Maxaa
Sababay dhibaatada haysata
Dhallinyarada Somaliland?

Hargeisa (Longlivesomaliland
News)-Dhibaatooyinka haysata dhalinyarada Soma
liland oo aad utiro badan waxaanu ku soo koobi
doonaa dhawr qodob oo gudhig u ah daraasadayadan aanu ku
soo bandhigayno Shabakada Longlivesomaliland
News, kuwaasi oo kala ah
qodobadan hoos ku qoran:-
Dhaqan-xumo
shaqo la’aan
Caafimaad xumo
Rajo la,aan.
Qodobka koowaad:- Dhaqaale xumadu wa astaanta dhibaatada
haysata dhalliny arada maanta. Waxayna keentay
dhibaato aad u wayn oo xalkeeda la isku dayin loona
haysan arin jirta haday tahay xukuumada Somaliland oo
aan Xil iska Saarin sidii kor loogu soo qaadi lahaa
Dhaqaalaha Wadanka si loo horumariyo Adeegya da Bulshada,
Sida Caafimaadka, Waxbarashada, Biyaha IWM. Taas oo
saldhig u noqotay in Wadanka looga hayaamo Musuqmaasuq
iyo Dhaqaalo xumo sababtay Tahriib iyo wixii la mid ah.
Qodobka labaad oo ah Shaqo la,aanta Baahsan ee Saamaysay
Bulshada Reer So maliland gaar ahaana Dhalinyarta
oo ah mustaqbalka iyo ubaxa dal kasta, oo mu dan
in Niyadooda la wanaajiyo, lagana Faa,iidaysto Awoodooda
Curdinka ah, Tusa ale Gaaban hadii aan ku siiyo
mustawaha Ardayda reer Somaliland waxa uu isugu jiraa
noocyo badan, Qaar ka mid ah ardayda ayaa Xaalkooda
nololeed illaahay u un ogyahay, qaarbaa Fee-ga wax
barasha ay ka bixiyaan Dadka qaraabadooda ah, badanaana
dhibka ubadan ee ay la kulmaan waxaa kow ka ah marka ay
Dugsi yada Sare Dhamaystaan ee ay Awoodi waayaan Fee-ga
Jaamacada oo runtii laga Qadimo Ardayga Hal semester oo
dhan marka uu ugu yaryahay 165$ oo ay dhe ertay
Registration Fee-gii 25$ taasi oo aanay awoodin qoysas
badan oo danyar ah, waxa taa ka sii daran Ardaygii oo
silic iyo dhibaato wax ku soo bartay marka uu dhamaysto
Jaamacadii ee uu waayo shaqo, intaas oo sano ku soo dhex
jiray silic iyo darxumo uu is lahaa marka aad jaamacada
dhamaysto abaalkii waalidku ayaad gudaysaa , waxa uu la
kulmayaa Dhibaato hor leh, Warwar iyo walbaxaar cusub oo
sababi karta inuu ku kaco falal Aan wanaagsanayn oo ay
dantu ku kalif ayso.
Shaqooyinka Somaliland ayaa Tixgalinta koowaad la siiyaa
Qabyaalada halka dar ajada labaad ay tahay garasho,
aqoonta badanaa la dhigo Xaga danbe, way jira an
Arday faro ku tiris ah oo Shaqo ku hesha nasiib iyo
wixii la mid ah laakiin marka aad ufiirsato Shirkadaha
waawayn ee Wadanka ka jira, hayadaha Dawliga ah, Ha
yadaha Caalamiga ah, iyo Shaqooyinka Xafiisyada Gaarka
loo leeyahay Dhamaan tood waxay ka simanyihiin
Arintaasi aan kor ku soo xusnay.
Qodobka Seddexaad ee Daraasadan waxa uu ka hadlayaa
Caafimaad Xumada wadanka Taala, iyada oo aanay jirin
Adeeg Caafimaad oo dhamaystiran oo loo fudiyo Bulshada,
hadii aan tusaale Gaaban ku siiyo akhriste bal ufiirso
Cusbitaalka Guud ee ugu wayn Somaliland ee Magaalada
hargeisa, Guud ahaan tayada qalabka iyo Adeegiisa
Caafimaad oo runtii marka aad aragto, Fajac iyo anfariir
aad kala kulmayso, taasi oo ay dheertay Dhibta haysa
qofka oo ka horayso in uu qadimo lacagta, inta aan Adeeg
loo fidin.
