|
Haweenka Xisbiga KULMIYE ee magaalada Cardiff ee Gob olka Wales ee
dalka UK, ayaa xaflad ballaadhan oo si heersare ah loo soo
qabanqaabiyey ku qaabiley
Cardiff (TNN)-Haweenka Xisbiga KULMIYE ee magaalada Cardiff ee
Gobolka Welis ee dalka UK, ay aa xaflad ballaadhan oo si heersare ah
loo soo qabanqaabiyey ku qaabiley Marwada Guddoomiy aha
Xisbiga KULMIYE, Marwo Aamina Weris Sheekh Maxamed iyo Marwo Ilhaan
Maxamed Jaam ac oo booqasho ku yimi dalkan UK.
Aayado qurŽaan ah oo ay xafladda ku furtay Nuura Maxamed Saleebaan,
kadib, waxa hadalka la wareegtay Khadar Ibraahim Warsame oo xafladda
daadihinaysey, waxayna ugu horayn is bart ay Weftiga iyo
haweenka reer Cardiff ee xafladda ka soo qaybgalay, iyadoo halkaa ka
jeedisey warbixin kooban oo ku saabsan Aamina-weris iyo Ilhaan
Maxamed Jaamac oo labaduba ka mid ah haweenka mutacalimiinta ah ee
Somaliland taariikhdooda iyo kaalintii gaar ahaan Aamina-we ris oo
ah Marwada Guddoomiyaha KULMIYE ay ka soo qaadatay halgankii SNM ee
dalka lagu xor reeyey, halgan kaas oo muddadii ugu dheerayd
uguna adkayd dhinaca dagaalka, halgankuna h ore u dhaqaaqay uu
hoggaaminayey Muj. Axmed Maxamed Siilaanyo, kaalintaas oo ay ilaa
had da kaga jirto hawlaha qaran iyo kuwa xisbi ee uu ku jiro Muj.
Siilaanyo.
Sidoo kale, waxay ka warantay in
Marwo Ilhaan oo ah gabadhii Xisbiga KULMIYE u xulay xubinni
mada Komishanka Doorashooyinka, balse, Daahir Riyaale si badheedha
oo xaq-darro ah ugu dii dey, ay deganayd dalka Canada oo ay
wax ku baratay, kana shaqaysanaysey, balse ay ka door bidday
inay tamarteeda iyo aqoonteeda kula noqoto dalkii. Waxayna sheegtay
Khadar in Ilhaan ay dalka ka hi rgelisey mashaariic uu ka mid yahay
dugsi caruurtu wax ku bartaan oo ay ka sam aysay magaalada
Ceerigaabo.
Warbixintaa kooban kadib, waxa iyadoo ku hadlaysa magaca haweenka
Cardiff ku soo dhowey sey weftiga magaalada Cardiff, Marwo
Faadumo Ismaaciil Nuur (Faaduma Bijaame) oo sheegtay inay aad ugu
faraxsan yihiin booqashada ay ku yimaaddeen Cardiff Marwo
Aaminaweris iyo Ma rwo Ilhaan.
Marwo Aamina-weris Sheekh Maxamed ayaa iyadu hadal dheer oo dhinacyo
badan taabanaysa xafladdaa ka jeedisey. Aamina-weris waxay ka
warantay xaaladda dalka iyo doorashooyinka loo diyaargaroobayo,
iyadoo ku guubaabisey haweenkii xafladdaa isugu yimi kaalinta looga
baahan yahay Qurbajoogga rag iyo haweenba inay ka qaataan
doorashadaas iyo sidii dalka isbeddel u ga dhici lahaa.
Aaminaweris waxa kale oo ay ka hadashay sida loogu baahan yahay in
haween ku ay kaalintooda ka qaataan dowladda Somaliland, waxayna ku
baraarujisey qurbajoogga sidii qoysaska iyo caruurtu ay ugu noqon
lahaayeen waddankoodii hooyo, balse, waxay sheegtay in loo baahan
yahay in laga wadahawl galo sidii waddanku u heli lahaa dowlad
fiican oo daryeesha dadkaa dalkooda u soo hiloobaya iyo kuwa dalka
gudihiisa joogaba, iyada oo ka warantay duru ufaha dalka ka
jira iyo in daryeel iyo adeegyo badan oo qoysaska iyo caruurtu ku
haystaan ha lkan aanay ka helayn dalka. Balse, waxay tidhi
insha allaah waddankeenna ayaynu hagaajisan doonnaa, marka
dhammaanteen aynu u wadahawlgalo sidii aynu isbeddel u samayn lahayn.
Xafladda oo isugu jirtey soo dhoweyn, isbarasho, isxogwaraysi iyo
martiqaad casha-sharafeed ah, waxa lagu soo gebagebeeyey ciyaaro
kala duwan oo hido iyo dhaqan ah iyo heeso waddani ah. Waxayna ku
dhammaatay jawi aad u qurux badan.
khadar warsame
khadar_81@hotmail.co.uk
|
|