Maxaa keenay dib u dhacyadii faraha badna ee doorashada

 

 

Maamulka Somaliland

Golaha Gurtida

Golaha Fulinta

Golaha Baarlamaanka



Sawirkan dushu waxa uu mujinayaa habka ay u dhisantahay Dowladnimada Somaliland. Waxa aan u soo qaatay in aan ka bixiyo in yar oo faalo ah. Si aan u qeexo habka loogu talagalay in ay u shaqayso dowladnimadu. Hadaba inta aanan galin waxa aan uga socday qoraalkan. Ann sadexda gole midba gooni u qaadano masuuliyadiisu waxa ay tahay:

1. Golah Wakiilada ama Baarlamaanka: waa xubno ka wakiil ah dadweynaha, waana qaybta 1AAD ee xeer dajinta dalka, ansixinta xeeerarka, ogolaanshaha iyo ilaalinta siyaasadda guud ee  hoggaa minta dalka. Sida ku cad qodobka 39aad ee dastuurka dalka.


2. Golaha Guurtida: golahan oo ah golaha Odayaasha waa qaybta 2AAD ee xeer dajinta, waxaana y dib u eegaan xeerarka ka soo baxa golaha wakiilada intaan Madaxweynaha loo gudbin. Wuxuuna gaar u leeyahay dajinta xeerarka ku saabsan Diinta, Dhaqanka iyo Nabadgalyada. Sida ku cad qod obka 57AAD ee dastuurka dalka.

3. Golaha Fulinta: Waa xubin ka kooban Madaxwenaha, Madaxweyne ku xigeenka,iyo golaha  Wasii rada. Wa xubin ka gaar ah kana madaxbanaan xeer dajinta iyo Garsoorka. Waxxanay  qaabilsanyi hiin fulinta iyo higalinta shuruucda dalka. Sida ku cad qodobada 80AAD, 81AAD iyo82AAD ee  das tuurka dalkka

Hadaba inta aan kaga gudbo qeexidii hawlaha golayaasha, oo aan u gudbo nuxurkii qoraalkan oo ahaa maxaa sabab u ah in doorashooyinka dalku mar walba ay dib u dhacaan. Hadii aynu dib u  ee gno doorashooyinkii Somaliland oo dhan taniyo intii ka dambeeysay la soo noqoshadii  xornimad ee na.Waxa caado inoo noqotay had iyo jeer in doorashooyinka dalku ay dib u dhacaan oo qabsoomi waayaan wakhtigii loogu talagalay wax kastaba sabab ha looga dhigee. Tasina waxay meelkadhac ku tahay dastuurka dalka u yaal iyo shacbi weynaha reer somalilandba. Sida darted waxa ay ila noqotay in aan dadweynaha reer Somaliland ku baraarujiyo in arintan ay wax ka qabtaan. Doodna aan halkan uga furo , si loo lafo guro bal dhibaatadan cida ka masu’l ah. Si aynu xal ugu helno  dhib aatadan iyad ah.. waxay ila tahay in aynu dooda ka amba qaadno su’aalahan. Su’aaluhu waxay yihiin.:


Maxa dib u dhaca doorashooyinka  keenay?

Ma maamulkaa xukun jacayl dartii u luga jiidanaya?

Ma axsaabta mucaaridka ah aya war war iyo walaac ka galay habka loo gaban doono dorashooyinka, oo ayaga ayaa hortaagan?

Ma Tignolajiyada cusub ee aynu isticmaalnay ayeynu u maara weynay?

Ma gudiyada dewaangalinta iyo doorashooyinka ayaan aqoon iyo karti midna u lahayn hawlaha loo diray?

Hadaba waxa haboon in aynu doodeena ka amba qaadno su’aalahas, oo aynu saaro dambiga cida iska leh, ee aanay ka dhaxayn dadka oo dhan. Si ay u naqoto go’aan keena xal waara, digniinna u noqda cida walba si aanay arrintaas oo kale mar dambe cidi ugu dhiiran, oo ay ugu noqoto digniin cid walba oo dalka mas’uuliyad u qabataba. Waxa ann dadweynaha doodan ka qaybgalidoona  xas uusinaya in ay ka digtoonaadan in aanay arintani noqon sanduuqii xidhnaa ee marki la furay shar mooyee khayrba ka soo bixi waayey( The Pandora Box). Oo dadku si xilkasnimo uga doodaan  aya ga oo aan cidnaba aflagaado iyo afxumo u gaysanayn.


Wa bilaahi towfiiq.



 

 

Cali Axmed Sh. Musa
Email : golwaraabe@yahoo. Co.uk
London UK