Marxuuma Nuura Maxamed Cali
Nuura Maxamed Cali(Nuura
Happy) oo Caawa
shil Baabuur
ku geeriyootay
Nuura Maxamed Cali
ayaa ahayd gabadh uu
Ilaahay Hibo u siiyay
samaynta Suugaanta gaar ahaan
gabbayada iyo Habka wax
qorida. waxaanay
ka mid ahayd
Naadiga Akhristayaasha Burco ee Halkaraan..
Hargeysa (Longlivesomaliland
News) Alle Ha u
naxariistee waxa caawa fiidkii ku geeriyootay shil baabuur
Nuura Maxamed Cali
(Nuura Happy)
oo ka tirsa nayd Naadiga Akhriska Burco ee Hal Karaan.
Shilkaasi Baabuur oo ka dhacay irirdka bari ee laga soo galo
magaalada Sheekh. Waxaanay Marxuumadu ah ayd qofka kaliya ee
ku geeriyooday shilkaasi. Waxana waqtiga shilkani dhac ay
gaadhi ay saarnayd ku weheliyay Dirawalkii Gaadhigaasi oo isagu ka
bad baaday Shilkaasi.
Sida wararka halkaasi naga soo gaadhayaa ay sheegayaan waxa
Marxuum adu ay hawl shaqo ugu socotay Magaalada Sheekh, halkaasi oo
sida la shee gay ay Buugaag u siday Naadiga Akhriska ee Sheekh
oo ay xaruntiisu tahay magaalada Sheekh.
Waxa wararka ay intaasi ku darayaan in waqtigii uu shilku dhacay ay
mara yeen duleedka Magaalada Sheekh gaar ahaan halka laga soo galo
Magaala da sheikh iyaga oo uu gaadhigoodu ku socdo Xawaare aad u
sarreeya.
Gaadhiga ay
saarnaayeen ayaa wararku sheegayaan in uu ku dhacay Gaad hi
dhayne ah oo ku xummaaday waqtigaana aanu gaadhigaasi laydhadhku u
shidnayn,
Alle Ha u naxariistee Marxuumadu markii uu shilku ku dhacay waxa
loola car aray
Cisbitaalka Magaalada Burco
halkaasi oo ay ku geeriyootay.
Nuura Maxamed
Cali ayaa ahayd
gabadh uu
Ilaahay Hibo u siiyay
samaynta Suugaanta gaar
ahaan gabbayada iyo Habka wax qorida.
Dhammaan
Maamulka,
Shaqaalaha,
Wariyayaasha
iyo Hawl-wadeenada Sh abakada Wararka ee Longlivesomaliland
News
, waxa ay tacsi u dirayaan Q oyskii iyo Qaraabadii gaar ahaan
Naadiga Akhristayaasha
ee Hal Karaan
ee Magaalada
Burco , geerida
ku timid
Marxuumadaasi Nuura Maxamed Cali.
Ilaahay ha u
naxariisto
oo ha u Nuuro
Xabaasha
iilka Neecaw
udgooniyo
ha ku siiyo
Naruuro.
Aamiin…
Aamiin…
Aamiin
Mustafe Future
Longlivesomaliland News
Hargeysa Somaliland
|