MAXAA HORTAAGAN SOO AFJARIDA KHILAAF KA DEEG
AANKA CEEL BARDA ALE,SIDEE AYAY SE SAXAAFADA
QAARKOOD UGA WARBIXIYAAN
 
Run ahaantii ma aha wax lala
yaabo mana aha wax ku cusub dadka reer somali land in isku dhac dhex
maro laba beelood oo isku degaan ah,kaas oo keena dhim
asho,dhaawac iyo bur-bur dhaqaale,laakiin waxa wax lala yaabo ah
isla markaa na ceeb ah dal gebi ahaantiiba laga waayay cid xal
u hesha markay dhacaan dhi baatooyin noocan oo kale ah.
Sida aynu ka wada warqabno waxaa mudooyin badan soo noq-noqonayay
dag aalo u dhexeeya labada beelood ee wada dega deeganka
ceel-bardaale khilaaf kaas oo uu sababay muran dhul kaas oo
keenay khasaare naf iyo maalba leh isla markaana abuuray tiiraanyo
iyo colaad beelaysan oo muddo badan raadkeedu sii muuqdo goobtiina
waxay noqotay meel colaadi ragaadisay oo aynu odhan karno waxay
noqotay xaaladii ISRAAIIL iyo FALASTIIN oo kale xalka loo waayay
awgee d.
Ma aha wax uu u adkaysan karo damiir fayaw oo leh dareen feejigan
dhagar iyo barakac maalin walba ka dhacda qaybo ka mid ah dalka
inteena kalena barwaaqo iyo sareedo aan ku noolaano isla markaana
aan ka dhago-adaygno xal u helidee da,waxaa astaan iyo hal-ku-dhig
inoo ah ee ay S/landna aduunka kaga
horuma rtay dhismaha Nabada iyo Dimuqraadiyada,balse haatan
taasi ma soconayso oo aduunka kagama iibin karno.
Arintan deegaanka Ceel-bardaale ee u dhaxaysa labada beelood ee
walaalaha ah waxay ahayd arin in mudo ah soo jiitamaysay, waxaa
kaloo jiray kulan odaya al oo dhawr jeer qabsoomay,isla
goobtaas khilaafku ka jiro kuwaas oo cuqaal ahaan iyo salaadiin
ahaanba uga arinsaday so oaf-jarida khilaafkan nasiib daro waxba
kamay hirgalin kulankoodii iska daba dhacayay xataa may ugu yaraan
noqon mid baajin kara dagaal maalin kaliya dhaca waa yaab!!!!
Ma cuqaashan iyo salaadiintan
ayaan ahayn kuwii hore u talin jiray mise xilka ay ay kusii
meel gaadh ahaan ugu sii hayaan cuqaashii talin jirtay ee dhabta
ahayd iswaydiintu se waxay tahay ma cidbaa jirta ay caqabad ku
noqonayso hadii mur ankan la soo af-jaro
labadan beeloodna runta loo kala sheego iyadoo
amar dawl adeed lagu fulinayo
mise waxaa loo raadinayaa xal dalka dibadiisa ka imanaya oo way
dhaaftay heerkii aynu ka talin jirnay.
Hadaba saxaafada dalka qaarkood ayaa
iyagana la odhan karaa waxay ka qayb qaataan hurinta colaadaasi u
dhaxaysa labadaa beelood ee walaalaha ah, kuwa asi oo ku dhaqma wax
ka baxsan saxaafada sharcgeedii isla markaana aan waaf aqsanayn
cadaalada.
Haddii aan tibaaxo waxaa website-yada
arintan sida bilaa dhaqanka ah waxa ug a qoray laga leeyahay
deegaanka Gobolka Awdal,website-kaasi
oo lagu magaca abo
Lughayanews.com.
Waxay ahayd markaan galay website-kan lagu magacaabo
Lughayanews.com. 21/09/2009 goor
habeen-nimo ah aniga oo markaa akhriyay war uu kaga hadl ayay
dagaal dhexmaray labada beelood ee halkaasi ku dagaalmaya,war uu
arin taasi kaga hadlayay ayaa u muuqday mid taageero ah isla
markaana uu muujin ayay in uu cagan u fidinayo beesha ay isku
haybta yihiin isaga oo soo qaatay w ar ahaa in dhamaanba cida ku
dhimatay dagaalkaa labada beelood dhex maray dhamaanba cida dhimatay
iyo cida dhaawacantay ay yihiin waxa uu ugu yeed hay
gardaroolayaasha,dad
qalatada,iyo qas wadayaasha reer
Gabiley,halka uu ugu yeedhay beesha ay isku haybta yihiina
beesha reer dilla ee laga gar daran yahay.
Fidinta hadaladan aan macnaha
lahayn iyo cambaaraynta uu webku dusha ka sa aray guud ahaanba
mujtamaca reer Gabilay ayaa ah mid aan loo dul qaadan Ka rin,isla
markaana ka baxsan axshixii saxaafada iyo guud ahaanba hanaankii ay
s axaafadu uga war bixin jirtay dagaal meel ka dhacay.
Waxaana uu u haystaa web-ku warkaasi uu qoray horumar uu gaadhay oo
uu k aga horayn doono gebi ahaanba saxaafada ka jirta dalka aqoon
la'aan haysata awgeed.
Hadaba website-kan oo ku kacay fal danbiyeed ah qaybinta,kala
fogaynta, iyo magacyo u bixinta shacab meel kuwada nool oo khilaaf
yar oo la xalin karaa dhe xyaalo ayaa waxay tahay mid la odhan
karo website-kani ma meteli karo isla mar kaana kuma hadli karo
mansab saxaafadeed,ilaa inta uu joojinayo arimaha noo caas oo
kale ah.
Geba-gebadii maqaalkaygan waxaan soo jeedinlahaa laba afar qodob oo
aan la ba ka mid ah u soo jeedinlahaa xukuumada somalialnd,labana
website-kan ka baxay shaqadii lagu yaqaanay sxaafada.
Xukuumada Somaliland waxaan u soo jeedin lahaa;
1:In ay si dakhso ah isla markaana ka
muuqato hab dawladeed u dhamayso arin u dhaxaysa labada beelood.
2:In waxkasta oo ay isku hayaan labadan
beelood lagu dhameeyo wada hadal
Waxaan usoo jeedin lahaa dhamaanba saxaafada;
1:Waa in uu webka waxan qoray xaal mrin
ka bixiyo ilayn waa uu gefaye,oo beel dhan ayaa uu ku tilmaamay dad
qalato.
2:Waa in ay warbaahintu warbixinahooda
ku aadan colaada u dhaxaysa labadan beelood ee degaanka
Ceel-bardaale ,marka ay waxa ka qorayaan si aad ah uga
fiirsadaan,waxna uga sheegaan si dhex-dhexaad nimo ah.
By:Fu'aad Xaashi Axmed
E-mail: fu,ad77@hotmail.com
Tog-wajaale Somaliland
|