Marxuum: Aamina Cabdilaahi Cigaal
Anigoo ku hadlaya magacayga , Maxamed Cali Muse , magaca dhammaan hawl wadeenada Bahda LONGLIVESOMALILAND NEWS MEDIA , waxaan tacsi u diraynaa , walaalkayo Mohamed Abdi Hassan (diridhaba) , oo habaryartii , Aamina Cabdilaahi Cigaal , ku geeriyootay carriga Ingiriiska. Waxaa kale oon tacsi taa la mid ah u diraynaa , qoyskii ,caruurtii, qaraabadii , eheladii, iyo dhammaan tafiirtii Cabdillahi Cigaal , meel kasta oo ay joogaanba.
|