M.X.I.Cigaal:
Hoggaamiyihii dhisay Somaliland-ta cusub ee casrigan
In uu ahaa aqoonyahan waaya’aragnimadiisii iyo aqoontiisiiba uga
faa’iideeyey bulshadiisa; iyo in uu ahaa hoggaamiye fiican oo
dhidibbada u adkeeyay dhisayna Soomaalilaanta cusub ee casriga ah ay
aa ka mid ah waxqabadyada badan ee lagu xasuusto,Alle ha u
naxariistee, madaxweynihii hore ee Soomaalilaan, mudane Maxamed X.
Ibraahin Cigaal.
Mudane Cigaal, Alle ha u naxariistee, waxa uu ahaa mas'uulkii u
horreeyay ee gacantiisa ku saxiixa xorriyaddii u horreysay ee uu mid
ka mid ah dalalka Soomaalidu qaato. Bishii Febraayo ee sannadkii
1960 ayaa waxa uu mudane Cigaal gacantiisa ku saxiixay in ay
Soomaalilaan xornimadeeda ka qaada to dawladda Ingriiska taariikhdu
markay gaadho 26-ka Juun ee isla sannadkii markaa lagu jiray 19
60-kii. Xornimadii ka dib waxa uu noqday hoggaamiyihii u horreeyey
ee Soomaalilaan. Markii ay Soo maalilaan la midowday Soomaaliyana
waxa uu xilal sarsare ka qabtay xukuumadihii kala dambeeyey ee
Soomaaliya.
Haddii aad soo marto waddada weyn ee suuqa hoose, gaar ahaan inta u
dhexaysa Saldhigga Dhexe ee Booliska Hargeysa iyo taallada loo
yaqaan “Daljirka”, waxaad arki kartaa boodh taariikhi ah oo ku yaal
kaabadda kala qaybisa labada haad ee isla waddadaas. Waa boodh uu ku
dhigan yahay sawirk a (sawirgacmeed) madaxweynihii hore ee
Jamhuuriyadda Soomaalilaan,Alle ha u naxariistee, Maxa med Xaaji
Ibraahin Cigaal, oo si fiican loo qurxiyey. Sawirka xaggiisa hoose
waxaa ku qoran far sii masaxmaysa, in ay masaxanto ma ay ahayne, oo
aan ka gartay: " Xoghayihii guud ee xisbigii SNL ee 1960-kii, iyo
madaxweynihii labaad ee jamhuuriyadda Soomaalilaan." Waa boodh
qofkii arka xasuusi n kara waagii uu, Alle ha u naxariistee, mudane
Cigaal madaxweynaha ahaa, taladiisana lagu meel mari jiray.
Sawirka madaxweynaha ee boodhkaa isaga ah ku dhigan intaas uun
laguma xasuusan karo, ee wax aa lagu xasuusan karaa maalmo badan oo
kale. Oo kuwee ka mid ah maalmahaa badan ee kale? Wax a ka mid ah
maalmihii sida farxadda leh madaxweynaha loogu soo dhowaynayey
caasimadda Hargey sa. Waa sannadkii 1993 markii shirweynihii Boorama
lagu soo doortay. Maalmahaa waxaa meel kas ta oo muhiim ah la dhigay
ama lagu dhajiyey sawirka madaxweynaha oo aad loo qurxiyey.
Sawirradii faraha badnaa ee aan berigaa arkay markii madaxweynaha la
soo dhoweynayey qaar badan oo ka mid ahaa ayaa aad ugu egaa kan
maanta boodhka ku dhigan.
Adduunka siyaabo kala duwan ayaa xasuusta iyo taariikhaha loo
kaydiyaa. Siyaalahaas badankooda waxaa ku caan ah bulshooyinka xagga
aqoonta inagaga horreeya. Boodhadhka iyo sawir-gacmeed yadu waxay ka
mid yihiin qaybta fanka naqshadaha iyo farshaxanka, waxaana si xiisa
leh dalalka qaarkood loogu muujiyaa dhacdooyinka iyo sawirrada dadka
aadka loo jecel yahay. Boodhka halkaa ku yaal iyo kuwa kale ee la
midka ahiba qiime weyn ayey leeyihiin.
Madaxweynihii hore, Alle ha u naxariistee, Maxamed Xaaji Ibraahin
Cigaal, haddii uu ahaa mas'uulkii xorriyaddii la qaatay shisheeyaha
ka saxeexay, waxa kale oo uu ahaa halyeygii dhisay ee hagaajiy ey
Soomaalilaanta cusub ee casriga ah. Geesigu ma aha ninka dadka dhiba,
ee waa ninka nabadda ka taliya, dhismaha bulshadana kaalin weyn oo
muuqata ka qaata. Qof kastaa wax waa uu dumin k araa, hase yeesho ee
dadka in yar uun baa wax dhisi karta. Mas’uuliyiintii dhismaha
qaranka iyo bu lshadaba ka qayb qaadatay kuwa ugu horreeya, haddii
aanu ahaynba ka koowaad, ayuu Cigaal ka mid ahaa. Nidaamkii uu wax
ka dhisayna waa kaa ilaa maanta shaqaynaya ee loo aayey.
Iyada oo wanaagga lagu dadaalayo ayaa la isla gartay in xus loo
sameeyo mudane Cigaal, maaddaa ma uu ahaa hoggaamiye fiican oo aad
loo jeclaa. Meelaha xuskaa isaga ah laga bilaabay, in kasta oo ay
tahay in meelo kalena loogu magac-daro, waxaa ka mid ah gegida weyn
ee dayuuradaha Hargey sa oo loo bixiyey " Gegida Dayuuradaha
Caalamiga ah ee Cigaal - Egal International Airport". Xuska marka
laga tago waxa fiican in ay dhallinyaradu taariikhdii Cigaal
akhristaan waxna ka bartaan.
Axmed Iid Aadan
ahmediid@hotmail.com
|