Maxaa Laga Bartay Ololayaashii Doorasho Ee Somaliland Soo Maray?



 

Tan iyo intii dalka Jamhuuriyadda Somaliland ay ka hir gal een nidaamka dimuquraadiyadda iyo hanaanka Xisbiyada badan, waxaa ka qabsoomay doorashooyin kala duwan, kuwaas oo kala ahaa doorashadii Golayaasha  Deegaank a, Madaxtooyada iyo tii ugu danbaysay ee Golaha  Wakiill ada lagu soo doortay.

Seddixdan doorasho ayaa s/land u furay b`og cusub oo soo jiitay indhaha caalamka isla markaana yididiilo iyo farxad galiyey shacbiga reer S/land, is la markaana waxay guulaha doorashooyinkaas laga gaadhay si gaar ah u taabateen Geesiyaashii u soo halgamay dib-u-xorayntii S/land, kuwaas oo ku diirsaday markay arkeen muuqaalka midhihii halgankooda. Inkastoo  aa nay doorashooyinkaasi ahayn kuwo lagu wada qancay natiijadoodii gaar ahaan tii m/tooyada oo qaar ka mida axsaabta siyaasadu ku eedeyen  xuk u umada inay ku shubatay doorashada wallow ay aqbaleen ugu danbayntii iyaga oo sheegay inay u tanaasuleen danta shacabkooda.

Si kastooy ay ahaayeenba doorashoyinkaasi oo u muuqday wax ku cusub Indhaha dadka reer Somaliland laguna galay dardar iyo ololayaal aan laysu yaraysan ee ay Xisbiyadu bulshada qaybaheeda kala duwan ku kala  jiidan ayeen, haddana waxay noqdeen Doorashooyinkaasi Dayax u soo baxay  g uud ahaanba Jamhuuriyadda Somaliland. Hase-yeeshee, su’aasha  isweydi inta mudani waxay tahay, Maxaa laga bartay ololayaashii doorasho ee S/land soo maray?

Shacbigu waxay ka korodhsadeen waayo aragnimo iyo khibrad saraysa oo ay u yeesheen sida wax loo doorto iyo sida ay Xisbiyadu u tartamaan. Sidoo kale Siyaasiyiintii tartamayay ee kala hogaaminayay saddexda Xisbi ee UDUB, KULMIYE iyo UCID oo ahaa Xisbiyadii sharci ahaan sida kulul ugu soo tartamay doorashadii Madaxtooyada iyo Golaha Wakiillada, halka tii Golaha Deegaanka ay ka tartamayeen lix Urur-siyaasadeed oo saddexdan Xisbi oo uga soo gudbeen ka dib markii ay heleen cododkii ugu tirada badnaa ee dawladaha hoose.

Haddaba, haddii aynu tusaale u soo qaadano doorashadii ololihii loo galay tartankii doorashada Madaxtooyada oo uu aad u kululaa, isla markaana  X isbi kastaa aanu awooddiisa siyaasadeed waxba kala hadhin, ayaa waxay Xisbiyahannadu ku soo bandhigayeen balan-qaadyo aad u badanaa, in  mi dba midka kale ka siyaasad fiicnaan doono, kana waxqabad fiicnaan doono haddii la doorto, talaabooyinkaas oo ay dadka taageero kaga raadinayeen qaybaha kala duwan ee bulshada, una hanan lahaayeen quluubta  dadwe ynaha, midbana midka kale uga taageerayaal badnaan lahaa. Sidaa  darte ed waxay ku khasbanaayen inay iska dhagaystaan durbaanada  siyaasiyii nta oo marba mid jaleecaan waxay sidii ahaataba waxa soo gabagaboobay daybayshii Ololaha ee dhaga barjeeyey shacabka ka dib markii uu  dooras hada helay Madaxwayne Daahir Rayaale Kaahin oo ka guulaystay  Mushar ixiintii KULMIYE iyo UCID ee la tartamayay wakhtigaas.

