WASIIRKA WAXBARASHADA SOMALILAND OO WARBIXIN QIIMO LEH KA SOO JEEDISAY SHIR LAGU QABTAY MAGAALADA LONDON


London (TNN)- Shir aad u qurux badan oo lagu xog waraysanaayey Wasiirka Waxbarashada iyo  Taclii nta Sare Marwo Samsam Cabdi Adan ayna soo qaban qaabiyeen qurba jooga reer Somaliland ayaa  c aawa lagu qabtay galbeedka magaaladan London, Waxa kasoo qayb galay dad aad u fara badan oo isaga kala yimid debadaha iyo dacaladda magaaladan London.

Wasiirka Waxbarashada iyo Tacliinta Sare Marwo Samsam Cabdi Adan “waxa ay shirka kasoo jeedisay warbixin aad u dheer oo dhinacyo badan taabanaysa ugu horeyna mahadnaq usoo jeedisay dadkii  so o abaabulay shirka aadka u qurux badan, Marwo Samsam waxa ay ugu horeyn warbixin kooban kaga sheekeysay doorashadii 26 juun ee sanadkii tagay ka dhacdey Somaliland iyo sida uu indhaha  caalam ka usoo jiitay, Wasiirka Waxbarashada iyo Tacliinta Sare Marwo Samsam Cabdi Adan waxa ay kale oo sheegtay waxqabadkii ay sameeyeen 100 maalmood ee ay kusoo bandhigeen waxqabadka dawlada cusub oo ay sheegtay inay wax badan qabteen ,waxa kale oo ay sheegtay inay safaro kukala bixisay meelo badan oo Somaliland ka tirsan si ay u ogaato baahiyaha xaga waxbarashda ee jirta gaar ahaan kuwa miyiga.

Marwo Samsam waxa kale oo ay soo qaaday in wasaaradaha jira ay waxqabadkooda la tabo galiyey iyada oo wasaaraduhu ay si hufan ugu adeegaan shacabka, Mar ay wasiirku ka hadashay  macalimii nta waxka dhiga Schooladu ay dhan yihiin 4000 macalimiin ah oo ay laba haayadood oo ka hawgala Somaliland ay ka caawiyaan mushahaarka macalimiinta.

Wasiirka Waxbarashada iyo Tacliinta Sare Marwo Samsam Cabdi Adan oo hadalo aad muhiima  sheegt ay waxa kale oo ay carabaabtay inay soo celin doonaan guryahii ay lahaayeen macalimiintii schoolada wax ka dhigi jirtay kuna sameyn donaan dib u habayn lana hagaajin doono madbacadii qaranka  Somal iland .Waxa kale oo ay sheegtay in aanu xidhiidh wanagsan ka dhex abuurnay Schoolada dawlada iyo kuwa gaarka loo leeyahayba. sidasoo kale waxa aanu waxbarasho dibadeed u dirnay dalal aanu  saxii bo nahay oo ay ka mid yihiin Sudan 30 arday Liibiya 30 iyo Ethiopia 100 arday.

Marwo Samsam Cabdi Adan waxa ay soo qaadatay qiso aad u cajiiba oo ka dhacdey Dayib-Guray oo markii ay u tagtay ay aragtay sida ardaydu ay u taabaalaysan yihiin oo weliba ay dhulka ku  fadhiy aan aadna uga liitaan agabaka waxbarasho ,markii ay u tagayna aay u sheegay inay waxqabsadaan oo dedaal sameeyaan hadi iay doonayaan in la caawiyo ,oo markii aan kusoo noqday si aan wax ugu sameeyo aan arkay iyaga oo dedaal aad u badan sameeyey oo Schoolkii iyaga oo rijiyeynaaya aan u tagay aadna aan ugu farxay.

Waxa isna shirka mahadnaq usoo jeediyey wasiirka iyo dhamaan shacabkii reer Somaliland ee shirka kasoo qaybgalay safiirka Somaliland u fadhiya London Mr Ahmed Cumar Sangoore oo sidoo kale ku tilmaamay warbixinta wasiirka mid aad u wanagsan ayna la garab tagan yihiin hiil iyo hooba.

Waxa ay u dhacdey shirkaasi sidii loogu talo galay oo dhamaan dadkii kasoo qaybgalay ay  wajiyado oda farxadi ka muuqatey sidaasoo kalena ay mid mid ugu tagayeen wasiirka si ay u salaamaan kuna hanbalyeynaayey dedaalka ay sameynayso.

Hamse Ahmed Salaan
London
hamse100@gmail.com