Marnaba Diyaar Uma Nihin In Aanu Ina Rayaale U Saxeexno Kordhin, Waayo Xaaraan Baanu U Aragnaa

 

Guddoomiyaha Xisbiga mucaaradka ah ee Kulmiye Axmed Maxamed Maxamu ud (Siilaanyo), ayaa Baanka Dhaxe Somaliland ku tilmaamay goob loo adeeg do boobka iyo dhaca Hantida ummada, waxaanu sheegay uu Baanku ka mid yahay meelo uu farta ku fiiqay in Xisbigiisu baabiin doono haddii uu talada dalka ku guulaysto.

Axmed Siilaanyo oo xalay ka hadlay Madal ay ardayda Jaamacadaha Hargeysa su'aalo ku waydiinayeen hogaanka sare ee Xisbiga Kulmiye, waxa kale oo uu ka waramay arimaha dhawro oo ay ka mid tahay mawqifka xisbiga kulmiye ka taagan yahay Muddo kordhin loo sameeyo Madaxwayne Rayaale iyo Xukuumadiisa, isaga oo si cad yu sheegay in aanu marnaba xisbigoodu u saxeexayn Mar labaad Madaxwayne Muddo kordhin.

Guddoomiyaha kulmiye Axmed MAxamed Maxamuud (Siilaanyo), oo ugu horeyn ka hadlay doorashada Madaxtooyada iyo kalsoonida uu ka qabo haddii ay doorashadu dhacdo waxa uu yidhi " Maanta anagu hadaanu doonayno inuu dalka isbadal ku yimaado, nooca kaliya ee aanu isbadalka ku raadinaynaa maaha dagaal ee waa codayn iyo doorasho, waxaanu mar walba cadaynaynaa xisbiga kulmiye ahaan iyo aniga iyo walaalkay Cabdiraxmaan Saylici oo mushariiintii Xisbiga ah, walaalahayo iyo taageerayaasha Xisbiguna iyo bulshada Somaliland nagu garab taagan yihiin oo aanu kalsooni badan ku qabnaa Ilaahayna waxa uu igu ogyahay Kalsoonida aanu maanta shacabka ku qabno waxaan aaminsamahay haddii doorasho xor iyo xalaal ahi dhacdo in aanu 80% in ka badan aanu helayno, doorashaduna waa taanu meesha u taaganahay diyaarna waanu u nahay"

Axmed Siilaanyo, waxa uu cadeeyay in aanay marnaba ogolaanayn in muddo kordhin loo sameeyo Xukuumadda Madaxwayne Rayaale, waxaanu yidhi " Marnaba diyaar uma nihin inaanu ina Rayaale u saxeexno Kordhin, waayo xaaraan baanu u arkaa. Waxa kaliya ee aanu taaganahay oo aanu leenahay saacadaa la joogo marka 6-da bisha April ka dhammaato Madaxwaynaha iyo Madaxwayne ku xigeenka wakhtigoodii oo mudooyin badan loo kordhiyay, waa in labada gole ee sharciga ah oo iyagu umadda ka wakiil ah xilka lagu wareejiyo oo ay sameeyaan ama dhisaan cid doorasho xor ah oo xalaal ah gaadhsiisa ummada".

Mar uu ka hadlay Axmed Siilaanyo Baanka dhexe iyo lacagaha oo soo daabaco oo uu dhaliilo u soo jeediyay waxaa uu yidhi " Meelaha ugu waaweyn ee lacagta lagu lumiyo waxa ka mid ah baanka dhexe, baankan maanta inoo dhisan waa hay'adaha qaranka u dhisan ee aynaan wali xisaab celin uu leeyahay aynaan arag, baan uu furo maynaan arag, qof lacag dhigta ma lihidin, baanku waa meel loo adeegsado boobka iyo dhaca iyo lacagta la soo daabacdo. Hay'adaha aanu baabi'inayno ee aanu bedelayno ee aanu baanan hagaagsan ku furayno, ganacsigiisa xor ka dhigayno, waa siyaasadda ugu horeysa ee xisbiga Kulmiye." Isaga oo hadalkiisii sii wata waxa uu yidhi " Bal iswaydii sanad kasta marka ay doorashadu imanayso, maxaa lacag cusub loo soo daabaco oo dad badani inooga baxaan lacagta timid ayaa isku beegta.

Guddoomiyaha Baanka oo la waydiiyay waxa isku beega wakhtiga doorashada iyo daabacaada lacagtuna waxa uu yidhi iyadaa isku beeganta ee anigu kuma beego, waxa kale oo jirta lacagtii loo jaray Aafadii Burco, waxa ku xigtay tii Laascaanood, shilin wali laascaanood la geeyay ma jirto, iyadana guryihii shacabka ayaa mid mid loo galay sida halkan, lacagtaasi meesha ay martay cid taqaanaa ma jirto, waxaasi oo dhan marka la isku geeyo lacag ciidaa ka fara badan ayaa ka soo baxaysa, waxayna noqonaysaa lacag umadda wax looga qaban karo

Waxaan leeyahay dhalinyaradu qayb buuxda ayay ka qaadanayaan dawlad kasta oo la dhiso, waxaanu aaminsanahay dhalinyarada in tacliinta, ciyaaraha iyo tasiidaadka ay u baahan tahay iyo waxbarasho dibadeed iyo gudo in lacag badan oo malaayiin gaadha loo dhigo, lacagtaasina maaha cashuurtaanu dadka ku kordhinaynaa, waxaanu caddaynaynaa oo aanu cilmi baadhis ku samaynay in lacagta laga soo saari karo inta qudha ee maanta jirta ee lacagta la xado ee tuugada, dhaca iyo boobka laga reebo waxa lagu qiyaasay ilaa 180 milyan, lacagtaana waxa loogu kordhinayaa shaqaalaha.

Waxa kale oo munaasibadan oo ay si wada jir ah u soo qaban qaabiyeen Xisbiga Kulmiye iyo Ardayda wax ka barata Jaamacaha kala duwan ee Magaalada Hargeysa, goob joog ka ahaa Masuuliyiinta kale ee Xisbigaasi , kuwaasi oo jawaabo ka bixinayay su'aalo ay ardaydu waydiinayeen.

 

 


Wargeyska Geeska Afrika, Hargeysa