"Mawqifkayagii Waxba
Iskama bedelin" Faysal Cali Waraabe

Guddoomiyaha xisbiga Mucaaradka
ah ee UCID Md. Faysal Cali Waraabe, ayaa saddexda xisbi qaran ugu
baaqay inay wada jira uga shaqeeyaan sidii ay doorashada
madaxtooyadu ugu qabsoomi lahayd wakhtiga cusub ee ay koomishanka
doroashoyinku u cayimeen, waxaanu ku taliyay in xisbiga aan weli
saxeexin soo jeedinta koomishanka ee doorashada madaxtooyadu uu
qallinka ku duugo.
Md. Faysal Cali Waraabe, oo isaga oo jooga magaalada London ee dalka
Ingiriiska xalay u waramay Wargeyska Geeska Afrika, waxa uu kale oo
uu tallo ku soo jeediyay in la isu yimaado oo wada jir looga tashado
qaddiyadda la xidhiidha dhammaadka mudada xukuumadda oo ku eeg 6
April, "Mawqifkayagu waa halkayagii, laakiin waxaanu leenahay hala
kala saaro oo wakhtiga qorshaha ah ee ay koomishanku soo jeediyeen
hala saxeexo, si aan wakhti u lumin. Laakiin dawladu waa inay
ogaataa markay mudadu dhammaado bisha dambe in wakhtigii ka
dhammaaday, maadaama oo aanu sharci oolina waa in laga tashadaa
laakiin inaad madax adkaato maaha ee waa inaad ogolaataa in laga
wada tashado." Ayuu yidhi Faysal Cali Waraabe.
Faysal Cali Waraabe, oo la weydiiyay inay Madaxweyne Rayaale ku
kulmeen magaalada London ee dalka Ingiriiska waxa uu ydihi, "Maya,
maanu kulmin, markii aanu xukuumadda ku nidhi koomishanka iyo
diiwaangelinta halaga wada tashado wuu diiday inuu nala kulmo,
markaas maxaanu ula kulmaynaa markuu London yimaado."
Md. Faysal Cali Waraabe, waxa la weydiiyay sida uu u arko aragtida
odhanaysa marka ay mudadu ka dhammaato xukuumadda waa in tallada
lagu wareejiyaa goleyaasha qaranka, waxa uu yidhi, "Goleyaasha
Qaranka Loo dhiibi maayo oo sharci qorayaa ma jiro ee waa laga
tashanayaa arrintaas. Waa in wakhtiga koomishanku soo jeediyeen la
saxeexaa si koomishanku hawlihiisa u sii wato lagana doodaa marka uu
wakhtigu ka dhaco dawladda wixii laga yeeli lahaa. Laakiin maaha in
la xayiro diyaar garawga doorashada, cidda xayirtaana iyadaa hadhoow
masuuliyada dib u dhaca wax ku yeelanaysa. Xisbi kastaaba waa inuu
waajibaadkiisa ka soo baxaa, maaha waajibaadaadkiisa inuu cid kale
ku canaanto."
Ugu dambayn Faysal Cali Waraabe oo la hadlaya saddexda xisbi Qaran
waxa uu yidhi, "Saddexda xisbiba waa inay si deg deg ah isugu
yimaadaan oo ay u wada saxeexaan wakhtiga la qoondeeyay si lacagta
la inoogu fasaxo. Waxaan soo jeedinayaa in ka hor 6 April la isu
yimaado oo la wada tashado, haddii wakhtigaas ka hor la isu iman
waayo annagu dawladda waanu kala noqonaynaa kalsoonida oo xukumadaas
ma ictiraafsanin, haddii ay labada xisbi kala noqdaana waa qayral
sharci oo cidna la macaamili mayso."
Wargeyska Geeska Afrika
|