974kii.

  "Beerahaa Wajaaliyo ,Banka Gabadha joogtiyo ,meeday bilic wanaagtii" Abwaan Cabdi Qeys ."  1982kii

  "Dagaalkii Wajaaliyo Doolow ilowdaye, waxa maanta kaga daran hubka loo diyaarshaye"Xuseen Aw Faarax,1964kii

  "Dadka Reer Wajaaliyo ,markey dadari soo gaadho, daba yaaqaduun baan kacaa ,daadkii oo gudhay"Abwaan Cabdi Cilmi,1987kii.

  "Macawistii tagtaye ,intaan Kabaha la itaabin, Tog-Wajaale Cabdow Gaadhiga tagaya ii jooji " Abwaan Yoome,1975kii

  "Wadnihii jidhkeygiyo ,wehelkii nafteydaay, Wajaalaay ma nabad baa" Abwaan Aw Siyaad Jaamac Almis.

  "Wadada wacanee ,Wajaale tagtaay ,warkiyo ha igu gabin waraaqaha" Abwaan Xuseen Aw Faarax.

  "Buliyeey Shimbiryahay, Banka soo wareegoo, Beerahaa Wajaaliyo" Cumar Dhuule Cali.

  "Dariiqa Wajaale deyn maayoo dawada muruqaan u doontaa" Feysal Cumar Mushtiik.

  "Waxaad iila bilic tahay ,Beeraha Wajaaloo, intuu roob barqadii helay, Togagii burqanayaan"Maxamed Saleebaan Tubeec.

  "Burco iyo Banaan howd ,Boosaaso iyo Bari ,Beeraaha Wajaaliyo" Xasan Aadan Samatar.

  "Intaan waaqlihiyo, wareer kani dhicin ,Wajaale wanaagsaneydaa,"1977kii

  "Tog-Wajaale oo roob helay ,Xasiidii ku taalaay" Abwaan Mukhtaar Yeey.

  " Biyahaa jufada tuulan baan, tuumbo soo galine, markaan toban maqnaadaba ,wax baan tow la soo odhan, Tog-Wajaale waxaan ka dhigi tiirkii BaarliinIna Saalax Yacniile.

  "Tog-wajaalihii baan tagayaa ,Taamudka ahaaye, toolmoonihii Muxumed ,ee aan tabayay ii yeedh ,Xasan iyo Tujaar wehelisaan tagi agtoodiiye, jinkii lacagta tuul tuuli jirey ,toosi gegadii tar bayow, wakaa yidhi isagoon cidi tilmaameyn" Faarax Tumaal, 1965kii.

  "Maxaa laba is tabay, oo tix galin wadaagoo, isu talaalay Caashaqu, oo Todobadii balamayoo, markay amintii taagneyd ,Tog-Waj aale kala xidhay" Abwaan Mukhtaar Yey.

"Tog-Wajaale baabuuradii ,kama talaabaane,toban shilin ma helo baabuurkii u tanweynaa"Maxamuud Cawaale (Maxamuud-Galey)


La soco cadadka dambe iyo taariikhda Tog-Wajaale ................

 

 

 


Nimcaan Dheeg Ibraahim
Timacade News Desk
Tog-wajaale,Somaliland

 

 

 


Waxaad iila bilic tahay,Beeraha Wajaaloo,
intuu Roob barqadii helay,Baliyada xare
edii
,Togagii burqanayaan