Marwada 1aad +Hay'adda AET oo casho sharaf ku sagootiyey Hablihii Tartanka Kedis iyo Nuurad iin oo Dahab u xidhay Hablihii tartamay

 


Hargeysa Jan 14,2011 (TNN)-Marwada 1aad ee Madaxweynaha Somaliland Md Axmed Maxamed Maxamuud [Siilaanyo] Aamina Waris Sheekh Maxamed [jirde] ayaa casho sharafeed aad u quru xbadan ku sagootisay Hablihii ka qaybgalay tartankii Dugsiyada sare ee gobalada Somaliland oo dhan kaasoo ay qabatay Hay’adda AET iyada oo gacan ka helaysa wadaamda Midawga reer  Yur ub.

Munaasibad balaadhan oo lagu maamuusayey xafladii sagootiska ahayd isla markaana ay  marti qaadkeeda lahayd Marwada 1aad ee Madaxaweynaha Somaliland Marw Aamina Waris Sheekh Maxamed [jirde] waxaa lagu qabtay Hotelka Safaari ee magaalada Hargeysa.

xafladaasi waxaa kasoo qaybgalay Marwada 1aad Aamina Waris,Madaxa Hay’adda Africa u  qaa bilsan dhanka waxbarashada ee AET [African Educational Trust] Xasan Axmed Embessy iyo  Maa mulada Dugsiyada sare ee Schoolada Nuuradiin oo kaalinta 1aad galay,Muuse Yuusuf oo kaalinta 2aad galay iyo Maxamuud Axmed Cali oo kaalinta 3aad galay.

Dhanka kalana waxaa munaasibaddaasi si wayn uga dhexmuuqday xubno shaqooyin sarsare ka haya Hay’adda AET oo u dhashay wadamada reer Galbeedka gaar ahaan wadamada ku  bahooba y EU-da kuwaasoo si wayn uga helay qabashadii tartankaasi tan iyo intii uu socday maalmihii  la soo dhaafay.waxaa iyana xafaladaasi fadhiyey Hablihii u tartamay Dugsiyada aan soo sheegnay oo ku labisnaa dhar aad u quruxbadan iyo marti sharfkale.

Ugu horeyn waxaa xafladaasi ka hadlay Gudoomiyaha Hay’adda AET Md Xasan Axmed Embessy waxaanu ka waramay ujeedada xaflada waxaanu sheegay inuu ku faraxdsanyahay sidii ay u  dh acday qabashada tartankii ay Ha’adiisu u qabatay Hablaha dhigta Dugsiyada Sare ee Somaliland.

Mr Embeesy waxa uu halkaa mahad naq balaadhan ugasoo jeediyey Marwada 1aad Aamina  War is Sheekh Maxamed Jirde oo uu sheegay inay waxbadan kalasoo qabatay hawlo xagga luuqadda Afka Ingriiska ah tarjumaadiisa oo ay hada ka hor AET qabatay “anagu Marwada wax gaaraanu isku nahay oo hadda ka hor markii aanu wadnay hawshii Cajaladihii luuqadda Afka Ingiriisiga ahaa waxay ka mid ahayad dadkii sida wayn noogala shaqeeyey” sidaa waxaa yidhi Md Embessy oo ka waramayey xidhiidka soo jireenka ah ee ka dhexeeyey Marwada 1aad iyo Hay’adda AET.

Waxaa isna halkaa ka hadlay Maamulaha guud ee Schoolada Nuuradiin Mahad Ibraahim Maxamed waxaanu ka waramay taariikhdii hore ee Schoolada Nuuradiin iyo xiligii ay dhidibada u taageen yagleelka Schoolada Nuuradiin sidii ay ahayd duruuftii qalafsanayd ee ay xiligaa ku bilaabeen.

“anagu horta Schoolka Nuuradiin waxaanu ka bilawnay halka ay maanta Dawladda cusubi ka  bila wday oo waxaanu ka soo bilawnay meel Ebar ah [o] waxaanan xusuustaa markii aanu  bilaabay nay Ardaydu waxay ku dadhiisanjireen Daasadaha”ayuu yidhi.

Maamulaha guud ee Schoolada Nuuradiin Mahad Ibraahim waxa uu sheegay in uu Ilaahay ku  guul eeyey dadaalkoodii aahaa inay wax barashada ubadka reer Somaliland meel fiican gaadhsiiyaan ilaa heer ay ka Nuuradiin ahaan maanta ku faani karaan “maanta Schoolada Nuuradiin waxay  ma rayaan Gudsiga Hoose iyo Dhexe iyo laba Dugsiyada sare ah” ayuu yidhi Mahad Ibraahim  Maxam ed Maamulaha guud ee Schoolada Nuuradiin.

Mahad Ibraahim waxa uu intaa ku daray dhalinyarada maanta dalka ugu muuqaalka iyo  magaca ba sareeyaa inay yihiin kuwii wax kasoo bartay Schoolada Nuuradiin “anaga maanta waxaa  shar af noogu filan dhalinyarada ka muuqata xagga sare ee goobaha waxbarashada inay yihiin kuwii wax kasoo bartay Schoolada Nuuradiin” ayuu yidhi.Maamulaha Nuuradiin waxa uu sheegay in uu Schoolkoodu leeyahay qaybta luuqadaha oo kaliya lagu barto [private school for only anguages] iyo xarunta daabacaada Buugaagta kala duwan ee Schoolkaasi.

