Guddomiyihii Rugta Ganacsiga Somaliland,marxuum Cabdira xman Faarax Sugaal oo goordhaweyd ku geeriyood ay magaalada Hargeysa

 

Hargeysa March 7,2011 (TNN)-Ilaahay naxariistii janno fardawsa ha ka waraabiye,waxaa goor dh aweyd  ku geeriyooday magaalada Hargeysa, Guddoomiyihii Rugta Ganacasiga,Warshadaha iyo Be eraha ee  Somaliland (Somaliland Chamber of commerce, Industry and Agriculture) , marxuum Cab diraxman Faarax Sugaal.

Marxuum Cabdiraxman Faarax Sugaal , wuxuu ka mid ahaa maal qabeenada ugu waaweyn Dalka  Somaliland,waxaana  lagu xasuusan doonaa  deeqsinimadiisii , samo falkiisii , qaybtii libaax ee uu ka soo qaa tay halgankii , dib u dhiski , nabadeyntii   iyo horumarinta Qaranka Somaliland.

Dhammaan Bah weynta Timacade News Network (TNN) , ee ku kala sugan dunida dacaladeedeedu, waxaanu tacsi tiiraanyo leh u diraynaa qoyskii,caruurtii,ehelkii,qaraabadii,gacalkii, asxaabtii iyo dh ammaan Qaranka  Somaliland, ee ku baxay marxuum  Cabdiraxman Faarax Sugaal.

Waxaan Allaha weyn uga baryaynaa inuu janno Fardawsa ka waraabiyo,dhammaanteenna samir iyo iimaan innaga siiyo,Aamiin.

 

Timacade News Network (TNN)