Markii laga soo jeestay doorashada waxa ay dadwaynuhu u  han way naa yeen inay mar uun heli doonaan balanqaadyadii badnaa ee Madaxweynaha guulastay, waa Rayaale e’ xataa hadii la wada waayo waxay filayeen  qaa rkood uu hirgelin doono, hase ahaatee, waxay eegaanba oo ay sugaanba balanqaadyadii xukuumada Rayaale oo ay ka mid ahaayeen
:-


1.In magaalada dakada ah ee Barbara laga dhigo sida dubia kale mid caalami ah

2.In Berbera loo sameeyo guri kasta qaboojiye

3. In gobolka togdheer laga badalo lacagta giin baarta ah ee la dagtay dhaqaalaha Gobolada bariga S/land.

4. In la furo ganacsiga suuqa xorta ah Iyo qaar kale oo badan oon aan qalin lagu soo koobi Karin.

Balse su’aashu waxay tahay ma fuleen balanqaadyadaa Madaxweyne  Ray aale kaga soo gudbay dabaylihii ololayaashii Xisbiyadu ku jireen  doorasha da ka hor? Haddii aynu si xaqiiq ah uga jawaabno su’aashaas, jawaabtu  w aa maya bal aynu eegno intaa aynu ka soo qaadanay balanqaadyadaa  ma anta siday yihiin Magaalada Berbera waxaad moodaa tuulo wakhti hore  la ga guuray, isla markaana goobo laga helo adeegyada bulshadu waa kuwo liita oo waxa xidhan cusbitaalkii Berbera, dadka ku dhaqan intooda badani ma helaan daryeel caafimaad oo ku filan, taasoo dadku ay wejihi karaan khatar caafimaad darro oo hesha.

Dhinaca kale Dekada oo ah isha dhaqaale ee dalku leeyey ayaa iyana u muuqata mid ku dhaw inay xidhanto, ka dib markii hoos u dhac weyini ku yimi waxyaabihii ka dhoofi jiray oo uu kaw ka ahaa Xoolaha oo laf dhabar u ahaa dhaqaalaha Somaliland, ka dib markii ay Xukuumadda Rayaale ay kooto ugu xidhay Ganacsade Carbeed, halka ay Berbera Maamulka hadda jira ka hor ahayd Magaalo firfircoon oo iftiimaysa xooluhuna si isdaba jooga ay uga dhoofaan.

Waxa kale oo xusid mudan, isla markaana aan la ilaawi Karin, lacagta  Gii nbaarta ah ee Gobolka togdheer laga isticmaalo oo tiraba dhawr jeer lagu soo daray Miisaaniyadda Qaranka in laga bedalo, balse aan ilaa hada laga badalin. Qodobadaas tusaale ayaan u soo qaatay, hase ahaatee, lama soo koobi karo balanqaadyada Xukuumadda Rayaale looga fadhiyay inta ay talada hayso inay qabato ee aanay far u dhaqaajin, isla markaana waxay ka fadkudisay meelo aan looga fadhiyin.

Isku soo wada-duuboo, dadka reer Somaliland intooda badani waxay u  mu uqdaan kuwo aanay ka daahnayn balanqaadyada ay Madaxweyne  Rayaa le iyo Xukuumaddiisa uga fadhiyeen ee ay ka waayeen iyo inta ay ka  hele en. “Mar Idage isaga ayaa I dagay, mar labaad I dagana Aniga ayaa isu dagay.” Weedhaasi waa mid ka mid ah Xigmadaha dadka Soomaaliyeed ay isticmaalaan qof mar khiyaamiiyay marka ay la hadlayaan ama ka  hadlaya an. Cashar kasta oo ay dadweynaha reer Somaliland ololayaashii  doorash ooyinka iyo balanqaadyadii dhex socday ay ka barteen waxay si aan  mug ddi ku jirin u iftiimi doonaan marka laysugu soo noqdo doorashada  Madax tooyada ee la filayo inay dalka ka qabsoonto 27-ka September 2009-ka oo waxyari inaga xigaan. Iyada oo dad badani ay dhawrayaan Wejiga ay  Mad axweyne Rayaale iyo Ciyaaryahanadiisu dadweynaha ay kula soo noqon doonaan ololaha soo socda.
 

 

 

Muuna Casayr Jaamac
Hargeysa Somaliland
E-mail:munacasayr@hotmail.com