Marwo Aamina Waris Oo Berbera Kasoo Degtay, Si Weyna Loogu Soo Dhaweeyey Madaarka

 


Berbera (TNN)-Marwada koowaad ee Gudoomiyaha Xisbiga Kulmiye Marwo Aamina waris  Shee kh Maxamed ayaa maanta siweyn loogu soo dhaweeyey madaarka Berbera raxan dadweyne ah oo watay giidiid calamo qoyan iyo calanka kulmiye waxaanay taageerayaasha xisbigaasi  ka la hadashay taageerayaasha xisbiga kulmiye xarunta xisbigaasi ee Berbera waxaana ay ka  ha dashay Dekeda Berbera iyo gobolka saaxil waxaanay tidhi “waxaan idiinka mahadnaqayaa soo dhaweyntiina diiran waxaan jecelahay inaan Berbera horumarino waad arkaysaan oo Dekedii mandaqada ugu weynayd waa la dacsay, dacadi badan ayaa dhacaya waxaan idiin  balanqaa daya horumar, waxaana ka soo guryo noqday ingiriiska runtii dadkuna way inaga  taageersan yahay doorashana waa laga dhursugayaa”


Marwo Aamina waris iyadoo hadalkeeda sii wada waxay tidhi “waxaan leeyahay qudhaanjow ku quuso in badan ayaa la odhan jiray lagaama taageero saaxil waxaan arkayaa sida aad usoo baxdeen”


Waxa kale oo isna halkaasi ka hadlay Xildhibaan Maxamed Faarax qabile waxaanu yidhi “waxaan idiin sheegayaa in Berbera lagu xaman jiray muxaafid isla markaana taas manta aad  beenayse en sedan aad usoo baxdeen awgeed waa magaalo la baabiiyo oo aan tacadiya ka dhacaan dalka kale ka dhicin”


Waxa isaguna halkaasi ka hadlay Mujaahid Xamarji oo Reer Saaxil ugu baaqay inay codka la ogaadaan Kulmiye maalinta doorashadana sedan usoo baxaay.

Sido kale waxa isna halkaasi ka hadlay Gudoomiyaha Awal bari Cabdilaahi Maxamed waxaanu yidhi “waxa iigu danbaysay madaarka Berbera mudo badan ka hor maanta madaarku xor maaha cidna laga ixtiraami mayo waxaan leeyahay xukuumada war miyaan la noolaan doonin dalka sida ka daaya oo wax la hadha”

Sidoo kale xubno ku hadlayey xisbiga kulmiye ee gobolka saaxil ayaa iyaguna madashaasi ka hadlay oo ka waramay marxaladaha dalku ku jiro.Waa Soo Dhaweyntii Ugu qiimaha badneyd ee loo sameeyo marwo Aamina Waris Shekh Maxamed taas o ay dad ad u faro badani kusoo qeybgaleen soo dhaweynteeda waxaana qado sharaf loogu sameeyey Maansoor Hotel.

ABDIKARIM SAED SALAH
CLKARIM_3@HOTMAIL.COM
4441209
BERBERA SOMALILAND