Marxuum Cabdillahi Oomar Cawaale

 

Anigoo ku hadlaaya magaca Ururka Somaliland Democracy Shie ld, iyo magaca reer Cabdi Carwo, iyo kan xaaskeyga Amaal Cum ar Carte , waxaan tacsi u dirayaa xaaska, ubadka, tafiirta kale, ehelka, qaraabada, xigaalka, iyo asxaabta uu marxuumku ka te gay meel kasta oo ay joogaanba . Sidoo kale waxaan tacsi u dira yaa Shacbi weynaha Soomaliland, gaar ahaan Gobalka Maroodij eex ee uu ilaa xiligii isticmaarka kaalinta koowaad kaga jiray dhismaha bulshada.

Alle ha u naxariistee
Cabdillahi Oomaar Cawaale waxa uu ku gee riyooday maanta 07/06/2009 magaalada Hargeysa ee xundhurta u ahayd. Cabdillahi Oomaar waxuu ka mid ahaa asaasayaashii ur urkii xoriyad doonka ahaa ee NUF, waxuuna ahaa isaga iyo Axm ed Yuusuf Ducaale iyo Alle ha u naxariistee Axmed Jimcaale rag gii hirgeliyey warbaahintii jaraa'idka ee ugu horreysay Soomalila nd 50naadkii kolkay aasaaseen jariidadii Al-Liwaa ee af carabig g a ku soo bixi jirtay.

Waxuu Alle ku hibeeyey ganacsaiga oo uu u leexday xoriyaddii k a dib, isagoo aqoonsanaa in hadafkii siyaasadda uu gaadhay loon a baahan yahay dhismaha dhaqaale iyo shaqo abuur bulsho. Sana dadii lixdanaadka waxuu ahaa ragga siyaasadda xagga dambe k a wada oo uu hormood muuqda ka ahaa dawladihii ay hogaamin ayeen Cadbirashiid iyo Cabdirisaaq. Waxaa loo yaqaanay nin hog gaanka soo saara ( King maker).

Cabdillahi Oomaar waxuu muujiyey dal jaceyl aan xadkiisa cid k ale gaadhin. Waxuu u soo guuray dalkan Ingiriiska 1970kii ilaa m aalintaasna muu qaadan baasaaboor ajanibi ah. Kolkii Soomalila nd xorowdayna waxuu goostay inuu dib ugu guuro xaruntiisii Ha rgeysa, xili dadkeedu ka soo cararayeen, oo weliba dagalkii 1996-1997 fidnada ee ehelku isku dilaayey uu socday.

Cabdillahi OOmaar waxuu ahaa nin cibaad badan, oon salaad, iyo quraan akhris waagu ugu baryo uguna dhammado, af-gaaban, sh aqo badan oo dhowrsan. Cabdilaahi waa nin ubadkiisa si wacan u koriyey, gaadhsiiyey inay dhammaan ka soo baxaan Oxford Univ ersity. Waxuu ifka kaga tegay hal xaas, iyo laba wiil iyo gabadh dhammaan ah xiddigo ka muuqda carada Soomali degto iyo dhul ka durugsanba. Waa Maxamed Cabdillahi Oomaar oo Wasiirka Debedda ee Soomaliya ah, Waa Raaqiya Cabdillahi Omaar, aqoo nyahan, garyaqaan, caan ah oo xuquuqul insaanka Africa aad loogu tixgeliyo. Waxa Raaqiya reer Soomaliland ku xusuustaan kaalintii warfidinta iyo iclaaminta halganka SNM ay ka qaadatay, waxaana markhaati u ah buuga.. Government at War with Its People...Waxaa isna aan ka maqaam yareen saxafiga caalamiga ah ee Raage Cabdillahi Oomaar, oon cidna loo sheegeen. Wanaa ga ubadka Cabdilaahi ifka kaga tegay ayaa markhaati u ah wana aga uu lahaa.

Marxuum Cabdilaahi Oomaar Cawaale, waxaan Illaahay uga bary ayaa inuu u naxariisto oo uu janatal fardows ku abaal mariyo, in nagana dhammaan inaga siiyo samir iyo Iimaan.
 



Ahmed Arwo

President
Somaliland Democracy Shield
Cardiff UK
samotalis@gmail.com