Tiro koobkii Caafimaad ugu danbeeyay ee ay soo saartay
Hay’ada Unicef ee ku saabsanaa Dhallinyarada oo
sheegayay in uu ahaa mid aad u heer sareeya kaasi oo aan
ku haboonayn Dhallinta xaga Caafimaadka. Tiro koobkaasi
inkasta oo ay ka danbaysay Laba Sanno hadana heerka
caafimaad ee Dhalllintu waa halkii iyo in kaban ayuu
taagan yahay wali, walaw, ay Hay’ado wadaniya oo ku
hawlan dhibta jirta. Laakiin, ma dheeli karaan
dhibaatada caafimaad oo dhan mana jiraan Barnaamijyo u
gaar ah oo ay samaysay Xukuumadu.
Waxaa iyaguna jira Xanuuno ku soo badanay Wadanka Gaar
ahaana Dhalinyara da ku waasi oo badanaa ku dhaca
maskaxda qofka bani,aadamka ah tusaale aha an,
waxaa soo badanaya Xanuunada warwarka iyo walbahaarka oo
badanaa ay sababto Duruufaha Dhaqan dhaqaale iyo Xaalka
Rajo la,aaneed ee marba marka ka sii danbaysa sii
xumaanaya.
Hadii aan udaadagno Qodobka ugu Danbeeya Gundhiga
daraasadan oo ahaa Rajo la,aanta wadanka ay ka muujiyeen
mustaqbalkii iyo Xoogii ugu badnaa ee wadan ku
lahaa, maalin walba badaha iyo Saxaaraha wadamada Libiya
iyo Sudan laga soo gurayo Maydkoodii, Taasi oo tusaale
kuugu filan rajada ay dhalintu ku qabaan Xukuumada
Wadanka haysta oo ku illawday Mustaqabkii Dhalinta sidii
ay ugu sii nagaadin lahaayeen Kursiga Madaxwaye Rayaale
iyo Xukuumadiisa oo kala wayn Masiirkii umada iyo
Qaranimadii iyo jirintaankii Somaliland-ba.
Waxaana sii xumaanaya maalinba maalinta ka danbaysa
Rajadii laga dhursugayay midho Dhalka Nadabada Socod
baradka ah ee ka hana qaaday 18-ka sanno Somaliland,
Taasi oo marka mudo la joogoba cagaha dhulka looga qaado,
dabadeedna lagu Xaliyo Sheeko Cusub oo loo yaqaano
Dhexdhexaadin aan midho dhal lahan.
Kuma soo koobi karo qaybtan oo kaliya Dhibaatooyinka
Baahsan ee Wadanka ya ala, kuwaasi oo ay ka
gaabisay Xukuumadu oo ay Taariikhda Somaliland ku
sunta ntahay Boog madawna ka noqon doonto mar ay
noqotoba, hadii aan wax laga qa ban mustaqbalka
Dhalinyarada ee Sida kubada loogu dheelayo.
Daraasad aanu ku samaynay iyo Baadhis farabadan oo aanu
ku ogaanay wax ba dan ayaa waxaa nooga soo baxay
in Wiilal iyo Gabdhoba dhibaatada wadanka la wada qabo,
haday tahay tahriibta iyo Ta balwadaha oo aan barigii
hore lagu arki jirin wadanka dumarku ku isticmaalaan
mukhaadaraadka, balse waxaa ku soo ba dana dadka
qurbaha ka yimi ama dhaqamo kale ka haysta meelo kale oo
badanaa saamayn ku yeeshay Dhaqankii wadanka ee aan lagu
aqoon dumarka mukhaadar aadka.
Guntii iyo Gabagabadii “dhalinyaradii dalkaygoo waxaa
dhaygag igu dilay Dhalintii dalkeenoo laga dhaarshay
dheeftee”. Duruufaha iyo Dhibta Adag wadanka ku haysata
Dhalinta mar uunbaa laga bixi doonaa laakiin waxaanu
talo ku soo ururinaynaa Samraa Sadkii helee wadanka ha
loo Samro, illaahayna waxaan ka baryayntaa Maamul Toosan
iyo Hogaan Fiican oo Rajada Wadanka Soo nooleeya.
Wa bilaahi Tawfiiq

Nimco Muxumed
iyo
Naciima Yuusuf
Longlivesomaliland News Media
Qaali540@hotmail.com
naciimahappy@hotmail.com
Hargeisa
Somaliland |
|