Dhanka kalana waxa uu carabka ku adkeeyey inay waxbadan ka badashay Marwada 1aad  daree nka iyo shucuurta guud ee Schoolada Nuuradiin Ardayda ilaa iyo maamulka oo dhan,waxaanu  M arwada ku amaanay sida firin fircoon ee ay ugu heelantahay inay wax ka qabato arimaha sare loogu qaadayo waxbarashada dalka “akhlaaqda iyo dhaqanka wanaagsan ee Marwadu wuu  nasa ameeyey ilaa Ardayda iyo maamulka sare ee Schoolada Nuuradiin” ayuu yidhi.

Maaulaha guud ee Schoolada Nuuradiin Mahad Ibraahim Maxamed waxa uu sheegay xukuumadu inay si fiican u maamushay qaybinta fursadaha Ardaydii waxbarashada bilaashka ah ka helay wadamada Suudaan,Liibiya iyo Maleesiya waxaanu xusay inay sansaanta fiican ee kasoo carfaysa waxqabadka Xukuumadda Cusub tahay wax lagu diirsado “markaad saxansaxo aragtaan waxaad filataani saw roobkii maaha hadda waxaan leeyahay Xukuumadda cuusb waxaa kasoo carfaysa saxan saxo udgoon badan waxbaqabkeediina wuu bilawday” ayuu yidhi Mahad Ibraahim.

intaa ka dib Gudoomiyaha Hay’adda AET Md Xasan Axmed Embessy waxa uu hadalka ku soo  dha weeyey Marwada 1aad Aamina Waris Sheekh Maxamed [jirde] waxaanay Marwadu halka kasoo jeedisay khudbad qiimo badan oo ka koobnayd Luuqado kala duwan,waxaanay ugu horeyn  khu badeeda ku bilawda luuqadda Igiriiska maadaama ay xafladaasi fadhiyeen Saraakiil ajaanib ahi.

Waxaany khubadeeda ku sheegtay siday raaliga uga tahay qabashada tartankii dhexmaray  Ha blaha dugsiyada sare ee Somaliland iyada oo si gaara ugu mahad celisay Hablihii ka socday  Sch oolka Muuse Yuusuf ee Laas-caanood oo muujiyey kaalin muhiim ah inay kaga jiraan  waxbaras hada dugsiyada sare ee dalka Somaliland.

Marwadu waxay sidoo kale u mahad celisay Hablihii ka socday Schoolka Nuuradiin eek u  guulesyt ay tartankaasi waxaanay ku tilmaantay inay dalka u yihiin wax ku dayasho mudan,iyada oo  arim ahaa ka hadlaysana waxay tidhi “Hablaha Muuse Yuusuf waxay muujiyeen dadaal badan  Scho olada kale ee dalkana waxaan leeyahay waa inaad ku dayataan Schoolka Nuuradiin heerka uu gaadhay”

Marwada 1aad Aamina Waris waxay sheegtay Xukuumadda cusubi inay dadaalkeeda sii laban  la abayso waxbana aanay bushadeeda kala hadhidoonin haduu eebe yidhaa.waxaanu sheegtay  in ay Xukuumaddu bilaash ka dhigtay waxbarashada Schoolada dalka oo aanu jiridoonin Arday laga qaadaa lacagta waxbarashada.

“sidaad la socotaan wasiirka Maaliayddu waxa uu ku dhawaaqay habeen hore in bilaash laga  dhi gay wabarashadii Schoolada dalka intii tabartayada ahna waanu dadaalaynaa waxbana kala  had himayno dadaal kayaga tabari meel ay na dhigto mooyaane ee sidaa nagu ogaada”ayey  hadalk eeda ku soo gaba gabaysay Marwada 1aad Aamina Waris.

Gaba-gabadii xafladaasi maamulaha guud ee Schoolada Nuuradiin Mahad Ibraahim Maxamed  wax a uu hakaa kaga dhawaaqay in uu Hablihii labada School ee kala galay kaalmaha 1aad Nuuradiin iyo 2aad Muuse Yuusuf gudoonsiinayo midiiba SILSILAD,2 DHAGOO IYO FARAAN DAHAB AH [6 HABLOOD]”caawa waxaan halkan ku gudoonsiinayaa Hablihii lixda ahaa ee Schoolada Nuuradiin iyo Muuse Yuusuf dahabkii aan shalay u balan qaaday waxaana gudoonsiinaysa Marwada 1aad Aamina Sheekh Maxamed waxaana u yeedhayaa Hablihii ka socday Dusgiga Muuse Yuusuf”ayuu yidhi.

Waxaana halkaa Hayaddaasi qaaliga ah ee uu maamulaha Schoolada Nuuradiin ku abaal-mariyey Halaha gudoonsiisay Marwada 1aad Aamina Waris Sheekh Maxamed [jirde] ugu dambeyntii  gud oomiyaha Hay’adda AET Md Xasan Axamed Embessy waxa uu si gaara ugu mahad ciliyey gabadhii soo abaabushay hawlaha tartankaasi Kedis-ka ahaa Nimco Maxamed Xasan .


Source: Baadiya.com